Maxaan ka ognahay akoonnada iyo lambarrada ay dawladda Soomaaliya xirtay ee lala xiriirinayo Alshabaab

Xigashada Sawirka, AFP
War-murtiyeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya "ay xoojisay dadaallada lagu burburinayo dhaqaalaha & maaliyadda kooxaha argagixisada".
Dowaldda waxay sidoo kale sheegtay intii u dhexeysay kowdii Janaayo ilaa iyo 30-ka June ee sanadkan in ay xirtay tiro ka badan 575 numbar oo taleefoon oo loo adeegsan jiray cabsigelinta, hanajabaadda iyo ururinta lacago ay dowladda ku sheegtay "baad". Sida ay dowaldda sheegtay waxaa ku jira akoono bangi.
Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in barnaamijkan lagu xirayo akoonada uu yahay mid hore u soo jiray.
"Maadaama barnaamijkan uu hore u soo socday, waxa laba-kacleynta loogu sameynayo waxay tahay, waxay ku soo beegantay bisha barakeysan ee Muxaram ama sanadka cusub, kaasoo khawaarijtu u isticmaalaan wax la yiraahdo Zakawaat baan qaadeynaa oo been ah" ayuu yiri wasiirka sidoo kale uga digay shacabka in ay 'ka digtoonaadaan lacagaha kooxahaas ay ka qaadayaan'.
"Si loo joojiyo baaddaas, shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa in ay ka digtoonaadaan lacagaha la siinayo argagixisada nooc kasta oo ay tahay iyagoo ku tilaamaya Zakawaat" ayuu yiri.
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in sharciga la hor keenayo, ciddii lagu helana ay lacago bixinayaan.
"Waxaan rabaa in aan u sheego hay'adaha amniga gaar ahaan booliska Soomaaliyeed iyo nabadsugidda, in ay dabagal dheeri ah ku sameeyaan, qofka ay ku qabtaanna ay hor keenaan sharciga".
Qoraal ka soo baxay 20-kii Bishan hay'adda nabadsugidda Soomaaliya (NISA) ayaa lagu sheegay in ay dabagal iyo baaris ku hayaan hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxaha argagixisada.
"Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakaawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada".
NISA ayaa ganacsatada iyo muwaadiinta kale u sheegtay in ay hay'adaha amniga la wadaagaan wixii la xiriira lagacaha laga qaado.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay gacan ka heshay shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay u xiraan akoonada kooxaha argagixisada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dr. Shaafici Yuusuf Cumar oo madax ka ah xarunta cilmi-baarista Brilliance hub research & Development ayaa qaba in ay hoos u dhacday cabsidii laga qabay Al-shabaab.
"Lacagta ugu badan waxay ka imaan jirtay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, ganacsato badan oo lacagta u geyn jirtay ma tagaan hadda goobaha lacagta loogu geeyo" ayuu yiri.
Dr. Shaafici wuxuu kaloo sheegay in ay isticmaali karaan habab kale oo lacagta ay ku helaan mar haddii laga xiray akoonada.
"In lacago caddaan ah loo geeyo ama waxay isticmaali karaan in badeecado loogu iibiyo sidaasina dhulka ay joogaan ku gaarto lacagta iyo in ay dhul ku iibsadaan" ayuu yiri Dr. Shaafici oo intaas ku daray "in xogtii ay tooska garoonka diyaaradaha iyo dakada uga heli jireen ay yaraatay kaddib markii dabagal lagu sameeyay, dad badanna loo soo qabtay.
"Dhulka ay ka taliyaan lacag way ka helayaan balse uma badna sida tan Muqdisho ay ka heli jireen".
Hore ma loo xiray akoono?

Xigashada Sawirka, Google
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma aha markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dirto fariin la xiriirta in aan lacag la siin karin kooxaha argagixisada. Sanadkii 2023-kii ayey dowladda digniin tan la mid ah soo saartay. Dowladda xiligaas waxay sheegtay in ay xirtay 250 akoon bangi iyo 70 akoonada taleefoonada lacagta lagu diro.
Akoonada iyo taleefanada la xayiray ayaa waxaa ku jiray sida ay dowalddu sheegtay lacago fara badan oo doolar ah oo si Khasab ah looga qaaday shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay xiligaas sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto "argagixisada iyada oo kala dagaalamaysa dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka".
Sanadkii 2024-kii Waaxda hantida dibadda ee wasaarada lacagta Maraykanka ayaa soo saartay liis ay ku jiraan shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali ah oo lagu soo rogay xayiraad iyagoo lagu eedeeyay in ay dhaqaale u ururiyaan Al-shabaab.
Mareykanka ayaa ku sheegay sababta ay u qaadeen tallaabadaas in ay tahay si ay gacan u siiyaan dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, warbixin ka soo baxday machadka Hiraal sanadkii 2020-kii ayey ku sheegeen in 15 milyan oo doolar ay kooxaha xagjiriinta ka ururiyaan bishiii magaalada Muqdisho. Waxay hay'adda sheegtay in dhammaan shikradaha waa weyn ay lacagta bixiyaan, laakins shirkaduhu marnaba kama aysan hadlin.













