Maraykanka oo xayiraad saaray sharci yaqaanno ka tirsan maxkamadda ICC

Tebinta tooska ah ee BBC waxaad kala socon kartaa wararkii u dambeeyey ee caalamka iyo kuwa gobolka

Kooban

Tebin toos ah

  1. Israa'iil oo u yeertay 60,000 oo ah askarta kaydka ka hor gulufka weyn ee ay ku qaadayso Qasa

    Ciidanka Israa'iil

    Xigashada Sawirka, EPA

    Milatariga Israel ayaa sheegay in ay u yeerayaan ilaa 60,000 oo ah askarta kayd ah ka hor weerar dhulka ah oo la qorsheeyay in ay ku qabsadaan dhammaan magaalada Qaza.

    Sarkaal ka tirsan ciidamada ayaa sheegay in ciidamada kaydka ah ay soo xaadiri doonaan shaqada bisha Sebtembar, waxaana inta badan ciidamada loo soo abaabulay weerarka ay noqon doonaan kuwo firfircoon.

    Waxa ay intaa ku dareen in ciidamada ay horey uga howlgalayeen aagagga Zeitoun iyo Jabalia, taasoo qeyb ka ah diyaarinta qorshahan, kaasoo wasiirka difaaca Israel Katz uu ansixiyay Talaadadii, waxaana la horgeyn doonaa golaha ammaanka toddobaadkan.

    Boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan magaalada Gaza ayaa la filayaa in lagu amro in ay isaga guuraan oo ay aadaan meelaha gabaadka ah ee koonfurta Qaza.

  2. Maraykanka oo xayiraad saaray sharci yaqaanno ka tirsan maxkamadda ICC

    ICC

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraal ka soo baxay waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadka xayiraadda la saaray loo cuskaday amar madaxweyne 14,203 kaasoo dhigaya in xayiraad la saari karo dadka ajnabiga ah ee arrimaha cunfiga ama xumaanta ah ku lug yeesha.

    “Waxaana loola danleeyahay in cawaaqib la taaban karo oo weyn lagu soo rogo kuwa sida tooska ugu lugta leh xadgudubka ICC ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Israa’iil” ayaa lagu yiri qoraalka.

    Afarta qof ee xayiraadda lagu bartilmaameedsaday ayaa kala ah:

    KIMBERLY PROST, xaakim, qaybta dacwadaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

    NICOLAS YANN GUILLOU, xaakim, qaybta dacwadaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

    NAZHAT SHAMEEM KHAN, Ku xigeenka dacwad oogaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

    MAME MANDIAYE NIANG, Ku xigeenka dacwad oogaha, Maxkamadda caalamiga ee dambiyada.

    Natiijada cunaqabataynta ayuu maraykanku sheegay inay noqonayso in la xannibo “dhammaan hantida iyo danaha dadka la cunaqabateeyey”.

    Maraykanka iyo Israa’iil xubin kama aha maxkamaddan, maxkamadda ICC-na weli kama aysan hadlin, waxaase xusid mudan inay soo saartay amar lagu soo qabanayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo wasiirkiisii hore ee difaaca Yoav Gallant. Waxay kaloo amar noocaas ah ka soo saartay xubno ka tirsan Xamaas.

  3. Faahfaahin ka soo baxaysa dad salaad ku jiray oo lagu laayay dalka Nigeria

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Nigeria

    Macluumaad dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar burcadnimo ah oo ka dhacay gobolka Katsina ee waqooyiga Nigeria, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 30 qof xilli ay ku jireen tukashada salaadda masaajid halkaa ku yaalla.

    Qaar ka mid ah dadka deegaanka Gidan Mantau ee degmada Malumfashi ayaa u sheegay BBC Hausa in weerarku uu dhacay aroornimadii Isniinta, iyadoo 28-ka qof durba la aasay.

    "Waxaan ku jirnay salaaddii markii ay rasaas nagu fureen. Waxaan aasnay 28 qof, oo uu ku jiro aabbahay," ayuu yiri nin magaciisa la qariyay, isaga oo ooyaya isla markaana ilmada iska tiraya.

    "Guriga ayey ku garaaceen [aabbaha], qol ayey ku xireen, baatrool ayey ku shubeen kadibna way gubeen."

    Qof kale ayaa sheegay in kooxda weerarka gaysatay ay gubeen dumar iyo carruurta iyaga oo ku jira guryaha "islamarkaana ay afduubteen ku dhawaad 100 qof."

    Si kastaba ha ahaatee, Ciidanka Booliska ee Gobolka Katsina ee waqooyiga-galbeed ee dalka Nigeria ayaa sheegay in 15 qof lagu dilay weerarka.

  4. Sidee ninkan u dhashay Shiinaha ay ugu suurta gashay in gudaha Mareykanka uu hub uga dhoofiyo Kuuriyada Waqooyi

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Qof u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay siddeed sano oo xarig ah ka dib markii lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah hub iyo agab milatari uga dhoofiyay Mareykanka una diray Waqooyiga Kuuriya, sida ay sheegtay waaxda caddaaladda Mareykanka.

    Shenghua Wen, oo 42 jir ah, ayaa la sheegay inuu qaatay ku dhowaad 2 milyan oo doollar oo uu ka helay saraakiil Waqooyiga Kuuriya ka soo jeedda si uu hubka uga dhoofiyo gobolka California, sida lagu sheegay war-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay waaxda caddaaladda.

    Wen, oo deganaa magaalada Ontario ee gobolka California, ayaa la xiray tan iyo Diseembar 2024. Bishii Juun 2025, wuxuu qirtay dambiyo ay ka mid yihiin inuu ka shaqeynayay si uu u jebiyo Xeerka Cunaqabataynta Dhaqaalaha Caalamiga ah iyo inuu ahaa wakiil sharci-darro ah oo u shaqeynayay dowlad ajnabi ah.

    Kiiska Wen wuxuu muujinayaa hababka ay Waqooyiga Kuuriya uga gudubto cunaqabataynta caalamiga ah ee lagu soo rogay ganacsigeeda hubka.

    Waaxda caddaaladdu waxay ku tilmaantay Wen inuu yahay “muhaajir sharci darro ah”, waxayna sheegtay inuu ku yimid Mareykanka isagoo wata fiisaha ardaynimada sanadkii 2012, balse uu sii joogay dalka ka dib markii fiisihiisu dhacay Diseembar 2013.

    “Ka hor inta uusan u safrin Mareykanka, Wen wuxuu la kulmay saraakiil ka tirsan dowladda Waqooyiga Kuuriya oo uu kula kulmay safaaradda Waqooyiga Kuuriya ee Shiinaha,” ayay tiri waaxda caddaaladdu. “Saraakiishan ayaa u dhiibay hawlo uu ku soo iibsado agab ay u baahantahay Waqooyiga Kuuriya.”

    Bishii 2022, laba sarkaal oo Waqooyiga Kuuriya ka soo jeeda ayaa la xiriiray Wen iyagoo adeegsanaya baraha fariimaha internetka, waxayna ku amreen inuu si qarsoodi ah uga dhoofiyo hub iyo agab kale Mareykanka loona geeyo Kuuriyada Waqooyiga.

    Sanadkii 2023, Wen wuxuu konteennarro hub ah ka diray dekedda Long Beach ilaa Shiinaha, isagoo beegsaday in ay ugu dambeyn gaaraan Waqooyiga Kuuriya. Wuxuu si khaldan u sheegay macluumaadka ku saabsan waxa saarnaa kantoonnarradas

    Mid ka mid ah konteenarradaas, oo uu ku sheegay in uu siday qaboojiye, ayaa gaaray Hong Kong bishii Janaayo 2024, ka dibna loo sii diray magaalada Nampo ee Waqooyiga Kuuriya.

    Sidoo kale, Wen wuxuu iibsaday shirkad hubka iibisa oo ku taalla Houston isagoo isticmaalaya lacag uu ka helay sarkaal Waqooyiga Kuuriya u dhashay, wuxuuna hubka uga raray Texas ilaa California si loogu dhoofiyo.

    Bishii Sebtembar ee sanadkii hore, wuxuu iibsaday ku dhowaad 60,000 oo xabbo oo rasaas ah, isaga oo qorsheynayay in uu u diro Waqooyiga Kuuriya.

  5. Wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Boko Haram

    Boko Haram

    Xigashada Sawirka, Zagazola Weapon/X

    Qoraalka sawirka, Boko Haram

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xarigga ay u gaysteen ciidamada ammaanka ee dalka Chad, kaas oo lagu qabtay Muslim Muhammad Yusuf, wiilka ugu yar ee uu dhalay hogaamiyihii hore ee kooxda Jama'atu Ahlis-Sunna Lidda'Awati Wal-Jihad, oo si caadi ah loogu yaqaan Boko Haram gudaha dalka Nigeria.

    Sida uu sheegay cilmi-baaraha arrimaha Boko Haram ee gobolka Harada Chad, Zagazola Makama, Muslim Yusuf waxaa lagu qabtay isagoo ay weheliyaan afar xubnood oo kale oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdaas xagjirka ah.

    Makama wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ee dalka Chad aysan garanaynin aqoonsiga dhabta ah ee Muslim Muhammad Yusuf xilliga la qabanayay, balse la ogaaday markii hay’adaha sirdoonka ee Nigeria ay la wadaageen xogtaas iyada oo loo marayo Multi-National Joint Task Force (MNJTF), taasoo ah howlgal ciidan oo isbahaysi ah oo lagula dagaallamo Boko Haram.

    Warbixinnada ayaa sheegaya in Muslim Yusuf uu ahaa hoggaamiyaha dagaalyahanada Jihaad doonka ah ee ku sugan gudaha Chad, kuwaas oo muddo weerarro ka waday dalkaas. Waxa uu sidoo kale yahay walaalka ka yar ee Habib Yusuf, oo si kale loo yaqaan Abu Mus’ab Al-Barnawi, hogaamiyaha kooxda ISWAP (Islamic galbeedka Afrika.

  6. muhaajiriin Afghanistan u dhashay kana yimid Iran oo ku dhintay shil bas

    Afghanistan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Shil ka dhacay dalka Afghanistan

    Shil baabuur oo ka dhacay galbeedka Afghanistan ayaa sababay geerida 73 qof, oo ay ku jiraan 17 carruur ah, iyadoo dadka intooda badan ay saarnaayeen bas siday muhaajiriin Afghanistaaniyiin ahaa oo laga masaafuriyey Iran, sida uu xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Taliban oo la hadlay BBC Pashto.

    Baska oo kusii jeeday magaalada Kabul ayaa dab qabsaday habeenimadii Talaadada kadib markii uu ku dhacay baabuur xamuul ah iyo mooto, sida uu sheegay Ahmadullah Mottaqi, agaasimaha warfaafinta iyo dhaqanka ee Taliban ee gobolka Herat.

    Wuxuu sheegay in dhammaan dadka saarnaa baska ay dhinteen, iyo sidoo kale laba qof oo saarnaa baabuurkii iyo mootadii shilka gala ayaa dhintay.

    Bishii la soo dhaafay, Iran waxay kordhisay dadaalka ay kaga saaraysay dalkeeda muhaajiriinta Afghanistan ee aan sharciga haysan, kuwaasoo ka cararay dagaalada iyo xasillooni darrada dalkooda ka taagan.

    “Dhammaan rakaabkii baska waxay ahaayeen muhaajiriin kasoo raacay magaalada Islam Qala,” sida uu AFP u sheegay afhayeenka guddoomiyaha gobolka, Maxamed Yuusuf Saeedi.

    Booliiska gobolka Herat waxay sheegeen in shilka uu yimid kadib “xawaare dheereeya iyo dayacaad” uu sameeyey darawalkii baska, sida ay werisay AFP.

    Shilalka waddooyinka ayaa ah kuwo aad u badan gudaha Afghanistan, iyadoo waddooyinka badankood ay burbursan yihiin kaddib tobannaan sano oo colaad ah, islamarkaana sharciga waddo-marista aan si adag loo dhaqan gelin.

    Tan iyo 1970-meeyadii, malaayiin Afghanistiyiin ah ayaa u qaxay Iran iyo Pakistan, iyadoo uu jiray qax ballaaran xilligii duullaankii Soviet-ka ee Afghanistan sanadkii 1979 iyo sidoo kale wixii ka dambeeyey markay Taliban mar kale la wareegtay talada dalka sanadkii 2021.

    Arrintan ayaa sii kordhisay nacaybka iyo eexda lagula kaco muhaajiriinta Afghanistiyiin ee gudaha Iran, iyadoo qaxootiga ay la kulmaan takoorid baahsan oo nidaamsan.

    Iran waxay horay u siisay waqti kama dambeys ah oo ahaa bisha Luulyo (July), si ay muhaajiriinta aan sharciga lahayn uga baxaan dalka si iskood ah.

  7. Waxaan helnay madaxyada lix qof oo la soo dhigay waddada

    Ciidanka Mexico

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidanka Mexico

    Lix madax oo la jarjaray ayaa laga helay waddo ku taal bartamaha Mexico oo ah aag aan hore loogu baran dambiyada iyo xad-gudubyada kale ee budhcaddu gaysato.

    Masuuliyiin maxalli ah ayaa sheegay in dhacdadan ay la kulmeen subaxnimadii Talaadada oo ay roondo ka samaynayeen waddo isku xidha gobollada nabdoon ee Puebla iyo Tlaxcala.

    Booliisku ayaan sheegin sababta dilka dadkaasi ka dambaysay mana ay xusin kooxaha dambiilayaasha ah ee Mexico ka hawlgala in ay fuliyeen iyo in kale.

    Warbaahinta Maxaliga ayaa ku warrantay in goobta lagaga tagay fariin digniin ah oo ku socota kooxaha iska soo horjeeda oo sida muuqata ay saxiixeen koox lagu magacaabo "La Barredora" oo macneheedu yahay "Xaqa".

  8. Trump oo ka shakisan sida uu Putin u dhammayn karo dagaalka Ukrayn

    Trump iyo Putin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump iyo Putin

    Aqalka Kremlin-ka ee dalka Ruushka ayaa hoos u dhigay hadal heynta ku saabsan kulan la filyaya in ay wada yeeshaan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Vkan Ukrayn olodymyr Zelensky. Kulanka la saadaalinayay ayaa daba socday iyadoo Donald Trump uu mar kale ku dhawaaqay sida uu u rabo in labada hoggaamiye ay kulmaan si ay uga wada hadlaan joojinta dagaalka Ukrayn.

    Arrintan ayaa daba socota kulan laba geesood ah oo madaxweynaha Mareykanka iyo Ruushka ku dhex maray Alaska todobaadkii la soo dhaafay. Waxaana ku xigtay in Aqalka Cad lagu qaabilay todoba hogaamiye oo Yurub ah iyo Zelensky Isniintii.

    Trump waxa uu qiray in kulanku uu ahaa "mid adag" waxa kale oo uu sheegay in ay suurtagal tahay in madaxweynaha Ruushka aanu danaynayn joojinta colaadda.

    "Waxaan ogaan doonaa warka Putin labada toddobaad ee soo socda," ayuu yidhi Talaadadii. "Waa suurtagal in aanu dooneyn in uu heshiis qaato."

  9. Subax Wanaagsan

    Ku so dhawaada tebinta tooska ah ee BBC-da. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC waxa aad kala socon kartaan baraha bulshada sida Facebook, Youtube, X iyo barta internet-ka ee bbcsomali.com