Turkiga: Maxaan ka ognahay qaraxa ka dhacay meel u dhow aagga ay Soomaalidu ku ganacsato?

Qaraxa Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gaadiidka dab damiska iyo caafimaadka oo goobta gaaray

Labo nin oo hubeysan ayaa saaka aroortii weerar bambaano ku qaaday afaafka hore ee laga galo xarunta nabad sugidda ee wasaaradda arrimaha gudaha ee caasimadda Ankara, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Turkiga.

Wasiir Cali Yerlikiya ayaa yiri “Laba nin oo argagixiso ah ayaa weerar ku soo qaaday afaafka hore ee dhismaha wasaaradda, mid ka mid ah waa la toogtay, halka kan kalana uu is qarxiyay”.

Qarax saaka laga maqlay Ankara, waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah tan iyo sanadkii 2016-kii waxaana rasaas laga maqlay agagaarka xarunta baarlamaanka Turkiga iyo dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha Turkiga oo ku taal deegaanka Kazlai ee bartamaha caasimadda.

Weerarkan ayaa ahaa mid ay markii dambe Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaantay weerar Argagixiso oo sababay dhaawac fudud oo soo gaaray laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska.

Ma jiro wax war ah oo sheegaya in ilaa iyo haatan ay qaraxaasi ku waxyeelloobeen dad rayid ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa warsaxaafadeedkeeda ku dartay: “Labo shaqsi oo argagixiso ah ayaa gaari ku soo gaaray ka soo horjeedka albaabka hore ee Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, abaare 9:30 subaxnimo waxayna fuliyeen weerar bambaano.”

Soomaalida Ankara iyo saameynta qaraxa

Magaalada caasimadda ah ee Ankara waxaa ku nool soomaali u badan arday wax ka barata dalkaasi Turkiga, sidoo kale dadka u taga caafimaadka ama arrimaha la xiriira dhakhaatiirta ayaa ku badan caasimadda, waxaana jira soomali kale oo tiro ahaan aan badneyn balse deegaan ahaan u deggen magaalada Ankara.

Halka uu qaraxu ka dhacay meel aan aad uga fogeyn ayaa waxaa ay Soomaalidu ku leeyihiin ganacsiyo kala duwan, qaraxa ayaa ka dhacay waddo aad u saxmad badan oo marka aad mareyso aad ku arki karto soomaali dhowr ah.

Qaraxa Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Wadada uu qaraxu ka dhacay oo la xiray

Waxaa xusid mudan in maanta ay ahayd maalin fasax ama nasiino oo axad ah taasina ay keentay in khasaaraha ka dhashay qaraxa uu yaraado marka loo eego agga faras magaalaha ah ee uu ka dhacay.

Sida aan wararka ku heleyno majirto wax saameyn ah oo haatan soomaalida uu ku yeeshay weerarka qaraxa ah ee ka dhacay caasimadda dalka Turkiga.

"Astaanta" weerarka

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dadka wax indha indheeya ayaa markii hore weerarka ku macneeyay mid astaan u ah goobta iyo waqtiga, maadaama qaraxa uu ka dhacay xaafad ay ku taallo xarumo ay ku badan yihiin Wasaarado badan iyo xarunta Baarlamaanka oo la filayo in uu furmo kalfadhigiisa cusub maalinta berri ah. Sidoo kale joogitaanka Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo lagu waday inuu khudbad ka jeediyo inta ay socoto munaasabadda, sida ay sheegtay Warbaahinta Turkiga.

Xaaladdan oo kale, cilmi-baaraha xarunta New Turkey, Ali Asmar, ayaa BBC-da u sheegay in ay jiraan laba xaaladood oo suurtagal ah oo ka dambeeya weerarka. Midda koowaad waxay ahayd in xisbiga shaqaalaha Kurdistan uu mas’uul ka ahaa weerarka, iyadoo ay sabab u tahay joogitaanka hawlgallada milateri ee Turkiga ka socda gaar ahaanna xudduudaha Ciraaq iyo Suuriya oo lagu beegsanayo dadka xiriirka la leh xisbiga.

Tan labaad ayu uku sheegay in ay noqon karto carqaladeyn la xiriirta soo laabashada baarlamnka ee berri la filayo in uu furmo kalfadhigooda, iyo ka doodistiisa ku biiritaanka Sweden ee NATO, waa in Turkiga uu joojiyo beegsiga xisbiga, sida uu sheegay Ali Asmar.

Qaraxa Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Turkiga

Asmar waxa uu intaa ku daray in xaalada cakiran ee juquraafiyeed ee ku xeeran dalka Turkiga ay adagtahay in la saadaaliyo cidda sida gaarka u leh mas’uuliyadda weerarka ee xilligan.

Ma ahan weerarkii ugu horeeyay

Caasimadda Ankara ayaa waxaa ka dhacay weeraro badan, gaar ahaan sanadihii 2015-kii iyo 2016-kii, kuwaasoo intooda badan ay fuliyeen dowladda Islaamiga ah ama xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta, kaasoo Ankara ay ku dartay liiska madow ee kooxaha argagixisada ah.

Bishii Oktoobar 2015-kii, weerar ka dhacay afaafka hore ee xarun dhexe oo ku taal Ankara, oo ay sheegatay ISIS, ayaa lagu dilay 109 qof.

Sannadkii 2016-kii, ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay 125 kalena way ku dhaawacmeen qarax baabuur oo ka dhacay bartamaha Ankara, meel u dhow boosteejada ugu weyn ee basaska ee Guven Park, oo ku taal degmada ganacsiga ee Kizilay ee bartamaha caasimadda Turkiga.

Qaraxa Turkiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Weerarkii ugu dambeeyay ee Turkiga wuxuu dhacay markii walxaha qarxa lagu aasay waddo laga dukaameysto oo ku taal Istanbul bishii Nofembar ee sanadkii 2022-kii, markaasoo lix qof lagu dilay 81 kalena lagu dhaawacay.

Xilligaas, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Turkiga ayaa ku eedeeyay xisbiga shaqaalaha Kurdida ee la mamnuucay inay ka dambeeyeen weerarka, wuxuuna sheegay inay xireen 46 qof oo ay ku jirto haweeney Suuriyaan ah oo looga shakisan yahay inay aasaysay waxyaabaha qarxa.