Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga oo Trump ku boorriyey in uu burburiyo nukleerka Isra'iil

Turki -Al-Faysal

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Turki Al-Faysal

Hadal ka soo yeeray madaxii hore ee sirdoonka Sacuudi Careebiya Turki al-Faisal ayaa hadal weyn ka dhex abuuray baraha bulshada, ka dib markii uu madaxda reer galbeedka ku eedeeyey 'labo-wajiilenimo' ku aadden mowqifkooda halista hubka nukleerka ee Iiraan iyo Israa'il.

"Haddii aan ku noolaan lahayn adduun caddaalad ka jirto, waxaan arki lahayn diyaaradaha Mareykanka ee B-2 oo bambooyin ku rusheynaya xarunta nukleerka Israa'iil lagu bacrimiyo ee Dimona iyo goobaha kale ee hubka halista ah u yaallo," ayuu yiri Turki Al-Faisal.

Turki oo maqaal ku qoray wargeyska The National, ayaa intaas ku daray: "Israa'iil waxay haysataa qumbulado nukleer ah, taas oo xad-gudub ku ah Heshiiska Xakameynta Nukleerka; weligeedna ma sixiixin Axdiga xakameynta hubka halista ah, si ay uga weecato kormeerka Hay'adda Tamarta Atomikada Caalamiga ah (IAEA). Illaa hadda ma jirto cid ka warqabta warshadaheeda nukleerka."

Mar uu ka hadlayey kuwa u cududaara "weerarkii Israa'iil ay keligeed" ku qaadday Iiraan, iyagoo ku andacoonaya in hoggaamiyeyaasha Iiraan ay ku hadaaqaan "burburinta Israa'iil," Turki wuxuu xasuusiyey in ay "iska indho-tirayaan weeraha ka soo yeerayey Ra'isul Wasaare Benyamin Netanyahu oo tan iyo markii uu talada qabtay 1996-dii si aan gambasho lahayn ugu ololeynayey in la burburiyo taliska Iiraan."

Turki Al-Faisal ayaa farta ku fiiqay waxa uu ugu yeeray "munaafiqadda reer Galbeedka iyo taageeradooda ku aadden weerarka gardarrada ah ee Israa'iil ay ku qaadday Iiraan, iyo kan ay ku hayso Falastiin, wallow uu qiray in dalalka qaarkood ay hakiyeen taageeradii ay siin jireen Israa'iil.

Dimona

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xarunta Dimona ee nukleer Israa'iil

Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudi Careebiya Turki al-Faisal, wuxuu qoraalkiisa isku barbar dhigay cunaqabateynta reer Galbeedku saaray Ruushka markii uu ku duulay ciidda Ukraine, iyo jawaabta ay ka bixiyeen ficillada Israa'iil; wuxuuna halkaas ka arkaa kala duwanaan la xiriirta mabaa'iida ay sheegtaan reer Galbeedka iyo ficilladooda.

Turki Al-Faisal wuxuu cambaareeyey weerarradii cirka ee Mareykanku ku qaaday saddex goobood oo ah barnaamijka nukleerka Iiraan, isagoo Madaxweyne Donald Trump ku eedeeyey in uu ku dhacay "dabin uu u dhigay" Ra'isul Wasaare Netanyahu oo ku qalqaaliyey in uu Tehran ku qaado weerar sharci darro ah.

Madaxweyne Trump oo xilligii uu ku jirey olalaha doorashada isku tilmaami jirey nin "nabad-doon ah," ayaa tillaabada uu ku weeraray Iran waxay u soo jiiddey canaan kulul oo kaga timid taageereyaashiisa oo dhibsaday dagaallada joogtada ah ee dalkoodu faraha kula jiro.

Madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga oo ah nin wax badan og, wuxuu xusay in Madaxweyne Trump uu ka mid ahaa dad faro-ku-tiris ah oo ka soo horjeestay dagaalkii Mareykanku ku qaaday Ciraaq iyo Afganistaan labaatan sano ka hor. Wuxuuna Trump Xasuusiyey cawaaqib xumada laga dhaxlay dagaalladaas oo uu sheegay in ay cashar ugu filan yihiin Mareykanka oo u muuqda mid mar kale gondaha la galay dagaal aan la mahdin doonin.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sawir dayax-gacmeed ka qaaday goob nukleer oo Iran laga duqeeyey

Hadalka Turki Al-Faysal oo uu dhalay boqorkii Faysal Bin Cabdulcasiis oo ka mid ahaa madaxdii Carbeed ee ka hor timid aaskaaskii Dowladda Israa'iil, ayaa soo jiitey indhaha dad badan oo daneeya arrimaha Bariga Dhexe. Waxaana faalladiisa siyaabo kala duwan uga falceliyey dad badan oo isticmaala baraha bulshada.

Dad badan ayaa u guuxay in la gaarey xilligii Israa'iil lagula xisaabtami lahaa barnaamijkeeda nukleerka, si loo xaqiijiyo sugnaanta maniga gobolkan u nugul qalalaasaha. Halka qaar kalena ay ka biyo diideen soojeedintiisa ku aadden in Trump beegsado goobaha nukleerka Israa'iil, taas oo ay ku tilmaameen waxaan dhici karin.