Waa maxay cabashada durba laga muujinayo telefoonka iPhone 15?

iphone

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkadda Apple ayaa cillad heysata hannaankeeda shaqo u aaneysay app-yada sida Instagram, kaddib kuleyl daran oo lagu arkay telefoonkeeda cusub ee iPhone 15.

Maaddaama noocan ugu dambeeya ee telefoonka casriga ah uu suuqa soo galay bishii September, dadka isticmaalay qaarkood ayaa ka cabanaya inuu aad u kululaado oo aan la taaban karin.

Shirkadda Apple ayaa sheegtay in cillad ay ka jirto dhanka iOS 17 ee telefoonka.

Balse waxay sidoo kale sheegtay in isbeddello lagu sameeyay app-yada shirkado kale ay "sababayaan inay cusleeyaan hannaanka".

Dadka isticmaala iPhone ayaa filayay in telefoonkooda uu aad u kululaan doono markii ugu horreysay ee ay isticmaalayeen, sababo la xiriira xaddiga quwad ee la adeegsaday balse tan u gaarka ah iPhone 15 ayaa ah tan ugu daran.

Dadka isticmaalay ayaa baraha bulshada ku wadaagayay cabashadooda ku aaddan telefoonkan cusub ee sii kululaanaya.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Shirkadda Apple ayaa sheegtay in laga yaabo in telefoonka cusub laga dareemo kuleyl maalmaha ugu horreeya "kaddib marka ugu horreysa ee aad isticmaaleyso."

Shirkadda ayaa tiri: "Waxaan ka war helnay arrimo dhowr ah oo sababi kara in telefoonnada iPhone ay kuleyl noqdaan si ka duwan sida laga filayo."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tan waxaa ka mid ah cillad ka jirta iOS 17 oo ah nooca ugu dambeeya ee software-ka Apple.

Waxay sheegtay inay jirto "arrin kale oo ku lug leh cusbooneysiin lagu sameeyay app-yada shirkadaha kale oo sababaya inuu hannaanku cuslaado," isla markaana ay la shaqeyneyso dadka sameeya app-yada si arrintaan loo xalliyo.

App-yada la eedeeyay waxaa ka mid ah Instagram, Uber iyo tan game-ka muuqaalka ee Asphalt 9, sida ay sheegtay Apple.

Instagram ayaa hore u xallisay arrintan toddobaadkii lasoo dhaafay.

Xallinta cilladda iOS 17 ma yareyn doonto tayada si wax looga qabto heer kulka iPhone.

Apple ayaa sheegtay in kululaanshaha telefoonnada aysan la xiriirin qolofta ka sameysan maaddada titanium ee ku dahaaran iPhone 15 Pro iyo iPhone 15 Pro Max iyadoo hore ay telefoonnada ugu daharanaan jireen gal qalin ah.

Waxay sidoo kale beenisay waxyaabaha la isla dhex marayo ee ah in dhibaatada kululaanshaha saa’idka ah ay la xiriirto USB-C-ga cusub oo u oggolaanaya inay shirkaddu raacdo shuruucda Yurub.

Apple ayaa sheegtay in arrintu aysan la xiriirin badqab amaba khatar dhanka waxyeellada ah isla markaana aysan saameyn doonin tayada muddada dheer ee telefoonka.