Luuqaddee ku hadashaa riyada dhexdeeda?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wax yar ka dib markii aan bilaabay ka shaqaynta sheekadan, waxaan ku riyooday riyo wax ku ool ah. Waxaan ku sugnaa qol hotel ah, oo ay joogeen marti ka timid Mareykanka, Pakistan iyo dalal kale. Intooda badan waxay ku hadlayeen Ingiriis, halka mid ama laba ay ku hadlayeen afka Jarmalka, oo ah luqaddaydii hooyo.
Hal mar ayaan waayay wiilkaygii oo waan argagaxay. Markaan helay, neefta ayaa igasoo boodday: "ach, da bist du ja!" - "phew, alla wakukaas" oo af Jarmal ah ayaan dhahay waana isku duubay.
Marka aan ku hadli karno dhowr luqadood, waxaan mararka qaarkood la kulannaa xaalado noocan oo kale ah, markaas oo ay luuqaduhu iskaga kaa darsamayaan hurdada. Riyooyinkayga waxaan inta badan ku hadlaa Ingiriisi, oo aan maalin kasta kaga hadlo halkan London, laakiin sidoo kale Jarmal ayaa ah luqadda carruurnimadaydii aan ku hadli jiray.
Laakiin sidee iyo maxay maskaxdeenu u abuurtaa riyooyinkan luuqadaha badan? Ma laga yaabaa in riyooyinkan ay saameyn ku yeeshaan xirfadaheena luqadda ee nolosha dhabta ah?
Fasiraadda luqadda riyooyinka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jaleecada hore, ma aha wax lala yaabo in dadka luuqadaha badan ku hadla ay, si isku dhafan ugu hadlaan afafka kala duwan amaba ay kolba luuqad ku boodaan, iyo in xataa dadka bartay luqad qalaad ay sidoo ku hadlaan luuqadahn riyadooda dhexdeeda. Si kastaba ha ahaatee, luqadda aan ku hadalno maalintii inta badan waxay noqotaa tan aan ku royoonno habeenkii.
Daraasad lagu sameeyay dadka dhegoolayaasha ah iyo kuwa maqalku ku adag yahay ayaa lagu soo gabagabeeyay in ay riyooyinkooda ku wada xiriiraan si la mid ah habka ay sameeyaan marka ay soo jeedaan, iyaga oo adeegsanaya luqadda dhegoolaha (midaarka). Laakiin falanqaynta faahfaahsan ee riyooyinka luqadaha badan ayaa muujinaya sawir aad u adag.
Marka hore, halkii ay si aan kala sooc lahayn ugu soo celin lahayd nuxurka luuqadda maalintii, maskaxdeenu waxay habeenkii u muuqataa inay ku dhex milmatay dhammaan noocyada welwelka, xusuusta, iyo dhibaatooyinka maalinlaha ah ee aan wajahayno.
Waxay xitaa si cajiib ah u abuuri kartaa wada sheekaysi dhan oo ku hadlaya luqad kale ah oo aan la aqoon ama luqad aan aragnay ama maqalnay xilliga soo jeedka laakiin aynaan ku hadlin. Tusaale, anigu mararka qaar waxaan riyooyinkayga dhexdooda ku hadlaa afka Jabaan-ka oo ah luuqad aan bartay balse aanan si fiican ugu hadli karin.
Erayo ka fakar

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si loo fahmo xidhiidhka ka dhexeeya hurdada iyo luqadaha, aan ku bilowno hal luqad oo keliya: afka Ingiriiska oo ah luuqadda qormadan lagasoo turjumay.
Waxaa laga yaabaa inaad u maleyso inaad afkaaga hooyo si fiican u baratay muddo dheer, laakiin dhab ahaantii, waxaad si joogto ah u cusbooneysiineysaa aqoontaada. Xitaa dadka waaweyni eray cusub ayey labadii maalmood mar bartaan.
"Waa wax iska cad ah in caruurnimadeena aan barano ereyo badan oo cusub, gaar ahaan tobanka sano ee ugu horeeya. Laakiin tani waxay dhacdaa mar walba inanga oo aan ku baraarugin, "ayuu ku yiri Gareth Gaskell oo ah borofisar cilmi-nafsiga iyo agaasimaha Hurdada, Luuqadda iyo xusuusta, Shaybaadhka Jaamacadda York, UK.
Sida lagasoo xigtay Gareth Gaskell, marka aan baranno kelmad cusub, waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa aqoonteena ilaa aan ka qabanno eraygaas.
Waxa uu tusaale ahaan u soo qaatay kelmadda Ingiriisiga ah ee “Breakfast” oo ‘quraac’ ka dhigan, oo dadka badankiisu si kalsooni leh u isticmaalaan. Laakiin marka eray kale oo la mid ah uu soo baxo, waxay dib u soo celin kartaa hubanti la'aanteenna ku saabsan tibaaxdii hore.
Shanti sano ee lasoo dhaafay waxay dadka Ingiriisku barteen erayga "Brexit" oo ah eray tartan adag kula jira "Breakfast". "), ayuu sharaxay.
Si erayga cusub loogu isticmaalo si sax ah oo aan uga soocno kuwa la midka ah, waxaan u baahannahay inaan ku xidhno aqoontayada jirta, sida uu qabo Gaskell. Si taasi u dhacdana waa inaad seexataa.
Waa xilliga hurdada marka uu dhacayo isdhexgalka aqoonta cusub iyo tan hore.
Inta lagu jiro maalinta, qaybta maskaxdeenna u xil saaran barashada iyo xasuusta ee lagu magacaabo “hippocampus”, waxay kaydisaa ereyada cusub inta aad soo jeeddo, kadib habeenkii, waxay u gudbisaa macluumaadka cusub qaybaha kale ee maskaxda, halkaas oo lagu kaydiyo laguna xiriiriyo macluumaadka kale ee muhiimka ah. Tani waxay naga caawineysaa inaan doorano ereyga ku haboon xaalad kasta taas oo meesha ka saaraysa isku qaladka erayada isu eg.
Sida uu qabo Gaskell, habraacan way u siman yihiin haddii aad afkaagii hooyo ka baranayso erayo cusub ama ay tahay luuqad kale.
Si kastaba ha ahaatee afka aad ku riyoonayso marka aad huruddo wuxuu ka kooban yahay, wax aad aragtay, maqashay amaba aad ku fakartay inta aad soo jeedday.












