Farxaan Xasan: "Saaxiibkey wuxuu ku dhintay horteyda"

Farxaan Xasan

Farxaan Xasan wuxuu ahaa arday dhammaystay imtixaankiisa kana baxay fasalka isaga oo la sheekeysanaya asxaabtiisa, markii diyaarad tababar oo ciidanka cirka Bangladesh ay leeyihiin ay ku dhacday iskuulkiisa, taasoo dishay ugu yaraan 20 qof.

"Diyaaradda oo gubaneysa waxay si toos ah ugu dhacday dhismaha oo hortayda ahaa," ayuu Farxaan Xasan, oo ah arday ka tirsan iskuulka Milestone School , u sheegay BBC Bangla.

Muuqaal laga duubay iskuulka oo ku yaalla waqooyiga caasimadda Dhaka ayaa muujinaya dab weyn iyo qiiq madow, kadib markii diyaaraddu ay ku dhacday dhismaha oo laba dabaq ah.

In ka badan 170 qof ayaa ku dhaawacantay shilkaas.

Ciidamada qalabka sida waxay sheegeen in diyaaradda F-7 ay la kulantay cilad farsamo kadib markii ay duushay si ay u sameyso tababar duulimaad.

Duuliyihii diyaaradda, Taukir Islam, ayaa ka mid ahaa dadka ku dhintay.

Diyaaradda ayaa ku dul dhacday dhismaha oo laba dabaq ahaa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Diyaaradda ayaa ku dul dhacday dhismaha oo laba dabaq ahaa

Farxaan, oo la hadlayay BBC Bangla isagoo ay weheliyaan adeerkiis iyo aabihiis, ayaa yiri: "Saaxiibkaygii iigu dhowaa, ee aan la joogay hoolka imtixaanka, wuxuu ku dhintay hortayda".

Horteyda ayuu ku dhintay... diyaaraddii ayaa madaxiisa dusha ka martay. Waana markii dugsigu uu dhammaanayay, waaliddiin badanna gudaha ayay joogeen si ay carruurtooda u qaataan... diyaaraddii waxay la tagtay waalidiintii."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Macallin ka tirsan kulliyadda, Rezaul Islam, ayaa BBC u sheegay inuu arkay diyaaradda oo si toos ah ugu dhacday dhismaha.

Macallin kale oo la yiraahdo Masuud Taarik ayaa u sheegay Reuters inuu maqlay qarax:

"Markii aan gadaal fiiriyay, waxaan arkay oo keliya dab iyo qiiq... waalidiin iyo carruur badan ayaa halkaan joogay."

Saacado yar kadib markii shilku, ka dhacay xaafad si aad ah u mashquul badan, dad badan ayaa isugu soo baxay goobta, qaarna waxay fuuleen saqafyada dhismayaasha si ay u arkaan waxa dhacay.

Dadku waxay u kala carareen jihooyin kala duwan, halka gawaarida gurmadka deg dega ah iyo dad samatabixiyaal ah ay ku dadaalayeen inay gaaraan goobta si ay u qaadaan dhaawacyada iyo maydadka laga helay Milestone School and College.

Ugu yaraan 30 gawaarida gurmadka ah ayaa lagu arkay goobta iyadoo dad dhaawac ah la daadgureynayo.

Haweeney goobta timid si ay xog uga hesho waxa dhacay ayaa u sheegtay BBC- in wiilkeedu uu taleefan u soo diray daqiiqado kadib shilka, balse wixii intaas ka dambeeyay aysan wax war ah ka helin.

Dad badan ayaa isbitaallada la dhigay

Xigashada Sawirka, Nur Photo via Getty Images

Qoraalka sawirka, Maalmo baroor-diiq ah ayuu dalki geli doonaa

In ka badan 50 qof – oo ay ku jiraan caruur iyo dad waaweyn – ayaa loola cararay isbitaalka iyagoo gubtay, sida uu sheegay dhakhtar ka tirsan Machadka Qaranka ee Gubashada iyo Qalliinka Maqaarka.

Qoysas badan iyo ehellada dadkii waxyeelladu soo gaartay ayaa ku sugnaa gudaha isbitaalka – waxaana ka mid ahaa Shah Alam, adeerka wiil dhiganayey Fasalka 8-aad oo lagu magacaabi jiray Tanvir Ahmed, kaasoo ku dhintay shilka, ayaa yiri:

"Wiilkaygii la jeclaa hadda waxa uu ku jiraa meydkiisu qaboojiyaha," isagoo gacanta ku haya walaalkiis oo ah aabbaha Tanvir, kaasoo aan hadlin karin murugo darteed.

Dadka badankooda ku jira isbitaalka gubashada waa carruur da'doodu u dhaxayso 9 ilaa 14 sano.

Dadka rayidka ah ee kale ayaa isbitaalka yimid si ay dhiig ugu deeqaan; siyaasiyiin ka tirsan labada xisbi ee waaweyn ee dalka Bangladesh – Bangladesh Nationalist Party (BNP) iyo Jamaat-e-Islami – ayaa sidoo kale booqday isbitaallada.

Wasaaradda caafimaadka Bangladesh waxay sheegtay in dadkii dhaawacmay la dhigay toddobo isbitaal oo ku yaal Dhaka; dowladdu waxay ku dhawaaqday maalinta Talaado ah in guud ahaan dalka la qaban doono maalin baroor-diiq ah, iyadoo calanka qarankana hoos loo dhigi doono.

War ka soo baxay ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in duuliyuhu isku dayay inuu diyaaradda u leexiyo meel dadku ku yar yihiin markii cilad farsamo ay dhacday, waxaana uu diyaaradda ka qaaday saldhig ciidan oo ku yaal caasimadda.

Guddi baaritaan ayaa la dhisay si ay baaritaan ugu sameeyaan dhacdadaan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Maxamed Yuunus, hoggaamiyaha dowladda kumeel-gaarka ah ee Bangladesh, ayaa sheegay in "tallaabooyin lagama maarmaan ah" la qaadi doono si loo baaro sababta keentay dhacdada iyo in la "hubiyo dhammaan noocyada gargaar ee loo baahanyahay".

"Xilligan waa mid murugo weyn u leh qaranka. Waxaan u rajeynayaa dadka dhaawacmay inay si degdeg ah u bogsadaan, waxaana farayaa dhammaan hay'adaha ay quseyso, oo ay ku jiraan isbitaallada, inay si weyn u daryeelaan xaaladda bukaannada," ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay baraha bulshada, gaar ahaan X.

Dadka badankooda ku jira isbitaalka gubashada waa caruur
Qoraalka sawirka, Dadka badankooda ku jira isbitaalka gubashada waa caruur