Israa'iil oo baaraysa "saadaalin khamaar" lagu galay dagaalkii 12-maalmood ah ee ay la galeen Iiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay sheegayaan idaacadda iyo telefishanka dowladda Israa'iil, ciidamada ayaa baaraya sheegasho ah in qof hayay xog qarsoodi ah uu khamaar ku galay waqtiga uu dhacayay weerarka Israa'iil ee Iiran oo ahayd bishii Juun.
Khamaaradaasi ma ahayn oo keliya wakhtiga weerarka, laakiin waxaa la dhigay saadaal ku saabsan dhacdooyin kale oo la xiriira dagaalka 12-maalmood ee Israa'iil iyo Iiran, kuwaas oo qofkii ama dadka saadaasha sameeyey dib ugu helaan faa'iido dhan $128,000.
Labada saadaal ee kale ee rumeeyey waxaa ka mid ahaa saadaasha ku saabsan faragelinta Mareykanka ee dagaalka, iyo weerarkii ay Israa'iil qaaday isla markiiba ka dib markii Donald Trump ku dhawaaqay xabbad joojin.
Wariyaha BBC ee Qudus ayaa sheegay in kiiskan uu kiciyay walaac cusub oo ku saabsan khatarta khamaarradani ay ku yeelan karaan siyaasadda dowladda ama shaacinta sirta milatariga oo la faafiyo.
Bishii Juun ee sanadkii hore, isticmaale aan la garanayn ayaa khamaar ku galay goobta Playmarket dagaal u dhexeeya Israa'iil iyo Iiran. Khamaaradaas wakhtigaas si weyn ayaa shaki looga qabay. Laakiin isticmaalahani wuxuu si sax ah u saadaaliyay bilowga dagaalka iyo maalinta weerarkii ugu horreeyay, isagoo ku guuleystay $128,000 oo doolar.
Markii dambe, khamaaro kale oo la mid ah ayaa la dhigay kuwaas oo rumeeyey, sida maalinta uu Mareykanku farageliyey dagaalka Israel iyo Iran. Hadda, warbaahinta dowliga ah ee Kan waxay sheegaysaa in ciidamada ay baarayaan haddii qofka khamaarka dhigay uu helay xog qarsoodi ah ama uu yaqaan qof haysta xogtaas.
Walaacyo la mid ah ayaa ka jira Mareykanka, markii la arkay khamaarro waaweyn oo ka horeeyey tallaabooyin siyaasadeed oo muhiim ah, waxaana siyaasiyiinta qaar ka digayaan in khamaarrada noocaas ah ay khatar ku yihiin go'aan qaadashada dowladda isla markaana ay uga digayaan cadowga weerar soo socda.
Dhowaan ayay ahayd markii uu qof khamaare ah uu sameeyay ku dhowaad nus milyan doolar, ka dib markii uu sharad ku galay xil ka qaadista madaxweynaha Venezuela, wax yar kahor inta aan si rasmi ah loo shaacin qabashadiisa, taas oo dhalisay su'aalo ah in qof uu ka faa'iiday xog sir ah oo la xiriirta howlgalka Maraykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khamaarka lagu galay Polymarket, oo ah madal ku shaqeysa lacagaha dijitaalka ah (crypto), ee saadaalinayay in Nicolás Maduro uu ka bixi doono talada dhammaadka bisha Janaayo, ayaa si weyn u kordhay saacado ka hor inta uusan Madaxweyne Donald Trump Sabtidii ku dhawaaqin in hoggaamiyaha Venezuela la qabtay.
Hal akoon oo ku biiray madasha bishii hore, kana galay afar boos—dhammaantoodna la xiriira Venezuela—ayaa ka sameeyay in ka badan $436,000 (£322,000) sharad dhan $32,537 oo uu dhigtay.
Baaritaanadan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto cabsi kale oo dagaal, iyada oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in maraakiib dagaal ay kusii jeedaan dhanka Iiraan.
"Waxaa jira maraakiib badan oo halkaasi ku sii socda," ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la hadlay saxaafadda isagoo ka soo laabtay shirkii Davos ee Switzerland.
"Diyaarad weyn ayaa halkaa u socota, waan arki doonnaa waxa dhaca, ciidan weyn ayaa u socda Iiran, waxaan jeclaan lahaa inaan waxba dhicin .
Trump ayaa sidoo kale sheegay "Waxaan si dhow ula soconaa iyaga, ciidan ayaan ku sii jeeda halkaasi, waan arki doonnaa."
Xiisadda u dhaxaysa IIraan iyo Trump ayaa maalmo kahor qabowday markii uu sheegay inay Iiraan joojisay dilka dibad-baxayaasha oo uu horay u sheegay in haddii la dilo mudaharaadayaal kale uu Maraykanku talaabo qaadayo.












