Muxuu yahay nidaamka cusub ee lagu soo kordhiyay xabsiyada Jigjiga sideese u caawin doonaa maxaabiista?

xarunta cusub ee diiwaanka maxaabiista

Xigashada Sawirka, SRTV

Komishanka Ciidamada Asluubta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa daah furay xarun loogu talagalay xog-ururinta maxaabiista deegaanka. Waxa ay xaruntaasi noqon doontaa mid ururisa islamarkaana kaydisa xogta maxaabiista la geeyo xabsiga, sida uu sheegay maamulku.

Taliyaha ciidanka asluubta deegaanka Soomaalida Axmed Xaashi ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay in nidaamkani uu gacan kla gaysanyo in aysan dhuman xogta dadka la keeno xabsiga.

"Maxbuuska markii lasoo xiro, xogtiisa oo dhamaystiran ayaa la rabaa in la kaydiyo. Waxaa kow ka ah in marka hore magaciisa la qoro oo saddexan, da'diisa dhedig iyo lab, caafimaadkiisa iyo waxbarashadiisa, ehelediisa iyo cidda xiriirka uu la leeyahay ee u dhow, sidoo kale dambiga uu galay nooca uu yahay, inta lagu xukumay, sidoo kale dadka soo booqanaya laftarkiisa waa lagu diiwaan galinayaa''

Sida uu sheegay taliyaha asluubta, xabsiyada deegaanka ayaa marar badan lagu xiraa dad dhalasho ahaan aan ka soo jeedin Itoobiya, sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in si casri ah loo kaydiyo xogta maxaabiistaas, si loo helo tixraac rasmi ah.

"waxaad ogtahay maxaabiis badan oo kala duwan - deegaano kala duwan iyo dalal kale ka yimid baa laga yaabaa inay xabsiga ku xiran yihiin. Waa nidaam xog kaydinta casriga ee maxaabiista.

Maxay tahay ujeedka loo keenay nidaamkaan?

Horay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa uga jiray xabsi wayn oo lagu magaacaabi jiray Jeel Ogaadeen kaas oo la diiwaan galiyay in tacadiyo xooggan ay ka dhaceen, sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqda aadanaha iyo dad lagu xiray intaba.

Inkasta oo xabsigaas markii dambe albaabada la isugu dhuftay, haatanna uu yahay hawl gab sida ay sheegeen maamulka deegaanku, hadana xabsiyada kale ee haatan jira ayuu sheegay taliyuhu in loo baahan yahay in ay la jaanqaadaan nidaamka casriga ah ee haatan lagu hawl galo.

"Waxaad ogtahay hadda xabsigayaga inuu jiray muddo, dadkii ku xirnaa mudadaas hore waxaa laga yaabaa dukumintigoodii in aan la helin oo warqadoodii xukunka in aan la helin, wixii lagu diiwaan galiyayna aan la helin. Nidaamka hadda waxa uu qofku helayaa xogtiisa dhamaystiran haddii ay labaatan sano ka soo wareegtay. Xitaa faraha iyo indhaha ayaa laga qaadayaa haddii uu gobol kale ama deegaan kale tago farahiisa ayaa soo baxaya markii la baaro''

Waxa kale oo uu sheegay in nidaamkani uu meesha ka karo walwalka ay qabi karaan qaraabada dadka maxaabiista ah oo horay laga yaabo in ay uga walwali jireen halka uu ku xiran yahay qofkoodu, hadii ay gacanta ku dhigaan laamaha ammaanku.

''Jigjiga markii la yiraahdo xabsiyo boolis oo kala duwan ayaa jira. Nidaamkan ayaa laga yaabaa inuu sahlo, sideedaba booliska cidda uu gacanta ku dhigay, waxaa qasab ah 48 saac gudahood inuu maxkamada ku horgeeyo oo ugu yaraan xabsi xalaalayn kusoo qaato maxkamada uu soo mariyo. Kuwayaga kuwo la garan waayo ma aha meesha ay ku xiran yihiin.