Waa maxay tillaabada uu Maraykanku isku diyaarinayo inuu ka qaado Iran?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sabab la xiriirta go'itaanka internet-ka, waxaa aad u yar xogta laga helayo gudaha Iiraan. Dibadbaxyadii waddooyinka ayaa la rumeysan yahay inay inta badan istaageen kaddib tallaabo adag oo ay dowladdu qaaday, balse xiisaddu weli way ka taagan tahay xuduudaha dalka dibaddiisa, iyadoo falanqeeyayaal qaar ay tilmaamayaan suurtagalnimada tallaabo uu qaado Mareykanku.
Laba sarkaal oo hore oo sare uga tirsanaa Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon-ka) ayaa wareysi ay siiyeen BBC Persian ku sheegay in Mareykanku weli raadinayo tallaabo uu qaado.
Sida ay qiimeyntoodu tahay, hay'adaha amniga iyo militariga Mareykanka waxay wajahayaan su'aalo adag. Midda koowaad waa hubanti la'aanta ku saabsan waxa dhici doona kaddib weerar Mareykan ah. Midda labaadna waa fashilka Mareykanka ee saadaalinta cawaaqibta siyaasadeed ee ka dhalata "tallaabooyinkiisa militari" ee gobolka. Kuwani waa qaar ka mid ah su'aalaha horyaalla la-taliyeyaasha militari ee Washington.
Waxay sheegeen in, marka ay maqan yihiin mudaharaadayaal waddooyinka jooga iyo "maqnaanshaha cadaadiska Tehran", tallaabo militari ay aad u adkaan lahayd una noqon lahayd caqabad Washington. Si kastaba ha ahaatee, qaabka go'aan-qaadashada Donald Trump ayaa muujinaya inuu mar kasta beddeli karo go'aankiisa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Raadinta jawaab
Jimcihii, 2-dii Jannaayo , Pentagon-ka ayaa ku guda jira dhamaystirka qorshe lagu galayo madaxtooyada Venezuela oo lagu qabanayo"Nicolas Maduro" markii si lama filaan ah shay kale oo muhiim ah loo dhigay ajandaha.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in "qalabka buuxa ee Washington" uu diyaar u yahay inuu taageero dibad-baxayaasha Iran haddii ay dowladdu disho.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, wax ka yar 36 saacadood ka dib hadalka Trump, qabyo qoraalka ugu horreeya ee soo jeedinta sida laga yeelayo Iran ayaa saarnaa miiska madaxweynaha Mareykanka.
Waa qabyo muujinaya caqabadda jirta: Ma jiraan marakiibta diyaaradaha xambaara oo jooga biyaha gobolka. Haddii uu jiro weerar lagu qaado Iran oo ay ku xigto aargudasho kaga timaada Tehraan, joogitaanka militariga ee Gacanka Faaris ma yeelan laheyn gaashaan difaac oo ka difaacda saldhigyada Mareykanka iyo xulafadiisa gantaalada Iran.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kulan ayaa la soo gabagabeeyay habeenimadii Sabtida iyada oo aan la gaarin go'aan kama dambeys ah, waxaana dib loo dhigay khiyaarada miiska saaran.
Markii aan weydiiyay Mara Carlin, ku-xigeenkii hore ee Wasiirka Difaaca Mareykanka: "Madaxweynaha ma ogeyn miyaa in uusan jirin markab diyaaradeed oo Mareykan ah oo ku sugan Badda Faaris?", wuxuu ku jawaabay, "Madaxweynaha laftiisu waxaa laga yaabaa inuusan arrintan si weyn uga fikirin, laakiin waxaan hubaa in kuwa la-taliyaashiisa ee Waaxda Difaaca ay muujinayeen muhiimadda arrintan."
Sarkaal sare oo hore oo ka tirsanaa Pentagon-ka, oo aan rabin in magaciisa la sheego, ayaa BBC u sheegay in haddii madaxweynuhu doonayo inuu qaado tallaabo militari "si uu u taageero mudaharaadayaasha", su'aasha koowaad ee Pentagon-ka aysan ahayn nooca hubka la isticmaali doono, balse ay tahay waxa ujeeddada siyaasadeed ee madaxweynaha tahay.
"Ma ujeeddadu waa in fariin digniin ah loo diro Tehran si loo yareeyo cadaadiska, mise ujeeddadu waa in la daciifiyo qaab-dhismeedka amniga xitaa la beddelo xukuumadda?"
Dhibaato kale ayaa ah in la-taliyayaasha militari ee madaxweynaha Mareykanka ay ogaadeen inuu yahay madaxweyne aan caadi ahayn oo aan had iyo jeer raacin nidaamyada siyaasadeed ee caadiga ah ee Washington.
Ku-xigeenkii hore ee wasiirka difaaca ayaa xusay dhibaato kale oo qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka u aqoonsadeen "raadin aan kala go' lahayn oo Trump u leeyahay xalka 100% hubanti leh."
"Ma arkin weligay xalka militari oo 100% la hubin karo," ayuu yiri. "Mar walba waxaa jira heer khatar iyo halis aan la iska indho tiri karin."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saadaasha iyo caqabadaha adag
Wadahadal kasta oo ku saabsan "xalka militari" ee Washington wuxuu kiciyaa su'aasha ka jawaabidda Ruushka, gaar ahaan falcelinta Iran. Iiraan weli waxay leedahay boqolaal gantaal oo masaafad dheer ah, waxaana u dhow saldhigyo Mareykan ah oo ay ku jiraan qiyaastii 30,000 oo askari, sida uu sheegay sarkaal hore oo ka tirsanaa Pentagon.
Wuxuu xusay in maalmaha uu sii kordhayay hadalka ku saabsan weerar la qaadayo, maqnaanshaha markab nooca diyaaradaha xambaara ah ee gobolka uu ahaa wax khatar iyo yaab leh, maadaama markabka diyaaradeed iyo ciidamadiisa la socda ay door muhiim ah ka ciyaaraan difaaca gantaalaha iyo maaraynta khilaafaadka.
La-tashiyada loo sameeyo madaxweynaha Washington waxay ka kooban yihiin dhowr ikhtiyaar, oo ay ka mid yihiin: tallaabo militari iyo beddelidda xukuumadda, cunaqabateyn lagu soo rogo markabyo shidaal, weeraro internet (cyberattacks), ama hawlgallo qarsoodi ah oo lama filaan ah, sida kii loo qaaday madaxweyne Venezuela si xilka looga tuuro.
Sarkaalka hore ee Pentagon ayaa sheegay in haddii ikhtiyaarka ugu dambeeya uu yahay weerar "argagax leh" oo lagu beegsanayo hogaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei, Iran la filayo inay raadsato jawaab aad u xoog badan oo ka dhan ah Mareykanka.
Jawaab taas oo, haddii aan la helin difaaca gantaalaha iyo hubka culus, ay noqon karto mid qaali ku noqota ciidamada Mareykanka.
Dhanka kale, weerar yar oo lagu qaado dhismayaal maran ama qaar ka mid ah xeryaha Basij ama Wasaaradda Sirdoonka ayaa u diri kara fariin siyaasadeed Tehran, isla markaana yarayn kara fursada falcelin xooggan oo Iiraan ka timaada, balse ma beddeli doono xaaladda ka dhex jirta mudaharaadayaasha iyo dowladda.
Sanadkii 2003, madaxweynaha Mareykanka George W.Bush wuxuu ku dhawaaqay dagaalka Ciraaq waxyaabaha guusha soo hoyiyay waxaa ka mid ahaa markabka xambaara diyaaradaha ee Lincoln. Laakin dagaalku waxa uu soo jiitamayay todobo sano oo kale, kaas oo ay ku naf waayeen kumanan askar Maraykan ah.
Taariikhda colaadaha u dhexeeya Iran iyo Maraykanka, haddii ay ahaan lahayd dilkii Qasem Soleimani, taliyihii hore ee ciidamada Quds Force IRGC, ama dagaalkii 12 maalmood socday, waxay muujisay in Iran ay guud ahaan isku dayday inay bixiso jawaab aargoosi ah ama ay ballan qaaday inay ka aargoosan doonto.
Sida laga soo xigtay sarkaal hore oo ka tirsan Pentagon-ka, marka loo eego hoos u dhaca mudaaharaadyada waddooyinka, Maraykanku waxaa laga yaabaa inuu raaco siyaasad cadaadis ah cunaqabateyn dhanka shidaalka ah si uu dib ugu soo celiyo Iran miiska wadahadalka, halkii uu qaadi lahaa tallaabo toos ah.
"Haddii dadku aysan joogin waddooyinka, aad ayay u adkaan doontaa in la qaado weerar, waana taas caqabadda," Mara Carlin ayaa sidaa tiri.













