Muxuu yahay jacaylka xad dhaafka ah ee ay farshaxanka u qaaday Jilaa Waris Diiriye?

Waris

Xigashada Sawirka, deutsches-theate

Jilaaga Soomaaliyadda ah ee Waris Dirie ayaa sawiro farshaxan ah ku soo bandhigi doonto tiyaatarka qadiimiga ah ee Deutsches-theater ee waddanka Jarmalka, kadib markii ay waqti ku bixisay sameynta sawir gacmeedyo.

Muuqaal ay sameyneyso sawir gacmeed oo ay ku soo daabacday boggeeda Instgram ayay Waris uga sheekeysay sida ay u jeceshahay farshaxanka.

“Midabada sawiradeyda waxay ka turjumayaan dabeecadda iyo ilayska Afrika. Dabeecaddu waa waxa i dhiirri galiya, iyada ayaan raacaa, markaan raacana waxay ii hugaamisaa naxariis iyo meel aan rabo inaan mar walba ku nagaado” ayay tiri Waris.

“Farshaxanku wuxuu ka turjumaa nabad iyo naxariis si guud. Ma jira cid dareemi karta waxaan dareemo, balse waxaan isku dayaa inaan ku gudbiyo dareenkaas midabada farshaxankeyga,”

Sababta ay u sameyneyso farshaxankaan ayay ku sheegatay inay ku taageereyso haweenka.

Waris

Xigashada Sawirka, deutsches-theate

Sida ay ku baratay farshaxanka

Waris waxay sheegtay inaysan aqoonin sida loo sameeyo sawirada farshaxanka, kuwaas oo la isku sooho midabo kala duwan oo abuura farshaxan xambaarsan sheekooyin iyo muuqaalo nololeed. Cabsi iyo hubanti la’aan ayay sheegtay inay bilowgii haysay maadaama waligeed aysan baran farshaxanka, tababarna aysan u galin, balse waxay sheegtay inay mar walba niyadda ku haysay inay ku guleysan doonto.

“Waligeey buraash gacanteyda xitaa kuma qaban. Wax walba oo aan ahay nolosha ayaa i bartay. Noloshu waa jaamacadeyda. Waxaan rabay inaan arko waxa aan sameyn karo. Ma rabin inaan macalin u tago ama farshaxaniiste. Waxaan rabay inaan iskey u sameeyo sida aan wax walba u sameyn jiray waligeey”.

Iyada oo ka sheekeynaysa khibradeeda cusub ayay sheegtay in mar walba uu isku mid yahay hanaanka loo maro sameynta farshaxanka. Waxay sheegtay marka ay qabsato burushka ee ay bilowdo inay midabada isku waydaariso boorka, in ay dhex gasho duni cusub oo ka kooban mala awaal, cabsi la’aan iyo xoriyad.

“Dareenkaan saddex arrimood uunbaa isiin kara; dabeecadda, musiga iyo farshaxanka".

Waris

Waris iyo hooyadeed

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Tobaneeyo sano ka dib markii ay ka qaxday dalkeeda hooyo ee Soomaaliya, Waris Diiriye oo ah haweeney dharka xayaysiisa isla markaana u olaoleysa ka hortagidda gudniinka fircooniga ah waxay 1990-meeyadii dib ugu laabatay dalka si ay hooyadeed ugu qanciso in ay joojiso gudniinka fircooniga.

Waris ayaa xusaty in sababta ay dalka ugu laabtay xilligaas ay ahayd in hooyadeed oo muddo wadday howlaha gudniinka fircooniga ee gabdhaha ay fahmasiiso dhibaatada uu gudniinkaasi u gaysan karo caafimaadka iyo mustaqbalka gabdhaha.

"Waxay ahayd hawshii iigu horreysay aa aan qabtay markii aan halkaas tagay," ayay tii Waris mar ay BBC-da la hadlaysay.

"Maalin ayaan ku iri, "Hooyo, haddii aadan badbaadin carruurta walaalkay, ama qof aad taqaanid, ama deriska, oo aadan ka hadlin arrintan, Hooyo, waan kuu imaanayaa. Hadda waxaan la shaqeeyaa booliiska Ingiriiska."

Hadalkan ayaa u muuqda mid Waris hooyadeed ku dareensiinaysay in gabdhaha oo fircooni loo guda uu yahay ficil dembi ah, dalalka qaarna qofku muteysan karo xabsi iyo tallaabooyin kale.

Dadka lagu helo inay ku lug yeeshaan ama fududeeyeen gudniinka fircooniga waxa lagu hayn karaa xabsi ilaa 14 sano ah gudaha dalka Ingiriiska.

Dadaal badan oo Waris ay sameeysay kadib ugu dambeyn, hooyadeed ayaa bedeshay howshii muddada dheer soo jirtay ee gudniinka fircooniga ah waxayna qiratay in arrintaasi ay ahayd mid aysan wax badan ka fahamsaneyn marka ay timaaddo dhibaatada uu bado haweenka.

"Ugu dambayntii waxay kor u taagtay gacmaheeda oo waxay ay igu tiri 'i cafi, maan garanayn'."

Waris waxa lagu sameeyay gudniinka fircooniga iyadoo caruur ah oo ay da'deedu ahayd shan jir, ka dibna waxa ay noqotay qof u ololeeya ka hortagga gudniinka.

"Gudniinka fircooniga ah waxaa lagu bartilmaameedsadaa gabdhaha yaryar, gabdhaha dhallaanka ah – ee aan ka dagaalami karin waxa lagu sameynayo,”.

“Marka waa dambi laga galay ubadka, waa dambi ka dhan ah bini’aadantinimada" ayay tiri Waris, iyadoo intaa ku dartay"Waa xadgudub, gabi ahaanba waa dambi, waana inaan joojinaa."