Maxay tahay beesha laga tirada badan yahay ee Israaiil ay sheegtay in ay difaacayso gudaha Siiriya?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaallo sokeeye oo ay sabab u tahay is-qabqabsi diimeed oo cusub ayaa gilgilay Suuriya, taas oo muujinaysa sida uu u jilicsan yahay amniga dalkaasi, xilli dowladda cusub ay isku dayayso inay si buuxda ula wareegto awoodda qaysan ee dhulkaas.

Axaddii 13-ka July, afduub loo geystay ganacsade ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Druze ayaa sababay dagaal qadhaah oo socday maalmo badan, kaas oo dhexmaray maleeshiyaad Druze ah iyo dagaalyahanno Sunni Badawayiin ah oo ku sugan koonfurta Suuriya.

Taladadii 15-ka July, Israa'iil ayaa faragelin milatari ku samaysay, iyada oo sheegtay in ciidamadeedu ay doonayaan inay difaacaan beesha Druze iyo inay cidhib-tiraan xoogagga dowladda taageersan ee lagu eedeeyay inay weerareen beeshaasi deggan gudaha Suweida. Sida uu sheegay Ururka Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya, ugu yaraan 300 qof ayaa lagu dilay Suweida tan iyo Axaddii.

Rabshadahani waa kuwii ugu horreeyay ee ka dhaca gobolka ay ku badan yihiin dadka Druze ee Suweida tan iyo dagaalladii Abriil iyo Maaj, oo u dhexeeyay dagaalyahannada Druze iyo ciidamada cusub ee ammaanka Suuriya, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan. Intaa ka hor, bishii March, dagaallo ka dhacay gobollada xeebaha Suuriya ayaa lagu sheegay in lagu dilay boqolaal ka tirsan beesha laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta, oo uu ka soo jeedo madaxweynihii hore Bashar al-Assad.

Rabshadahan dhimashada badan wata, oo ay weheliyaan duqeymaha xooggan ee Israa'iil, waxay dib u soo kiciyeen cabsi laga qabo inuu burburo nidaamka amni ee Suuriya, iyada oo dalku wali la tacaalayo saameynta dagaalkii sokeeye ee socday in ka badan toban sano, iyo afgembigii ay hogaaminayeen kooxaha Islaamiyiinta ee qabsaday magaalada Dimishiq bishii Diseembar 2024.

Hoggaamiyaha hadda ee Suuriya, Ahmed al-Sharaa, oo horey u ahaan jiray dagaalyahan jihadi ah, ayaa ballanqaaday inuu difaaci doono beelaha laga tirada badan yahay ee dalka.

Maxay yihiin beesha Druze?

Druze waa bulsho laga tirada badan yahay oo af-Carabi ku hadasha, kuna kala nool Suuriya, Lubnaan, Israa'iil, iyo Buuraha Golan ee Israa'iil haysato. Diinta Druze waa laan ka farcantay Shiicada, balse waxay leedahay aqoonsi gaar ah iyo aaminaaddo u gaar ah.

Kala badh ku dhawaad hal milyan oo ruux oo dadka Druze ah waxay ku nool yihiin Suuriya, halkaas oo ay ka yihiin qiyaastii 3% dadka. Bulshada Druze ee Israa'iil gudaheeda waxaa badankeed loo arkaa inay daacad u yihiindowladda Israa'iil, sababtuna tahay in xubno ka tirsan ay ka qaybqaataan adeegga milatariga. Sida ay sheegtay Xafiiska Dhexe ee Tirakoobka Israa'iil, ku dhawaad 152,000 oo Druze ah ayaa ku nool Israa'iil iyo Buuraha Golan ee Israa'iil haysato.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Taariikh ahaan, bulshada Druze waxay ku jirtay xaalad jilicsan oo siyaasadeed gudaha Suuriya. Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Suuriya oo ku dhawaad 14 sano qaatay, Druze-ku waxay lahaayeen maleeshiyaad u gaar ah oo ka howlgalayey koonfurta Suuriya.

Tan iyo markii uu xukunka ka dhacay Bashar al-Assad bishii Diseembar, Druze-ku waxay diideen isku dayga dowladda cusub ee ah in ay si buuxda ula wareegto awoodda koonfurta Suuriya.

Inkasta oo ay kala qaybsan yihiin kooxaha Druze ee Suuriya – kuwaas oo qaar ka mid ah ay taxaddar muujiyeen halka kuwo kalena si toos ah u diideen maamulka cusub – haddana dad badan oo ka mid ah beeshan waxay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidamada ammaanka dowladda Suuriya ee magaalada Suweida, waxayna ka gaabsadeen inay ku biiraan ciidanka dowladda, iyaga oo halkooda ka doorbiday in ay ku tiirsanaadaan maleeshiyaad maxalli ah.

Inkastoo dowladda Suuriya ay cambaareysay weerarradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday beesha Druze islamarkaana ay ballanqaadday in ay soo celinayso kala dambeynta koonfurta Suuriya, haddana ciidamadeeda ayaa iyagana lagu eedeeyey in ay beeshaas weerareen. Warbixin ay shaacisay hay'adda SOHR ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ciidamada dowladda ay geysteen "xukunn dil oo degdeg ah" oo loo geystay dad ka tirsan Druze, taasoo sii xoojisay kalsooni-darro ka dhex jirta qaar ka mid ah bulshada Druze iyo dowlad dhexe ee Dimishiq.

Ka dib markii uu Assad si lama filaan ah xukunka uga dhacay, Israa'iil waxay bilowday xidhiidh la raadinta beesha Druze ee u dhow xuduudda waqooyi, iyadoo ujeedadu tahay in ay xulafo la noqoto beelaha laga tirada badan yahay ee Suuriya.

Israa'iil waxay isa soo taagtay inay tahay ilaaliyaha bulshooyinka laga tirada badan yahay ee gobolka – sida Kurds, Druze, iyo Calawiyiinta – xilli ay duqeymo ka fulinayso gudaha Suuriya oo lagu bartilmaameedsanayo saldhigyo ciidan iyo ciidamo dawladeed.

Intii lagu guda jiray rabshadihii diimeed ee bishii Maaj, Israa'iil waxay duqeymo ka fulisay agagaarka qasriga madaxtooyada ee magaalada Dimishiq, iyagoo sheegay in ay ahayd digniin ku socota weerarrada lagu hayo Druze. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah madaxda beesha Druze ee Suuriya iyo Lubnaan ayaa ku eedeeyey Israa'iil inay si kas ah u hurinayso xiisadaha diimeed si ay uga faa'iidaysato damaceeda isballaadhineed gobolka.