Bilada Nobel ee daawada ee 2016 oo la siiyay Yoshinori Ohsumi

Xigashada Sawirka, Reuters
Bilada Nobel ee daawada ee 2016 ayaa la siiyay Yoshinori Ohsumi oo u dhashay dalka Japan. Waxaa la sheegay inuu ku muteystay baaritaanka uu ku sameeyay sida jirka uu u kala jabiyo unugyada iyo sida uu ugu sameeyo dib u habayn.
Shaqada Ohsumi ayaa loo arkaa inay tahay mid muhiim ah maadama ay gacan ka geysatay fahanka xumaada cudurada ay ka mid yimiin Kansarka iyo Parkinson.
Khaladaadka isku aadka hidda-sideyaashan ayaa keeni kara cudur.
Sanadkii hore abaalmarinta Nobel-ka ayaa waxaa qaybsaday saddex saynisyahanno oo soo saaray daawo malariyada iyo cudurada waddamada kulaylaha.






