Maxay Israa'iil isku mar u duqaysay wasaaradda gaashaandhigga iyo madaxtooyada Suuriya

Dhismaha wasaaradda gaashaandhigga Suuriya

Xigashada Sawirka, LOUAI BESHARA/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhismaha wasaaradda gaashaandhigga Suuriya

Ka dib markii ay ku dhawaaqeen in ay duqeeyeen dhismaha wasaaradda gaashaandhigga ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq, ciidanka Israa'iil ayaa sidoo kale bartilmaameedsaday bar militari ah oo ku dhow madaxtooyada.

Ciidamada Israa'iil ayaa war ay soo dhigeen baraha bulshada ku xaqiijiyay weerarka, waxayna yiraahdeen, "Bartilmaameed millatari oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada maamulka Suuriya ayaa la duqeeyay.

Bayaanka 16-kii Luulyo ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay weerarka lagu qaaday Wasaaradda Difaaca ee Suuriya.

Ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Suuriya ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters in ugu yaraan 2 weerar oo ay fuliyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka lagu beegsaday Dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo Saraakiishaasina ay gabaad ka dhigteen qeybta hoose ee dhismahaasi.

Wasaaradda caafimaadka ee Suuriya ayaa ku dhawaaqday in saddex qof lagu dilay 34 kalena lagu dhaawacay weerarro ka dhacay Dimishiq.

Wariyayaal ka tirsan AFP oo ku sugan Dimishiq ayaa sheegay in dhismo afar dabaq ah oo ku dheggan wasaaradda gaashaandhigga uu dumay, fagaaraha Umayyad oo caadiyan camiran, ayaa maran marka laga reebo gaadiidka gurmadka degdega ah iyo kuwa ciidamada.

Ka dib iska hor imaadyo u dhaxeeyay kooxaha Druusiyiinta iyo qabiilada Bedouin ee koonfurta gobolka Suwayda 13-kii Luulyo, ayaa Israa'iil waxa ay beegsatay ciidamada dowladda ee tagay gobolka.

Israa'iil waxay sheegtay in hubka ay leeyihiin ciidamada militariga ee xiriirka la leh xukuumadda Dimishiq loo adeegsan doono Druusiyiinta.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay in dalkiisu uu ka walaacsan yahay arrimahan, isla markaana uu wada hadal dhanka telefoonka ah la yeeshay dhinacyada.

Taangi

Xigashada Sawirka, Getty Images

Rubio: Aad baan u walaacsannahay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Aad ayaan uga walaacsannahay, waxaana rajeyneynaa inaan heli doono wixii ku soo kordha maanta," ayuu yiri Rubio, isagoo intaa ku daray in dalkiisa uu doonayo in dagaalka la joojiyo.

Waxaa la shaaciyay in wasiirka difaaca Israa'iil Israel Katz uu u ambabixi doono caasimadda Mareykanka ee Washinton oo uu booqasho rasmi ah ku tagi doono.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa cambaareysay weerarradaas, waxayna sheegtay in Israa'iil ay "u jeedday in ay curyaamiso" fursad taariikhi ah oo lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka Suuriya.

Ciidanka Israa'iil oo sii wada duqaymaha Dimishiq, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inay sii wadayaan la socodka dhaq-dhaqaaqa ciidamada ammaanka Suuriya ee Suwayda, halkaas oo ay ku nool yihiin dadka laga tirada badan yahay ee Druusiyiinta.

Dowladda Suuriya ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarrada Israa'iil ay ka geysatay magaalada Dimishiq, balse saacado ka hor waxay ku tilmaantay weerarrada ay Israa'iil ka geysatay Koonfurta dalkaas kuwo dambiyo iyo sharci-darro ah.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka Israa'iil ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday Druusiyiinta oo isku dayayay in ay ka soo gudbaan dhanka koonfureed ee Israa'iil.

Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in "tobaneeyo" qof ay isku dayeen inay ka gudbaan xadka.

Boqolaal lagu dilay Suwayda

Suweyda

Tirada dadka ku dhintay iska horimaadka ka dhacay Suwayda ayaa lagu soo waramayaa inay gaartay 300 oo qof.

Kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in saddex taliye lagu dilay weerarrada Israa'iil ay ka geysatay koonfurta dalkaas. Kooxda ayaa sheegay in weerarada lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga.

Xukuumadda Dimishiq ayaa ku dhawaaqday inay ciidamo ammaanka u dirtay gobolka "si loo soo afjaro isku dhacyada."

Ciidamada dowladda Suuriya ayaa gudaha u galay Suwayda subaxnimadii Talaadada, July 15.

Ka dib, dawladdu waxay ku dhawaaqday in xabbad joojin lagaga dhawaaqay Suwayda.

Ka dib markii uu soo baxay warka xabad joojinta, Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in ay weerar ku qaaday kolonyo ciidan oo ay ku jiraan taangiyo, oo xiriir la leh maamulka Dimishiq.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu amray weerarka lagu qaaday ciidamada iyo qalabka sababtoo ah "waxaa loo adeegsan doonaa Druusiyiinta".

Israa'iil ayaa sidoo kale Isniintii duqeysay taangiyada Suuriya, iyadoo uga digtay xukuumadda Dimishiq inaysan ciidan hubeysan geynin koonfurta.

Israa'iil ayaa horay ugu dhawaaqday inay difaaci doonto Druze-ka Suuriya.

Ciidamada Israa'iil ayaa sidoo kale bishii May duqaymo cirka ah ku qaaday Suuriya iyaga oo ujeedkoodu ahaa "in ay ka hortagaan in ciidan la geeyo koonfurta Dimishiq ."

Ciidamada militariga dowladda Suuriya ayaa la geeyay Suweyda markii ugu horeysay tan iyo markii xukunka laga tuuray maamulka Bashaar Al-Asad bishii Disambar 2024-kii.

Druusiyiinta waxay u baqayaan ammaankooda in kasta oo ay dawladdu damaanad qaadday.

Xabbad joojin cusub

Dhanka kale, wararka ku saabsan xabbad-joojin cusub ayaa ka yimid Süveyda Arbacadii, Luulyo 16.

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA oo soo xiganaysa ilo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in koontaroolo laga sameeyay magaalada, isla markaana hadda magaaladu ay si buuxda uga mid noqon doonto dawladda Suuriya.

Haddii warkan ay xaqiijiyaan ilo madax-banaan, waxay noqonaysaa xabbad-joojintii afraad ee lagaga dhawaaqo Suweyda tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay Axaddii 13-kii July.

Saddex xabbad joojin oo hore ayaa si degdeg ah u burburtay dagaalkuna wuu sii socday.

Xabbad joojin ayaa lagu dhawaaqay Talaadadii, Luulyo 15. Si kastaba ha ahaatee, isku dhacyadu way sii socdeen.

Dadka deegaanka oo la hadlay wakaalada wararka Faransiiska ee AFP ayaa sidoo kale sheegay in ku dhawaaqista xabad joojinta ay saameyn yar ku yeelatay deegaankaas.

Dadka deggan isla magaalada ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahanadooda inay soo weerareen xaafadaha Druusiyiinta.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Suuriya ayaa sidoo kale qiratay in iska horimaadku uu sii socdo.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka dalkaasi ee SANA, wasiirka difaaca ee dalka Syria Murhaf Abu Qasra ayaa ku dhawaaqay in cutubyo ka tirsan booliska militariga loo diray Suwayda.

Kasra wuxuu sheegay in bilayska loo xilsaaray inay "xakameeyaan hab-dhaqanka askarta iyo la xisaabtanka kuwa ku xad-gudba."

Sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya (SOHR), 69 ka tirsan maleeshiyada Druze iyo 40 rayid ah ayaa lagu dilay Suweyda tan iyo Axaddii.

Iyadoo soo xiganeysa ilo maxalli ah, SOHR waxay sheeganeysaa in 27 qof oo rayid ah oo Druusiyiin ah lagu "daldalay" gudaha Suweyda Talaadadii.

Ururka ayaa sidoo kale diiwaan geliyay dhimashada 165 askari oo Suuriyaan ah iyo 18 reer Baadiyaha ah oo hubeysan. Waxa ay sidoo kale sheegtay in 10 ka tirsan ciidamada ammaanka lagu dilay weerarrada Israa'iil.

Sidee dagaalku ku billowday

Iska horimaadyo u dhexeeya kooxaha Druusiyiinta iyo qabaa'ilka Baadiyaha ah ee gobolka ayaa socday tan iyo Axaddii 13-kii July.

Dhacdooyinka ayaa loo maleynayaa inay ka bilowdeen afduub loo geystay ganacsade Druus ah oo marayey jidka weyn ee Dimishiq iyo Suwayda.

Waxaa mararka qaar dhacay rabshado u dhexeeya qabaa'ilka Sunniga Baadiyaha ah iyo beelaha Druus ee gobolkaasi.

Iska horimaadka ayaa ku fiday xaafadda Al-Maqwas oo ay deggan yihiin dadka reer Baadiyaha ah.

Waxaa la sheegay in ciidamada Druusiyiinta ay go'doomiyeen xaafadda oo ay la wareegeen.

Dagaalka ayaa intaa kadib ku fiday qeybo kale oo ka tirsan Suweyda, iyadoo Bedouins-ka ay bartilmaameedsadeen deegaanada Druusiyiinta ee galbeedka iyo waqooyiga gobolka.

"Waa markii ugu horeysay ee khilaaf beeleed uu ka qarxo magaalada Suwayda, haddii uu dhamaan waado waxaan u soconaa dhiig-bax" ayuu yiri Rayan Marouf oo ah cilmi-baare Druusi ah oo maamula website-ka Suwayda 24.

Gobolka Sweida waxaa intiisa badan gacanta ku haya maleeshiyaadka Druusiyiinta oo diiday inay ku biiraan ciidamada dowladda.

Druusiyiinta ayaa sheegay in xukuumadda Dimishiq ay jabisay heshiiskii la gaaray kadib iska horimaadyadii bishii May.

Hogaamiyayaasha Druusiyiinta waxay ku adkaysanayaan in dhaqdhaqaaqooda uusan ka soo horjeedin xukuumadda Dimishiq iyo in heshiis lala galay dawladda "bilo ka hor" si loo dhiso unug amni oo lebisan oo ay ku jiraan kooxaha Druusiyiinta.

Suuriya waxa ay hoy u ahayd 700,000 oo Duruusiyiin ah ka hor inta aanu dagaalka sokeeye qarxin 2011kii.

Inta badan dadka laga tirada badan yahay ayaa weli ku nool gobolka Suweyda.