Waris Diiriye: "Hooyadey waxay igu tiri i cafi"

Waris Diiriye

Tobaneeyo sano ka dib markii ay ka qaxday dalkeeda hooyo ee Soomaaliya, Waris Diiriye oo ah haweeney dharka xayaysiisa isla markaana u olaoleysa ka hortagidda gudniinka fircooniga ah waxay 1990-meeyadii dib ugu laabatay dalka si ay hooyadeed ugu qanciso in ay joojiso gudniinka fircooniga.

Waris ayaa xusaty in sababta ay dalka ugu laabtay xilligaas ay ahayd in hooyadeed oo muddo wadday howlaha gudniinka fircooniga ee gabdhaha ay fahmasiiso dhibaatada uu gudniinkaasi u gaysan karo caafimaadka iyo mustaqbalka gabdhaha.

"Waxay ahayd hawshii iigu horreysay aa aan qabtay markii aan halkaas tagay," ayay tii Waris mar ay BBC-da la hadlaysay.

"Maalin ayaan ku iri, "Hooyo, haddii aadan badbaadin carruurta walaalkay, ama qof aad taqaanid, ama deriska, oo aadan ka hadlin arrintan, Hooyo, waan kuu imaanayaa. Hadda waxaan la shaqeeyaa booliiska Ingiriiska."

Hadalkan ayaa u muuqda mid Waris hooyadeed ku dareensiinaysay in gabdhaha oo fircooni loo guda uu yahay ficil dembi ah, dalalka qaarna qofku muteysan karo xabsi iyo tallaabooyin kale.

Dadka lagu helo inay ku lug yeeshaan ama fududeeyeen gudniinka fircooniga waxa lagu hayn karaa xabsi ilaa 14 sano ah gudaha dalka Ingiriiska.

Dadaal badan oo Waris ay sameeysay kadib ugu dambeyn, hooyadeed ayaa bedeshay howshii muddada dheer soo jirtay ee gudniinka fircooniga ah waxayna qiratay in arrintaasi ay ahayd mid aysan wax badan ka fahamsaneyn marka ay timaaddo dhibaatada uu bado haweenka.

"Ugu dambayntii waxay kor u taagtay gacmaheeda oo waxay ay igu tiri 'i cafi, maan garanayn'."

Waris waxa lagu sameeyay gudniinka fircooniga iyadoo caruur ah oo ay da'deedu ahayd shan jir, ka dibna waxa ay noqotay qof u ololeeya ka hortagga gudniinka.

"Gudniinka fircooniga ah waxaa lagu bartilmaameedsadaa gabdhaha yaryar, gabdhaha dhallaanka ah – ee aan ka dagaalami karin waxa lagu sameynayo,”.

“Marka waa dambi laga galay ubadka, waa dambi ka dhan ah bini’aadantinimada" ayay tiri Waris, iyadoo intaa ku dartay"Waa xadgudub, gabi ahaanba waa dambi, waana inaan joojinaa."

Waxaa la sheega ain waxyeelladiisu ay badantahay gudniinka fircooniga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gudniinka Fircooniga ah waa sharci-darro gudaha Boqortooyada Midowday (UK) iyadoo sida uu dhigayo sharciga 2003 sidoo kale waa sharci-darro in hablaha loo qaado waddan kale si loogu sameeyo.

Dadka lagu helo inay ku lug lahaayeen ama fududeeyeen gudniinka fircooniga waxa lagu hayn karaa xabsi ilaa 14 sano ah.

Hooyo 37 jir ah ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee waddanka UK xabsi ku mutaysta gudniinka fircooniga ah.

Haweeneyda oo u dhalatay dalka Uganda ayaa sanadkii 2017 gurigeeda oo ku yaalal bariga London ku gudday gabar ay dhashay oo saddex jir ah.

Waxaa lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah gudniinka awgii iyo laba sano oo dheeraad ah oo ay ku mutaysatay sawirro anshax xummo ah oo ay haysatay.

Garsooraha xukunka ridday ayaa gudniinka fircooniga ah ku tilmaamtay "dembi arxan darro ah oo meel ka dhac ku ah carruurta".