Maxay yihiin gabayada hadalheynta dhaliyay ee Nageeye Cali Khaliif?

Xigashada Sawirka, NAGEEYE CALI KHALIIF
- Author, Ahmed Cadceed
- Role, Saxafi madax bannaan
- Reporting from, Nairobi, Kenya
Waxaa qaybihii hore ee bishan Oktoobar la faafiyay qoraal uu horey Facebook u dhigay Nageeye Cali Khaliif oo ah suugaan yahan iyo buug la sheegay in uu isagu qoray laakiin aysan jirin si loo xaqiijiyo.
Waxaa sidoo kale la faafiyay sawirro la sheegay inay muujinayaan isaga oo booqanayo magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, oo ay gacanta ku hayaan ururka al-Shabaab iyo magaalooyin kale oo ku yaal Jubooyinka, waana sababta keentay inay dadka qaar shaki geliyaan halka uu hadda ku sugan yahay.
Nageeye Cali Khaliif waa macallin, abwaan iyo saxafi xirfad sare lahaa, iyo qoraa. Seddexda xirfadoodba si firfircoon ayuu ugu dhex jiray.
BBC ma xaqiijin karto halka uu joogo iyo inuu koox gaar ah ku biiray.
Haddaba waxaan halkan idiinkusoo gudbineynaa qaar ka mid ah gabayadiisa iyo jumlooyinka ku jira gabayada qaar ee dhaliyey hadal haynta ugu ballaaran iyo waxyaabaha ay ka hadlayaan gabayadaasi.
Shakhsiyaddiisa wax ku saabsan waxaad kaga bogan doontaa qaybta hoose ee sheekada, balse aan ku bilowno mid ka mid ah gabayadiisa oo uu ugu magac daray (Sahwi) iyo waxa uu kaga hadlay.
Nageeye iyo wuxuu ka yiri "Maandeeq"
Soomalidaan doonayiyo sahankii iimoowye
Sidiibay farriin uga sugaan saancadaalaha’e
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sidiibuu siyaasigu danley uga samaystaaye
Saadaalladii loo fadhiyey seegtay hilinkiiye
Waxba kuuma saafine adaan boogta kuu saraye
Qarankiinniibaa lagu salliday saaqid iyo tuug’e
Saddex iyo siddeed iyo intay saami tahay hawshu
Sahankeedu wuu durugsan yahay sidigtii maandeeq’e
Seetada ninkii diidayoow saahidbaad tahay
Erayada maansadan ka kooban sagaalka sadar oo uu Nageeye sheegay inuu kaga hadlayo (Maandeeq iyo xorriyaddii Soomaalida) ayaa laga dheehan karaa sida uu isugu dayayo inuu erayo ku cabiro xaaladda siyaasadeed ee Soomaalida.
Sida aan ku arki doonno maansada hoose ee uu kaga hadlayo siyaasiga Soomaaliyeed, Nageeye wuxuu dhaliilaa siyaasadda masuuliyiinta Soomaalida ee ku aaddan shisheeyaha iyo si guud dhaqanka siyaasiyiinta.
(Saddex iyo siddeed iyo intay saami tahay hawshu)
(Sahankeedu wuu durugsan yahay sidigtii maandeeq’e)
Sida ka muuqata labadan sadar, wuxuu ku dhaliilayaa nidaamka saami qaybsiga siyaasadda ee qabiilka ku salaysan (4.5), isaga oo leh, xorriyaddu way fog tahay inta ay siyaasiyiintu taagan yihiin saami qaybsi qabiileed.

Xigashada Sawirka, Social Media
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed
Gabaygan uu Nageeye tiriyey 2015-kii, sida isaga lagasoo xigtay, wuxuu si adag uga faalloonayaa siyaasiga Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay dad “indhaha beelay iyo weliba iimaanka”.
Waxayna erayada gabaygani ku xiran yihiin siyaasadda (4.5) ama siyaasadda qabiilka iyo sida ay siyaasiyiintu ugu qanacsan yihiin taas oo aan kusoo aragnay gabaygiisa kor ku qoran ee (Sahwi).
Siyaasigan inkaaraha qabiyo waliba aafaadka
Siyaasigan axmaarada watee gaalku ku adeegto
Siyaasigan dalkii iibiyee ubadka caydheeyay
Siyaasigan indhaha beelay iyo waliba iimaanka
Siyaasigan ujeeddada xun ee kuu abtirinaaya
Siyaasigan agoontiyo shabacbka aanada u geystay
Siyaasigan Ilaahay necee diintii ka abraaray
Wallee guul ma urisaan intaad daba ordaysaane
Ayaamaha dambeeyiyo waqtiga waan odorosaaye
Waxaad aniga igu eersataa waa ila amakaage
Dib u eeg taariikhdu waa lama illaawaane.
Nageeye wuxuu gabaygan ku dhaliilay siyaasiyiinta Soomaaliyeed isaga oo isla markaana ka digaya in aysan shacabka Soomaalidu guul hanan karin inta ay ku tiirsan yihiin siyaasiyiinta uu sheegay.
Damaca shisheeyaha iyo (Seylac)

Xigashada Sawirka, somaliaonline
Inkasta oo maansadani si guud ku saabsan tahay in ay jiraan “Afrikaan” damacsan dhulka iyo badda Soomaaliya, haddana wuxuu si gaar ah u xusay inuu jiro damac ku aaddan Dekadda Seylac.
Waxaa xusid mudan, inay toddobaadyadan socotay dood ku aaddan in Itoobiya ay doonayso dekad, kadib hadalkii kasoo yeeray raysal wasaaraha Itoobiya ee ahaa in dalkiisu xoog iyo xeelad miday noqotab dekad uu raadinayo.
Hadalkan ayaa la saaray fasiraada kala duwan, wuxuuna Soomaalida dhexdeeda ka abuuray didmo ku aaddan in Raysal wasaaraha Itoobiya uu si gaar ah farta ugu fiiqayo magaala xeebeedka Seylac.
Soomaaliyeey Afrika waxay rabaan waad la socotaaye
Samci ma lihid oo waa horaad seegtay hilinkiiye
Samankii gumeystaha markii la inakala soocay
Sugubaha Jigjigiyo Galbeed saami loo bixiye
Sigataye intii kuu hadhaa loo sid tiriyaaye
Muggan Seylac iyo xeebuhuu sahanku joogaaye
Geeddigu aduu kugu socdaa saaran leedada’e
Samir been ah kuma gaadhaysaan waxaad sugaysaane
Hadba dood salleella ah adoon lagu sabaaleynin
Sooyaalka hadafkaaga waa lagu saleeyaaye
Hayeeshee wixii soo socdaa lagu sargooyaaye.
Sida uu sheegay Abwaan Nageeye Cali Khaliif, wuxuu gabaygan tiriyey sannadkii 2019, waxaana erayada gobaygan ka muuqda cabsi uu ka qabay in Itoobiya (wallow uusan si gaar ah u magac dhabin) ay doonayso inay Soomaalida ka qaadato dhul iyo bad ka baxsan inta ay awal haysatay.
“Sugubaha Jigjigiyo Galbeed saami loo bixiye
Sigataye intii kuu hadhaa loo sid tiriyaaye
Muggan Seylac iyo xeebuhuu sahanku joogaaye”
Sida ka muuqata saddexdan sadar, Nageeye wuxuu aamin san yahay in ciddii qaadatay “Jigjiga iyo Galbeed” uu hadda sahankoodu joogo “Seylac iyo xeebaha”.
Nageeye waa qof noocee ah?

Xigashada Sawirka, NAGEEYE CALI KHALIIF
Nageeye Cali Khaliif, sida uu isaguba sheegay, wuxuu 1992 ku dhashay degmada Darroor ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Laakiin waxa uu ku barbaaray Somaliland, halkaas oo waxbarashada aas-aasiga ah uu ku qaatay.
Wuxuu sheegay inuu waxbarashada hoose ka bilaabay magaalada Hargeysa sannadkii 2003, wuxuuna intaa ku daray in 2011 uu iskuulka ku dhameeyey isla Hargeysa.
Shaahaadada 1aad ee jaamacadda ee cilmiga siyaasadda ayuu sheegay inuu 2014 ka qaatay jaamacadda New generation ee ku taalla magaalada Addis Ababa.
Shahaadada labaad ee jaamacadda oo uu saxaafadda ku bartay ayuu iyadana sheegay inuu ka qaatay jaamacad kale oo ku taalla isla magaalada Addis Ababa, isaga oo daraaseeyay saxaafada Soomaalida, si gaar ah wargeysyada.










