Fadeexaddii ugu weynd ee kufsi wiilal loo tabarayo banooniga oo loo heysto dalkan Afrika

Hay’adaha maamula kubadda cagta adduunka ayaa wajahaya eedeymo ah inay ku guul darraysteen inay ilaaliyaan dhibanayaasha da’da yare e xadgudubyada galmada ee Gabon. Barnaamijka Africa eye ayaa la hadlay in ka badan 30 qof oo markhaatiyaal ah, kuwaasoo ka hadlay shabakad muddo 30 ah cayaaraha dhibaato kula dhex jirtay.
Digniin: Maqaalkani waxaa ku jira faahfaahin laga yaabo in akhristayaasha qaar ay dhibsadaan
Eedeymaha ayaa ka soo billowday dalkaas Afrikada galbeed ku yaalla sannadihii sagaashameeyadii.
Mid ka mid ah dhibanayaasha oo aan doonayn in magaciisa la sheego ayaa tilmaan ka bixiyey wixii uu la kulmay xilligii uu dhallinyarada ahaa ee uu ku jiray xerada lagu xareeyo cayaartoyda ka yar 17ka sano. Wuxuu sheegay in isaga iyo saaxibkiis hurdada laga toosiyey saqdii dhexe oo la geeyey qol uu ka dhex shidnaa nal gaduudan, halkaasoo ay ka buuxeen rag qaawan.
“Waxay bilaabeen inay na taa-taabtaan aniga iyo saaxibkay mana aanan fahmin. Waxaan bilaabay in aan alle baryo. Waxaan doonayey in aan dibadda u baxo, laakin irridda ayaa la xiray. Way I qabteen dhulka ayeyna ayeyna igu tureen. Waxay ahaayeen laba nin oo amaanka qaabilsan. Waxay u muuqdeen inay diyaarsanaayeen” ayuu yiri.
“Waan arkayey sidii ay u bilaabeen kufsigii ay u geysteen saaxiibkey. Indhaha ayaan ka fiiriyey, isaguna wuu i soo eegay. Waan ooyey oo qayliyey, oo qayliyey. Waxay ii sheegeen in aan marnaba la ii ogolaan doonin in la i xusho haddii aan ka hadlo wiii dhacay, qoyskaygana la dili doono”. Marnaba uma uusan cayaarin Gabon mar kale.
Barnaamijka Africa eye ee BBC waxaa soo gaartay in ay jireen dhowr isku day oo maamulayaasha lagu wargelinayey wixii sannadahaas dhacayey.
2019 ayaa cataartoygii xulka qaranka ee Gabon Parfait Ndong wuxuu dib ugu laabtay dalkiisa si uu u sameeyo akadeemiyada Jardin de football au Gabon. Wuxuu ahaa qof aad looga qaddariyo kubadda cagta ee Gabon, wuxuuna qaranka u saftay 45 goor, isagoo naadiyada Yurubna u soo cayaaray. Markii uu ogaaday wixii dhacayey ayuu ku wargeliyey maamulayaasha.
“Waxaan qaadayey dhamaanba talaabooyinka aan qaadi karay” ayuu u sheegay BBC, isagoo intaa ku daray inuu la hadlay guddoomiyaha horyaalka, guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee loo yaqaano Fegafoot, iyo wasiirkii cayaaraha ee xilligaas.
Wuxuu sheegay in dadaalladiisa oo dhan la iska indho tiray, wuxuuna u jeestay inuu la hadlo saxaafadda gudaha: “Ma jirin qof doonaya inuu dhegeysto wixii aan sheegayey”.
Lama ogaan ilaa iyo wargeyska The Guardian ee UK uu wax ka qoray xadgudubyada bishii Disembar 2021, markaasoo afar tababare la xiray. Seddex ka mid ah weli xabsiga ayey ku jiraan.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Eedeynta ugu culus waa tan loo haysto Patrick Assoumou Eyi, oo ku magac dheer “Capello”. Muddo tobanaan sano ah wuxuu ahaa tababaraha 1aad ee kooxaha dhallinyarada xulka qaranka, wuxuuna Capello lahaa awoodda uu ku go’aamin karo cidda heerkaas markay taagan tahay u cayaari karta Gabon.
Bishii Disembar 2021 ayaa guddi madax banaan oo FIFA u qaabilsan anshaxa wuxuu bilaabay baaritaan hordhac ah oo la xiriira wararka ku saabsan xadgidibyo galmo oo uu gaystay Capello, waxaana laga joojiyey hawl kasta oo la xiriirta kubadda cagta. Baaritaankaas waxaa gudaha dalka hormuud ka ahaa guddi anshaxa qaabilsan oo Fegafoot ay qabatay, bishii May 2022-na guddiga baaritaanaka ee FIFA ayaa hawshiisa si rasmi ah baaritaanka hordhaca ah u guda galay.
Su’aalo ayaa ka dhashay arrintaas kuwaasoo la xiriira in maamulayaashu ay ogaayeen iyo xilligii ay ogaayeen. Alexis oo magaciisa la beddelay si loo ilaaliyo haybtiisa ayaa ka mid ahaa dhallinyarada kubadda cagta ee Gabon ka soo baxay, markii dambana ka cayaaray Yurub. Wuxu BBC u sheegay in sababta kaliya ee uu sida furan uga hadlayo arrinta ay tahay in uusan joogin dalka. Haddii uu joogi lahaa wuxuu sheegay in naftiisa ay khatar gali lahayd.
“iminka waxay xireen Capello, laakinse muddo intee le’eg ayey ogaayeen oo aysan waxba ka qaban? Waxay ku istaageen halkii ugu hooseysay, waxayse arrintu is haysataa ilaa halka ugu sarreysa, waxayna samayn doonaan wax kasta oo ay ku qarin karaan. Capello waa lagu kiis-baxayaa, waa in madaxda ugu sarraysa lala xisaabtamaa”.

Cayaartoy kale oo aan ugu yeereyno Julien ayaa BBC u sheegay in sidoo kale isna xadgudub loo geysanayey tan iyo markii uu 14 jirka ahaa. Dhowr sano ayuu u cayaaray xulka qaranka ee Gabon, wuxuuna rumaysan yahay tirada wiilasha ee ay arrintan saamaynta ku yeelatay in aan la qiyaasi Karin.
“Ma garanayo inta tababare eek u xadgudbayey wiilasha. Bal hadda aan eegno Capello oo kaliya. Waa qofka aadka loo yaqaano, wuxuuna waxan samaynayey 25 – 30kii sano ee u dambeeyey. Sannad kasta wuxuu xiriir la samayn jiray ugu yaraan 50 wiil, haddaysan ka badnayn. Imisa qof oo kale ayaa shabakadaas ku jiri kara. Waxaan ka hadlaynaa kumanaan wiil” ayuu yiri.
Remy Abanega oo hore xulka qaranka ugu soo cayaaray, sameeyeyna ururka ugu horreeyey ee ay isugu yimaadaan cayaartoyda xirfadoodu tahay kubadda cagta ee dalka 2014, ayaa sida Ndong wuxuu ka mid yahay dhowr qof oo ku dhex jira kubadda cagta ee Gabon oo dareensan nay six or ah u hadli karaan. Qof ahaan isaga xadgudub lama kulmin, laakinse wuxuu sheegay in dhowr saaxiibadiis ka mid ah lagu xadgudbay.
“Nidaamka garsoorka maxalliga ayaa maxbuus ka dhigay guddoomiyaha xiriirka, FIFA-na waxba kama aysan qaban. Maxay noqonaysaa sababta aan isna shaqada looga joojin inta uu baaritaanku socdo sida lagu sameeyey Capello oo kale?” ayuu yiri.
“Weli wuxuu sii waday inuu maamulo xiriirka isagoo xiran. Ma filayo in taas oo kale ay meel kale ka dhacdo”.
Bishii May 2022, FIFA waxay si rasmi ah shaqada uga joojisay Capello, laba tababare oo kale iyo madaxa horyaalka kubadda cagta, laakinse xayiraad kuma aysan soo rogin Pierre-Alain Mounguengui, madaxa Fegafoot.
Xiriirka kubadda cagta Afrika ee CAF wuxuu sheegay in Mounguengui loo arkayo in uusan dambi lahayn ilaa inta xadgudub lagu helayo, waxayna u qoreen April 2022 wasiirkii cayaaraha ee Gabon Franck Nguema warqad xarigga ninkaas ku saabsan.

Lix bilood ka dib ayaa xabsiga laga sii daayey, seddex todobaad ka dib oo ku beegnayd furitaankii koobka kubadda cagata adduunka ee Qadar-na waxaa ala arkayey masawir ay iskula jiraan guddoomiyaha CAF, ayagoo laabta is galinaya.
Casumaadda Ebanega uu Qadar ku casumay madaxa FIFA Gianni Infantino ayaa u muuqatay in hay’adda maamusha Kubadda cagta adduunka ay ku qanacday hawsha Fegafoot. Seddex bilood ka dib, Mounguengui waxaa dib loogu doortay guddiga fulinta ee CAF.
Ku dhawaad laba sano ka dib markii ay eedeymahan soo baxeen ee lagu qoray warbaahinta caalamka, saraakiil sare oo Fegafoot ka tirsan ayaa weli awoodda haya. “Waxaan aaminsanahay in nidaamka ay u suurto gashay inuu sii socdo, taasoo ay u suurto galisay maadaama aan waxba laga beddelin” ayuu yiri Eabanega.
BBC waxay eedeymaha lagu soo qaaday barnaamijka Africa eye u gudbisay Fegafoot, Caf iyo Fifa. Dhinacyadaas dhamaantood waxay aad u cambaareeyeen xadgudubyada carruurta.
Fegafoot iyo Mounguengui waxay beeniyeen dhamaanba eedeymaha loo jeediyey, waxayna sheegeen in talaabooyinka ku haboon ay si degdeg ah uga qaadeen isla markii ay soo shaac baxeen xadgudubyada galmada ee lagu eedeynayo kubadda cagta ee Gabon.
FIFA iyo CAF waxay beeniyeen eedeymaha loo soo jeediyey dhamaantood, waxayna FIFA sheegtay in baaritaanka laga dhigay mid rasmi ah bishii May 2022, welina uu socdo.
Mr Nguema hadda ma aha wasiirka cayaaraha ka dib afgambigii dhacay bishii hore, wuxuuna si adag u beeniyey in ay jirto cid ku wargelisay in xadgudubyo galmo ay dheceen ka hor intii aan la shaacin.
















