Gabadha Afrikaanka ah ee rajeyneysa in ay hal mar wada noqoto Pep Gurdiola iyo Zidane

.

Xigashada Sawirka, .

Haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo tababaraha koox heerka koowaad oo rag ah dalka Burundi ayaa sheegtay inay la yaabtay markii ay ka war heshay go’aanka kooxda Inter Star ay ugu doorteen booskaas.

Ka dib xirfad ciyaareed dheer, Belyse Ininahazwe, oo 35 jir ah, ayaa loo dhiibay kooxdan afarta jeer ku guuleysatay horyaalka Burundi si ay usii maamusho ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxdan ayaa horyaalka dalkaas in ay qaaddo waxaa ugu dambaysay 2008-di, waxaana laga filayaa Belyze in ay kooxdan ku celiso halkii looga bartay, xilli sida oo kale ay kooxda ka fogaysa in ay hoos u dhaadhacdo.

"Xaqiiqda ah in ay u doorteen haweeney inay noqoto tababarahooda maaha wax yar, laakiin waa wax weyn," Ininahazwe ayaa u sheegtay laanta Great Lakes ee BBC.

"Markii hore, waxaan moodayay inay ku kaftamayaan laakiin waa run - anigu waxaan ahay tababarahooda, way igu adkeyd inaan fahmo laakiin waxaan uga mahadcelinayaa in ay i aaminaan."

Intii lagu guda jiray xirfadeedii ciyaareed ee kooxdeedii La Colombe, daafacan Ininahazwe waxa ay ku guuleystay lix koob oo heer qaran ah intii u dhaxeysay 2002 iyo 2016, ka hor intii aanay dhanka tababarka kooxaha.

Waa ay sheegtay in ay xiisayso oo ku dayato tababarayaasha kuwooda loogu jecel yahay ee ugu guuulaha badan kubadda cagta.

"Waan jeclahay Pep Guardiola iyo falsafaddiisa, waxaana jeclahay sida isu dhul dhigo Zinedine Zidane, waxaan doonayaa inaan meel fog ka gaadh sida Pep oo kale, oo aan aan haddana weli isdhul-dhig u muujiyo sida Zidane oo kale."

Tababaraha Manchester City Guardiola ayaa dhawaan xaqiijistay seddex koob oo taariikhi ah oo kala ah UEFA Champions League, Premier League iyo FA Cup, halka tababarihii hore ee Real Madrid Zidane uu yahay tababaraha kaliya ee ku guuleystay seddex koob oo Champions League oo xidhiidh ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Haweenka iyo ciyaaraha

Koobka Adduunka ee haweenka ayaa muddooyinkii u danbeeyey ka socday dalalka New Zealand iyo Australia, xilli dhawaan la filayo in ay dhacdo ciyaartii kama danbaysta ahayd oo ay wada ciyaari doonaan kooxaha kala metelayey dalalka Spain iyo England.

Ciyaaraha Koobka Adduunka Haweenka oo bilaabmay 1991 ayaa sameeyey horumar weyn, iyada oo ay sii baahayaan taageerayaasha daawada kubadda cagta dumarka, halka sida oo kalena ay aad uga soo muuqanayaan dhinaca tababarenimada, xilli weli raggu ay boqolkiiba ku dhawaad sagaashan xirfaddaas qabtaan.

Dhanka Afrika, dalal kooban oo dumar horkacayaan ayaa gaadha koobkaas, Nigeria iyo Morocco ayaan sannadkan meelo fiican iyo guulo la taaban karo gaaadhay.