Waa tuma billadda nabadda Nobel ee Trump rumaysan yahay inuu istaahilo

Billadda Nobel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu warqad magacaabid oo rasmi ah u gudbiyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si uu ugu guuleysto abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka booqashadii uu dhawaan ku tagay Washington, ma ahayn kaliya tilmaam diblomaasiyadeed oo dhaaftay. Hase yeeshe, waxay ahayd mid dib ugu soo celisay mid ka mid ah abaal-marinnada ugu caansan adduunka ee doodaha siyaasadda iyo warbaahinta.

Netanyahu wuxuu sheegay in Trump uu "nabad ka samaynayo marba gobol" isaga oo tixraacaya doorkii uu ku lahaa heshiiskii Abraham ee dhexmaray Israa'iil iyo dalal badan oo Carbeed.

Tani ma ahayn magacaabista kaliya. Pakistan ayaa horay u shaacisay inay doonayso inay Trump u magacawdo, iyadoo ku ammaantay doorkii uu ka qaatay daminta xiisadda kala dhexeysa Hindiya. Si kastaba ha ahaatee, magacaabista si habsami leh uma socon oo waxay la kulantay dhaleecayn baahsan, gaar ahaan marka la eego waxyaabaha ka socda bariga dhexe.

Magacaabistan marka la eego, Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ayaa ku soo noqotay saaxada, ma aha oo kaliya sababtoo ah magacyada, laakiin sidoo kale sababtoo ah su'aalaha da'da weyn ee ka soo baxa magacaabis kasta oo xiiso leh: Yaa xaq u leh inuu magacaabo? Yaa go'aaminaya? Iyo sida loo eegayo shuruudaha lagu bixiyo abaalmarinta magaca nabadda.

Waa maxay billadda nabadda ee Nobel

Abaalmarinta Nobel ee nabadda waa mid ka mid ah abaal-marinnada ugu caansan uguna sharafta badan adduunka. Xididadeedu waxay dib ugu noqdaan rabitaanka ninka Iswiidhishka ee Alfred Nobel, oo ah hal-abuuraha dynamite. Markii uu dhintay 1896-kii, waxa uu ka tagay hantidiisa si uu u aasaaso abaalmarino lagu sharfayo kuwa wax ku soo kordhiyey bini'aadamka ee dhinacyada fiisigiska, kimisteriga, daawada, suugaanta, iyo nabadda.

Abaalmarinta nabadda ayaa si gaar ah loogu bixiyaa Norway, si ka duwan abaal-marinnada kale ee ay bixiyaan guddiyada Sweden. Tani waxay ahayd rabitaan shakhsi ahaaneed ee Nobel laftiisa, isaga oo aan sababta ku sharraxin dardaarankiisa.

Abaalmarintii ugu horeysay ee Nobel ayaa la bixiyey sanadkii 1901. Wixii intaa ka dambeeyay, waxaa sanad walba 10-ka December lagu bixiyaa magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, iyadoo ku beegan sanadguuradii dhimashada Nobel. Magaca guuleystaha waxaa badanaa lagu dhawaaqaa bisha Oktoobar.

Intii u dhaxaysay 1901 iyo 2024, abaalmarinta nabadda ee Nobel waxaa la bixiyey 105 jeer 142 abaalmarin, oo ay ku jiraan 111 qof iyo 31 urur.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalka Maraykanka ayaa ah dalka ugu badan ee dumarkoodu haystaan abaalmarintan, waxaana ku xiga Faransiiska iyo Ingiriiska. 19 haween ah ayaa helay abaalmarinta sanadkii 2024, oo ay ku jirto u gabadha dhaqdhaqaaqa ee reer Pakistan Malala Yousafzai, taas oo ku guuleysatay 2014 oo ahayd qofka ugu da'da yar (17 jir).

Abaalmarinta qofka ugu da'da weyn uu helay wuxuu ahaa Joseph Rotblat, kaasoo ku guuleystay 1995 isagoo jira 87 sano.

In kasta oo ay sannad walba joogto tahay, haddana abaal-marinta lama bixin 19 jeer, gaar ahaan sannadihii ay dagaallada adduunku qarxeen ama qalalaasaha caalamiga ahi uu adkaaday. Xilliyadii ugu caansanaa ee joojinta waxay ahaayeen: sannadihii Dagaalkii Adduunka ee 1aad (1914, 1915, 1916, 1918), iyo sannadihii dagaalkii labaad ee aduunka (1939-1943).

Mararka qaar, guddiga ayaa ka gaabsada in la abaalmarin la bixiyo, sababo la xiriira la'aanta musharax buuxiyey shuruudaha, ama awoodi waayay in la gaaro heshiis la isku raacsan yahay.

Alfred Nobel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Alfred Nobel

Magacaabistu ma waxay ku xadidan tahay dalal iyo xukuumado

Waxa xiisaha leh leh, dalalka iyo dawladaha maaha kuwa hay'adaha iyo shakhsiyaadka u magacaaba abaalmarinta nabadda ee Nobel. Hase yeeshe, shuruucda abaal-marintu ma siiso magacaabidda waddammada, balse waxay ku tiirsan yihiin shakhsiyaad iyo machadyo gaar ah oo buuxiya shuruudaha adag.

Marka loo eego qawaaniinta Nobel Foundation, dhinacyada soo socda ayaa xaq u leh inay soo gudbiyaan magacaabista sannadlaha ah:

- Xubnihii baarlamaanada qaranka iyo dawlado ka kala socday dalal kala duwan oo caalamka ah

Madaxda Qaranka

- Macalimiin jaamacadeed oo ku takhasusay cilmiga falsafada, sharciga, cilmiga siyaasadda, taariikhda, iyo diinta.

- Ku-guulaystayaashii hore ee Nobel Prize dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay

- Xubnaha maxkamadaha caalamiga ah.

- Agaasimayaasha iyo machadyada xarumaha cilmi-baarista ee ka shaqeeya nabadda iyo xasaradaha caalamiga ah.

-Madaxda ururro caalami ah oo gaar ah oo maqaam goobjooge ka ah Qaramada Midoobay.

Sannadkii 2024-kii, tirada musharraxiinta u sharraxan biladda nabadda ee Nobel ayaa gaaray 286, marka la barbar dhigo rikoorkii hore ee 376 magacaabista ee 2016-kii.

Iyadoo machadka Nobel ee magaalada Oslo uu muddo 50 sano ah si sir u hayo liiska musharraxiinta—sida ku cad xeerar adag—musharraxiinta qaar ayaa doorta in ay shaaciyaan magacaabistooda, sida uu sameeyay Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu markii uu magacaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Magacaabisyadu waxay furmaan billawga sanad kasta, waxayna xirmaan 31-ka Janaayo. Qofka ku guulaysta abaal marinta caalamiga ah ee Nobel 2025 waxa lagu dhawaaqi doonaa maalinta jimcaha ee 10 ka Oktobar, xafladda abaal marinta ayaa ka dhici doonta 10 December magaalada Oslo ee dalka Norway.

Ka dib marka la xiro magacaabista, guddiga mas'uulka ah ayaa caadi ahaan diyaariya liis horudhac ah, oo loo yaqaan "liiska gaaban", kaas oo loo bandhigo la taliyayaal caalami ah oo madax bannaan, iyo khubaro si qoto dheer u falanqeeya muuqaalada musharraxiinta iyo doorka ay ku leeyihiin nabadaynta.

Waxaa muhiim ah in la caddeeyo in magaca qofka lagu darayo liiska musharixiinta kaliya aysan ka dhignayn taageerada rasmiga ah ee guddiga. Sannadaha qaar, guddigu wuxuu helay boqolaal magacaabis ah, oo ay ku jiraan magacyo dhaliyay muran caalami ah, sida Adolf Hitler 1930-yadii, ka dib Stalin, iyo Henry Kissinger, oo dhab ahaantii ku guuleystay inkastoo dhaleeceyn loo jeediyey.

Abaalmarintu kuma salaysna tirada magacaabisyada, balse waxay ku salaysan tahay qiimaha hawsha dhabta ah ee ka qayb qaadatay horumarinta nabadda, sida ku cad shuruudaha uu dejiyay Alfred Nobel ee ku xusan dardaarankiisii asalka ahaa 1895kii.

Trump iyo Nobel

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo aan waligii qarsanin rabitaankiisa ku aadan ku guuleysiga abaalmarinta nabadda ee Nobel ayaa sanadihii ugu dambeeyay helay magacaabis dhowr ah oo fagaare laga sheegay, waxaana xusid mudan inay ka yimaadeen mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Norway iyo Sweden. Waxa ay magacaabistooda ku saleeyeen doorkii uu ku lahaa saxiixa heshiiskii Abraham, kaas oo dhabbaha u xaaraya in uu caadi noqdo xiriirka Israa'iil iyo dalal badan oo Carbeed, oo ay ku jiraan Iimaaraadka, Baxrayn, Morooko iyo Suudaan.

Taageerayaashiisa ayaa sidoo kale farta ku fiiqay siyaasadiisa ku wajahan Kuuriyada Waqooyi, fur furnaantii aan horay loo arag ee hoggaankeeda, iyo sida uu u yareeyay faragelinta ciidamada Mareykanka ee goobaha colaadaha qaarkood, marka loo eego maamuladii hore.

Trump ayaa si isdaba joog ah u muujiyay sida uu ugu hanweyn yahay magacaabistaas, isaga oo u arkay in ay caddeyn u yihiin maqaamkiisa caalamiga ah, wuxuuna dhanka kale tilmaamay waxa uu u arko in warbaahintu ay dayacday waxqabadkiisa. Mid ka mid ah hadaladiisa, ayuu si jees-jees ah u yiri, "Waxay Obama siiyeen billadda Nobel-ka billowgii xilligiisa, laakiin wax ka badan isaga ayaan qabtay, waxna maan helin".

Trump ayaa inta badan isbarbar dhiga waxqabadkiisa Bariga Dhexe iyo diiwaanka madaxweynayaashii hore ee Mareykanka, taasoo qeyb ka ah sida uu sheegay inuu u qalmo abaalmarinta.