Saraakiisha ICE ee Maraykanka oo Kaamarooyin loo xiri doono

Xigashada Sawirka, Getty Images
Saraakiisha socdaalka federaalka ee laga diray magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa dhowaan heli doona kamarado jidhka lagu xidho (body cameras), sida ay baahiyeen Waaxda Amniga Gudaha ee Maraykanka (DHS).
Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli ay dawladdu wajahayso caro xooggan oo ka dhalatay geerida bishii hore ee laba muwaadin oo Maraykan ah — Alex Pretti iyo Renee Good — kadib markii ay kordheen saraakiisha federaalka ee socdaalka ee loo diray aagga Minneapolis, taas oo qayb ka ahayd olole adag oo lagu xakameynayo socdaalka.
"Laga bilaabo hadda, waxaanu u diraynaa kamarado jirka lagu xirto dhamaan saraakiisha ka howlgala Minneapolis," ayay X ku qortay Isniintii Xoghayaha DHS, Kristi Noem.
Baadhaha caafimaadka ee degmada Hennepin ayaa ku tilmaamay geeridii Alex Pretti ee 24-kii Janaayo inay tahay dil (homicide).
Ereyga homicide waxaa loola jeedaa qof qof kale dilay, mana aha in fal dambiyeed si toos ah loo sameeyay.
Warbixintii Isniinta ee baadhaha caafimaadka ayaa sheegtay in Pretti uu qabay "dhaawacyo rasaas badan" oo ay rideen hal ama in ka badan oo ka tirsan saraakiisha ammaanka.
Waxa kale oo lagu sheegay inuu ku geeriyooday qolka gargaarka degdegga ah ee Isbitaalka Degmada Hennepin ee Minneapolis. Faahfaahin kale lama bixin.
Sida ay sheegtay Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha Maraykanka (CBP), labada sarkaal ee ku lugta lahaa geerida Pretti waxay xidhnaayeen kamarado jirka lagu xidho. "Labada sarkaal ayaa shaqada laga joojiyay si ku meel gaar ah", ayay hay'addu tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka ayaa furtay baadhitaan xuquuqda madaniga ah oo ku saabsan geerida Pretti.
Kristi Noem ayaa sheegtay in marka maalgelin la helo, barnaamijka kamaradaha jidhka lagu xirto lagu ballaadhin doono guud ahaan dalka.
Maraykanku wuxuu haatan galay maalintii saddexaad ee xidhitaan qayb ah oo dawladdu gashay, iyadoo Dimuqraadiyiintu ay weli dalbanayaan dib-u-habayn dhanka socdaalka ah, oo ay ku jiraan isticmaalka kamaradaha jidhka lagu xidho, si loo helo heshiis dhaqaale oo dib loogu furo dawladda.
Hay'adda Socdaalka iyo Xuduudaha (ICE) ayaa hadda ah hay'adda fulinta sharciga ee Maraykanka ee ugu maalgelinta badan, kadib markii Congress-ku oggolaaday $80 bilyan (£59 bilyan) sannadkii hore.
Markii wax laga weydiiyay ku dhawaaqista Noem, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in kamaradaha jidhka lagu xidho "inta badan ay faa'iido u leeyihiin hay'adaha ammaanka, sababtoo ah dadku kama been sheegi karaan waxa dhacaya".
"Guud ahaan, waxaan u maleynayaa inay 80% faa'iido u leeyihiin fulinta sharciga," ayuu yidhi.
Kadib toogashadii Pretti, maamulka Trump ayaa xilka ka qaaday Gregory Bovino, oo ahaa madaxa ilaalada xuduudaha ee Minneapolis, kuna beddelay Tom Homan oo ah mas'uulka guud ee xuduudaha.
Toddobaadkii hore, Homan wuxuu la kulmay hoggaamiyeyaasha maxalliga ah, oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Duqa Minneapolis Jacob Frey, si ay uga wada hadlaan dejinta xiisadda ka dhalatay geeridii Pretti iyo Good.
Walz iyo Frey ayaa ku baaqay in gebi ahaanba laga saaro saraakiisha federaalka ah caasimadda gobolka.
Markii uu yimid Minneapolis, Homan wuxuu sheegay in masuuliyiintu ay ka shaqeynayaan qorshe lagu yareynayo tirada saraakiisha federaalka, balse isbeddellada hawlgalka ay ku xdhrnaan doonaan heerka wada-shaqeyn ee saraakiisha gobolka iyo kuwa maxalliga ah ay la sameeyaan federaalka.
Duqa magaalada Jacob Frey ayaa u sheegay New York Times inuu doonayo in booliiska Minneapolis ay "diiradda saaraan shaqada muhiimka ah ee ah ilaalinta ammaanka dadka deggan Minneapolis".
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in magaaladu ay la shaqeyn doonto hay'adaha federaalka xaalado gaar ah.
In ka badan 3,000 oo sarkaal oo federaal ah oo socdaalka ah ayaa toddobaadyo ka howlgalayay gobolka Minnesota, taasoo qayb ka ah kordhin heer federaal ah oo uu amray Trump, kaas oo ololihiisa doorashada uu ku ballanqaaday inuu si adag ula dagaallami doono socdaalka sharci-darrada ah.













