Israa'iil oo duqeysay meel u dhow qasriga madaxtooyada Suuriya

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Suuriya.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Suuriya.

Israa'iil ayaa sheegtay in diyaaradaheeda dagaalka ay duqeeyeen meel ku dheggan aqalka madaxtooyada ee magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya, iyadoo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu wacad ku maray inuu difaaci doono dadka laga tirada badan yahay ee Druze ka dib maalmo ay socdeen rabshado diimeed oo ay dad badan ku dhinteen.

Netanyahu ayaa sheegay in duqeyntu ay "farriin cad u tahay maamulka Suuriya" in Israa'iil aysan ogolaan doonin in la geeyo koonfurta Dimishiq ama wax kasta oo khatar ku ah bulshada Druze.

Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay diiday "faragelin shisheeye" markii Israa'iil ay duqaymo ka geysatay koonfurta Dimishiq Arbacadii intii lagu jiray iska horimaad dhexmaray rag hubaysan oo ka tirsan qabaa'ilka laga tirada badan yahay ee Druze, ciidamada ammaanka iyo dagaalyahannada Islaamiyiinta Sunniga ah ee isbahaystay.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Druze ee Suuriya, Sheikh Xikmat al-Hijri, ayaa cambaareeyay rabshadaha isagoo ku tilmaamay "olole xasuuq aan sabab lahayn" oo ka dhan ah beeshiisa, wuxuuna ku baaqay in ay soo farageliyaan "ciidamada caalamiga ah si ay u ilaaliyaan nabadda".

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in ay ciidammo ammaanka ah geysay deegaannada Druze si ay ula dagaallamaan "kooxaha sharci-darrada ah" oo ay ku eedeysay inay huriyeen iska-horimaadyada.

Wasiirka arrimaha dibadda Asaad al-Shaibani ayaa sidoo kale ka digay "in baaq kasta oo ku saabsan faragelin dibadeed, marmarsiinyo ama halku-dheg kasta, wuxuu keenayaa oo kaliya sii xumaansho iyo kala qaybsanaan".

Ugu yaraan '102' qof ayaa lagu dilay toddobaadkan magaalada Ashrafyat Sahnaya

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ugu yaraan '102' qof ayaa lagu dilay toddobaadkan magaalada Ashrafyat Sahnaya

Sida laga soo xigtay kooxda la socodka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha (SOHR), oo ah koox dabagal oo fadhigeedu yahay UK, ugu yaraan 102 qof ayaa lagu dilay toddobaadkan magaalada Ashrafyat Sahnaya, oo ah magaalo ku taal duleedka koonfureed ee Dimishiq, gaar ahaan agagaarka Druze ee Jaramana, iyo gobolka koonfureed ee Suweida, oo ay ku badan yihiin qowmiyadda Druze.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa ay sheegtay in ay ku jiraan 10 rayid ah iyo 21 dagaalyahan Druze ah, iyo sidoo kale 35 kale oo isla qabaa'ilka Druze kuwaas oo lagu toogtay "weerar gaadmo ah" oo ay fuliyeen ciidamada ammaanku iyagoo ka soo safrayay Suweida kuna socday Dimishiq Arbacadii. Soddon xubnood oo ka tirsan ciidanka amniga guud iyo dagaalyahannada xulafada la ah ayaa sidoo kale la dilay, ayay tiri.

Rabshadahan ayaa ka dhacay Jaramana habeenimadii Isniinta kadib markii muuqaal laga duubay nin aflagaadeynaya Nebi Muxamed NNKH lagu faafiyay baraha bulshada taasi oo ka caraysiisay Muslimiinta Sunniga ah. Waxaa loo aaneeyay wadaad Druze ah, laakiin wuu diiday inuu wax mas'uul ah ka yahay. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidoo kale sheegtay in baaritaan horudhac ah lagu waayay.

Caqiidada Druze waa faraca Shiicada Islaamka oo leh aqoonsi iyo caqiidooyin u gaar ah. Kala bar ku dhawaad ​​hal milyan oo taageere ayaa ku nool Suuriya, halkaas oo ay ka yihiin 3% dadweynaha, halka ay jiraan bulshooyin yar oo ku nool Lubnaan, Israa'iil iyo buuraha Golan ee la haysto.

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa ballan qaaday inuu ilaalin doono diimaha iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee waddankaas tan iyo markii uu ururkiisa Islaamiyiinta Sunniga ahi ee hoggaaminayay duullaanka fallaagada ah ee lagu afgambiyay nidaamka Bashaar Al-Asad bishii December ka dib 13 sano oo dagaallo sokeeye ah oo ba'an ay Suuriya daashadeen.

Si kastaba ha ahaatee, xasuuqii balaarnaa ee loo gaystay boqolaal rayid ah oo ka soo jeeda beesha Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee Asad ee gobolka xeebta galbeed bishii March, intii lagu guda jiray iska horimaadyada u dhexeeya ciidamada cusub ee ammaanka iyo kuwa daacada u ah Asad, ayaa sii xoojisay cabsidii laga qabay bulshooyinka laga tirada badan yahay.

Bishii Febraayo, ra'iisul wasaaraha Israa'iil wuxuu ka digay "in uusan u dulqaadan doonin khatar kasta oo bulshada Druze-ka ee koonfurta Suuriya" uga imanaysa ciidamada ammaanka ee cusub ee waddanka.

Netanyahu ayaa sidoo kale dalbaday in gabi ahaan laga saaro Suweyda iyo labada gobol ee kale ee koonfurta, isagoo sheegay in Israel ay khatar u aragtay kooxda Sharaa ee Sunniga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS). HTS waa urur hore uga tirsanaan jiray al-Qaacida oo aramada Midoobay, Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK u aqoonsan urur argagixiso.

Milateriga Israa'iil ayaa horay boqolaal weerar uga fuliyay guud ahaan Suuriya si ay u burburiyaan hantida militari ee dalkaas afartii bilood ee lasoo dhaafay. Waxa ay sidoo kale ciidamo u dirtay aagga ka caagan ee ay Qaramada Midoobay ilaaliso ee u dhaxeeya Buuraha Golan ee ay Israa'iil haysato iyo Suuriya, iyo sidoo kale dhawr goobood oo isku dhow iyo buurta Hermon.