Trump iyo Netanyahu oo yeeshay kulan ay albaabbada u xiran yihiin iyo Xamaas oo digniin jeedisay

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shalay la kulmay ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu markii labaad muddo 24 saac gudahood ah, iyada oo Trump uu sii xoojinayo cadaadiska ku aaddan heshiis lagu soo afjarayo "musiibada" dagaalka Qaza iyo sii deynta la haystayaasha.
Ilaa hadda si rasmi ah looma faah faahin kulanka labaad ee labada dhinac.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulankii labaad ee uu la qaatay ra'iisul wasaaraha Israa'iil muddo labo maalmood gudahood ah uu ka turjumayaa rabitaanka is-afgaradka ah ee dhammaan dhinacyada. Waxa uu yiri, "Waa masiibo, wuxuu rabaa inuu xaliyo, anigu waxaan rabaa in aan xaliyo, waxaanan aaminsanahay in dhinaca kale uu sidaas oo kale doonayo.
Kolonyada Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa gaaray Aqalka Cad fiidkii hore ee Talaadada, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo wada saareen Aqalka Cad.
Si ka duwan cashadii Isniinta, oo markii hore u furneyd qaar ka mid ah saxafiyiinta si ay su'aalo u weydiiyaan, kulanka Netanyahu iyo madaxweyne Donald Trump Talaadadii ayaa ahaa mid albaabbada u xirnaa oo saxaafadda loo diiday.
Trump ayaa mar sii horreysay u sheegay warbaahinta, "Waa inaan xal u helno dhibaatadan," isagoo xaaladda Qaza ku tilmaamay "mid murugo leh," waxa uu xusay in Netanyahu iyo dhinaca kale oo loola jeedo Xamaas - ay doonayaan inay xal gaaraan.
Ergeyga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, ayaa rajo ka muujiyay in heshiis xabbad joojin ah la gaari karo dhammaadka usbuucan.
Warsaxaafadeed uu soo saaray, Witkov, waxa uu tilmaamay in horumar la taaban karo laga gaaray wada-hadallada dadban ee ka socda caasimadda Qadar ee Dooxa, isagoo yiri, "Waxaan ku bilownay afar arrimood oo waaweyn, hadda hal keliya ayaa haray laba maalmood oo wada-xaajood ah ka dib.
Wuxuu intaas ku daray, "Waxaan ku rajo weynahay suurtagalnimada in la gaaro heshiis ay ku jirto xabbad joojin 60 maalmood ah, oo ay weheliso sii deynta maxaabiista."
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa Talaadadii sheegay in ay suurtagal tahay in la soo afjaro farqiga u dhaxeeya Israa'iil iyo Xamaas ee ku aaddan wada-hadallada xabbad-joojinta ee Qasa ee ka socda Qadar, balse laga yaabo in ay qaadato in ka badan dhowr maalmood si heshiis loo gaaro.
Dadaallo cusub oo ay wadaan dhexdhexaadiyeyaal ka kala socda Maraykanka, Qdtar iyo Masar oo lagu joojinayo dagaalka marinka Qasa ayaa sii xoogaystay Axaddii, markii labada dhinac ay wada-hadallo dadban ka bilaabeen Doha, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu-na uu u safray Washington.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Netanyahu ayaa isniintii la kulmay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ka dhawaajiyay kulankooda in xabad joojin iyo heshiis lagu sii daayo maxaabiista ay suurtagal tahay todobaadkan. Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa lagu wadaa inuu maanta la kulmo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance
Dhanka kale, Abu Cubeyda, oo ah afhayeenka guutada Qassam, garabka militariga ee Xamaas, ayaa sheegay in go'aanka "nacasnimada ugu xun" uu qaadan karo ra'iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu noqon karo in ciidamadiisa uu ku sii hayo marinka Qasa.
Abu Cubeyda ayaa ku tilmaamay wax uu ugu yeeray "dagaal fool-ka-fool ah" oo ay dagaalyahannada Xamaas ku qaadayeen ciidammada Israa'iil ee waqooyiga ilaa koonfurta marinka Qasa, kaas oo "maalin kasta gaarsiinaya khasaare hor leh ciidanka Israa'iil.
Iyada oo ciidamada Israa'iil ay dhawaan ku guulaysteen inay si cajiib ah askartooda u soo furtaan, haddana waxaa laga yaabaa inay hadhow fashilmaan, oo ay nooga tagaan maxaabiis kale, sida uu sheegay Abuu Cubeyda.
Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa Talaadadii sheegay inay beegsadeen xubin Xamaas ka tirsan oo ku sugan magaalada Tripoli ee dalka Lubnaan, duqeyntii ugu horeysay oo ay ka geystaan waqooyiga dalkaasi tan iyo markii ay heshiis xabad joojin ah dhex dhigeen Xisbullah iyo Israa'iil.
"Wakhti yar ka hor, IDF waxa ay beegsatay aagga Tripoli ee dalka Lubnaan sarkaal sare oo ka tirsan argagixisada Xamaas," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ciidamada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda caafimaadka ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in duqayn dhanka cirka ah oo ay Israa'iil ka fulisay meel u dhow magaalada Tripoli ay ku dishay laba qof.
Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri "Weerarkii cadawga Israa'iil ay ku qaadeen baabuur marayay magaalada Al-Ayrouniyah ee Tripoli, waxaa ka dhashay khasaare horudhac ah oo laba dhimasho ah iyo saddex dhaawac ah.
Xamaas ayaan weli ka hadlin hadaladan
Dhanka howlgalka Beit Hanoun, ciidamada Israel ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in shan ka mid ah askartooda lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga marinka Qasa.
Ciidamada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in laba askari ay ku dhinteen dagaallo ka dhacay waqooyiga marinka Qasa, iyagoo intaa ku daray in saddex kale ay ku dhinteen, labo kalana ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen isla iska hor imaadka.
Waxa uu sheegay in dadka dhaawaca ah loo qaaday isbitaalka si loogu daryeelo, qoysaskoodana lagu wargeliyay.
Dhinaca kale, Isbitaalka Al-cawda ee ku yaalla Xerada Qaxooti ee Nuseyrat ee bartamaha Qasa ayaa xaqiijisay in 10-qof ay ku dhinteen 72-kalena ay ku dhaawacmeen duqeynta ciidamada Israa'iil ay ku garaaceen koox Falastiini ah oo ku sugnaa deegaanka Xerada cusub ee bartamaha Qasa.
Wakaalladda Wararka Falastiin ee WAFA ayaa ku warantay in 4 Falastiiniyiin ah lagu dilay, kuwa kale oo ay ku jiraan Carruur iyo Haween ay ku dhaawacmeen Duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Israa'iil la beegsadeen Dukaan lagu iibiyo Cuntooyinka caanka ah oo ku yaalla Waddada Al-Sahaba ee Xaafadda Al-Daraj ee Bariga magaalladda Qaza.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa'iil ayaa sidoo kale weerar cirka ah ku qaaday guri ku dheggan Iskuul hoy u ah dad barakacayaal ah oo ku yaal Jidka Jaffa, ee bariga magaalada Qasa, halkaas oo ay ku dishay qof dumar ah kuwa kalena ku dhaawaceen.
"Korarka xoogga leh" ee shilalka xarunta qaybinta gargaarka

Xigashada Sawirka, Reuters
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa Talaadadii sheegay in uu jiro "kor u kaca weyn" oo dhacdooyinka la xiriira goobaha gargaarka ee Qaza, iyada oo horeyba uu u burburay nidaamka caafimaadka ee marinka.
Guddiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in isbitaalka ay ku leeyihiin koonfurta Qaza uu diiwaan geliyay 200 oo dhimasho ah tan iyo dabayaaqadii bishii May, taariikhda markii ay shaqo bilowday xarunta cusub ee gargaarka ee ay maamusho Hay'adda Gargaarka ee Gaza, oo taageero ka hesha Mareykanka iyo Israa'iil oo aan fasax ka heysan hay'adaha Qaramada Midoobay.
Guddiga ayaa sheegay in isbitaalku ay daweeyeen in ka badan 2,200 oo dhaawac ah, "badankoodu waxa ay ka soo gaareen dhaawacyadu rasaas in ka badan 21 dhacdo oo kala duwan."
Tan iyo markii ay bilowday howlaheeda, in ka badan 500 oo qof ayaa la dilay, sida laga soo xigtay xafiiska guddiga sare are Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha, halka tirokoobyada Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Qaza ay muujinayaan in 758 qof lagu dilay muddadaas.
Milateriga Israa'iil ayaa dhowr jeer qirtay in askartoodu ay rasaas fureen, balse waxa ay sheegeen in ay beegsadeen " tuhmanayaal" khatar ku ahaa meel u dhow xarumaha, halkaas oo dad badan oo Falastiiniyiin ah ay ku sameeyaan safaf waaweyn.













