Sidee bay Itoobiya ku galeen tirada badan ee mintidiinta Daacish ee gacanta lagu dhigay

Daacish

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

Laanta ammaanka iyo sirdoonka qaranka Itoobiya ayaa sheegtay inay xireen 82 xubnood oo Daacish ah oo lagu tuhunsan yahay in loo shaqaaleeyay inay ka gaystaan dhaqdhaqaaqyo argagixiso gudaha Itoobiya.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in kuwa la xiray ay qayb ka ahaayeen garabka Daacish ee ka howlgala Puntland, ayadoo lagu soo xiray tuhmanayaashaasi 82da ah iskaashi dhex maray booliska federaalka iyo ciidamada ammaanka gobolka.

Meelaha laga soo kala qabqabtay ayaa kala ah caasimada Addis Ababa, maamulada Oromada, Amxaarada, bartamaha Itoobiya, gobolka Soomaalida iyo Harari.

Booliska deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay ka war qabaan in mintidiintaasi ay tababaro ku soo qaateen gudaha Puntland, ayna halkaasi uga yimaadeen si ay Itoobiya uga fuliyaan weerarro qorshaysan.

Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ah falanqeeye arrimaha ammaanka ayaa BBC u sheegay ISIS oo muddooyinkii u dambeeyay howlgalo culus lagu qaaday fadhigoodii Bariga Soomaaliya ay mar kasta u tababarnaayeen ama u diyaarsanayeen inay howlgalo ka fuliyaan Geeska Afrika.

''Horta sababta waxaan is leenahay nimankaan ISIS wakhti badan ayay joogeen buuraha Bariga Soomaaliya, wakhtiyadii u dambeeyayna dagaal iyo howlgal culus ayaa lagu qaaday, saldhigyo waaweyn oo ay lahaayeena waa lagu burburiyay, mar kastana waa u tababarnaayeen ama u diyaarsanayeen inay ka howlgalaan geeska Afrika, waxaana ay raadinayeen fursad, fursadiina waxaa ay ahayd in deegaanada Bariga ay marka hore xoogga saaraan ka bacdina ay ku faafaan ama Kenya ha noqoto ama Itoobiya ha noqoto, marka waxaan is leeyahay ciidamadii culays baa soo fuulay, haddana waxaa ay raadinayeen inay saldhigyo kale ka helaan oo weeraro ka fuliyaan Itoobiya'' ayuu yiri Kaboole.

Kaboole ayaa sheegay in furnaanshaha xuduudka iyo habacsanaanta jirta ay ku heleen fursad ''Waxaad ogtahay xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya inay furan tahay, fursad ayay heleen, Itoobiyana sirdoonkooda ka sokow dagaalo sokeeye ayaa ka billowday, jabahado ayaa ka dilaacay, ammaanka waxaa laga yaabaa in uusan la mid ahayn wakhtigii hore oo ay ku adkayd in Alshabaab iyo Alqaacida ay ka howlgalaan gudaha Itoobiya''.

''Argagixiyuhu waa fursad raadis ama ha badnaadeen ama ha yaraadeen, waxaa laga yaabaa in aysan isku mar deegaanadaas galin ayaa laga yaabaa, oo halkaa ay isku aruuriyaan, howlgalkana wakhtigeedii sirdoonku daba socday oo howlgalku uusan ka hor dhicin si ay isugu aruuriyaan ilaha ay kasoo galayaan, waxaa laga yaabaa 80-kooda oo isla socda in aysan galin oo aayar aayar u galeen xogtaasna ay NISS tu ka heshay'' ayuu yiri Kaboole.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gudaha Itoobiya waxaa horay uga dhacay falal argagixiso, sida uu sheegay falanqeeyaha arrimaha ammaanka ''Waad la socotaa oo Itoobiya hadda kahor mar ayay galeen, markii shiinayska la qarxinayay, Alqaacida iyo ISIS mar kasta waxa ay isku dayayaan fursad ay ku helaan albaab ay howlgalada ka fuliyaan, wakhtiganna waxaad mooddaa inay ku soo aadday wakhti Itoobiya ay ku jirto marxalad adag oo colaado gudaha ay ka jiraan, marka habacsanaan ayay heleen, fursadaasna waa ka faa'iideysteen''.

Axmed Cabdullaahi Kaboole ayaan qabin kooxaha mucaaradka iyo ISIS in laga yaabo inay xiriir yeelan karaan.

''Waxa ay ila tahay hadda fursadaasi in aysan jirin oo in jabhaduhu ay ku shaabadeeyaan inay heshiis la galaan kooxaha Alqaacida oo cunaqabatayn saaran tahay, taasina ay halaynayso wajigoodii dagaalka ay kula jireen ee ay isku arkeen jabhad wadani ah oo dalka xoraynaysa. dhanka kale waxaa suurtagal ah maadaama dad badan oo muslimiin ah oo dareen ka qaba maamulka ay ka sameeyaan ciidamo ay ka qortaan, waana runtii fursad weyn oo la dhihi karo ISIS waa ka aragtay Itoobiya haddii ay saldhig ka hesho'' ayuu yiri Kaboole.

Waxaa horay loo ogaa in Itoobiya iyo Alshabaab uu dagaal dhex maray, iyada oo haatan ay isweydiin mudan tahay danta ay Daacish ka yeelan karto Itoobiya.

''Horta waxaa ogtahay Alqaacida dhaqaale ahaan iyo hoggaamin ahaanba adduunyada waxa ay uga hareen meelo yar oo ka tirsan Maqrib iyo Soomaaliya, laakin Daacish waxaa moodaa inuu weli awood leeyahay ama ha noqoto Galbeedka Afrika ama ha noqoto wadamada Bariga dhexe, saldhigooduna uu yahay Soomaaliya oo ay u soo guureen oo awoodoodii oo dhan isugu keeneen, markasta fursadoodii, shaqadoodii iyo istaraatiijiyadooda mustaqbalku waa in wadankan Soomaaliya ee xuduudiisu xirnayn oo aan kantaroolkiisu badnayn ay kasoo foofaan si ay u gaaraan deegaanada kale. Itoobiyana dabcan ammaankeedu wakhti badan waa adkaa, ciidamo awood leh oo ka hortaga Alqaacida iyo ISIS labadaba waa ay lahayd laakiin mar kastaba sidaan kuu sheegay argagixiyuhu waa fursad raadis, wuxuuna ka dhex faa'iideystaa colaadaha dalka ka jira taasaana wakhtigan Itoobiya ugu soo aaday, ugana beddelan tahay dowladihii hore sida dowladii Meles Zenawi'' ayuu yiri Kaboole.