Dal doonaya inuu Qoolleey u adeegsado “farriin qaadidda”

Qoolleeydan waxaa loo tababaray inay farriin qaaddo

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qoolleeydan waxaa loo tababaray inay farriin qaaddo

In badan waxaan heesaha ku maqalnaa in shimbiraha, sida gorgorka, gallayrka, fiidmeerta, Hudhudka iyo qoolleydu ay farriimo jacayl qaadaan.

Laakin farriimo kuwaa ka duwan ayaa iminka loo tababaray koox qoolleey ah in ay qaadi karaan.

Sababtu waxay tahay in aan la isku aamini karin hanaanka farriimaha elektroonigga la isugu diro oo ay dhici karto in mararka qaar uu go’o, kuwaasoo sidoo kale ay ku jiraan adeegsiga internetka iyo telefoonnada.

Booliska gobolka Odisha ee Hindiya ayaa iminka xanaaneynaya koox qoolleey ah oo la doonayo in la isticmaalo haddii ay dhacdo dhibaato kala goyn karta wada xiriirka.

Dib waxaa loogu laabtay dhaqankii la samayn jiray xilligii gumaysiga Ingiriiska, markaasoo saldhigyada booliska ay isticmaali jireen qoolleey si ay u wada xiriiraan.

Hay’adda dalka u qaabilsan adeegga farriimaha ee Qoolleeydu qaaddo waxay shaqo gelisay in ka badan 100 qoolleeyda loo yaqaanno Belgian Homer.

Xawaare dheer ayadoo ku socota ayey jari kartaa 800 oo KM

Xigashada Sawirka, Twitter

Qoraalka sawirka, Xawaare dheer ayadoo ku socota ayey jari kartaa 800 oo KM

“Waxaan xifdinnay qiyamka dhaqameed ee qoolleyda, waxaanan u dhaqaaleynay jiilkooda mustaqbalka” ayuu yiri Satish Kumar Gajbhiye oo ah taliyaha booliska ee degmada Cuttack.

Boolisku waxay sheegeen in qoolleeyda oo saacaddii ku duuli karta xawaare 55 KM ah masaafo dhan 800 KM, ugu yaraan laba goor lagu badbaaday afartankii sano ee la soo dhaafay.

Waxay qayb weyn ka cayaareen in la helo hanaan lagu wada xiriiri karo markii isgaarsiintu ay kala go’day 1999, markaasoo duufaanno xoog leh ay ku dhufteen dhulka xeebaha, iyo 1982 mar ay daadad xoog leh ku soo rogmadeen qaybo gobolka ka mid ah.

Qoolleeydu waxay inta badan qaaddaa farriimo qoran oo lagu qoray warqado aad khafiif u ah, kuwaasoo la dhex galiyey dhuun yar oo lugta looga xiro.

“Waxaan billownaa in aan tababarno shimbiraha marka ay jiraan shan ilaa lix todobaad” ayuu yiri Parshuram Nanda oo xanaaneeya shimbirahaas.

Qoolleeydu waxay qaadi kartaa farriin ku qoran warqad khafiif ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Qoolleeydu waxay qaadi kartaa farriin ku qoran warqad khafiif ah

Marka ay da’doodu sii weynaato waxaa la geeyaa qoolleeyda meel ka yara fog halkii lagu hayey, waana la sii daayaa si ay ugu soo laabato halkii ay ku hoyanaysay, ayadoo kaligeed is hogaaminaysa.

“masaafada si tartiib ah ayaan u kordhinaa, 10 maalmood gudahoodna waxay awood u yeelanayaan inay ka soo laabtaan masaafo 30 KM ah” ayuu yiri Nanda.

Qoolleeyda waxaa qarniyaal ka hor loo adeegsaday inay qaaddo akhbaarta qabsashadii reer Gaul ay qabsadeen Rome 121 ka hor dhalashadii nebi Ciise.

Waxay sidoo kale Ingiriiska soo gaarsiiyeen jabkii uu Napoleon kala kulmay dagaalkii Waterloo, waxaana aad loogu adeegsaday farriin qaadidda xilligii ay socdeen labadii dagaal ee dunida.

Balse markii uu yimid nidaamka casriga ah ee wada xiriirka ayaa Shimbiraha India ee farriin qaadeyaasha ah waxay noqdeen kuwo doorkoodu uu noqdo “door sharafeed” marka la qabanayo xafladaha dawladda iyo maalmaha qaranka sida uu sheegay Gajbhiye.