Maxaad ka taqaan maalqabeennada Bilyaneerrada ah 2025 ee ka soo jeeda dadka madow

Maalqabeennada Madow

Xigashada Sawirka, X

Wargayska ka faallooda dhaqaalaha iyo dadka hantida leh ee Forbes ayaa sii daayey liiska bilyaneerrada dunida ee sannadkan, kuwaasoo hantidooda marka la isku geeyo la sheegay inay noqonayso 16.1 Trillion.

Liiska waxaa ku jira 23 qof oo ah dadka madow ama asalkoodu ka soo jeedo Afrika.

Hantida dadka madow marka laisku daro waxay noqonaysaa 96.2 Bilyan, waxayna ka shaqaystaan ganacsiga tiknoloojiyada, tamarta, iyo lacagaha.

1. Aliko Dangote

Hantidiisa: $23.9 Bilyan

Isha hantidiisa: Shamiintada iyo sokorta

Dalka: Nayjeeriya

Aliko Dangote waa aasaasihii iyo maamulaha guud ee Dangote Group, wuxuuna bilaabay geeddi-socodkii lagu dhisay dhismaha lagu sifeeyo saliidda iyo gaasta ee ugu weyn Afrika sannadkii 2013-kii.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ka dib 11 sano, $23 bilyan oo maalgashi ah ayuu warshadda sifaynta saliidda ee Dangote ku sameeyey, waxayna shaqo billowday 2024, taasoo gacan ka geysaneysa kor u qaadista hantida Dangote $ 10.5 bilyan ka dib liiska sannadkii hore.

2. David Stewart

Hantidiisa: $11.4 Bilyan

Isha hantidiisa: Tiknoloojiyada IT

Dalka: Maraykanka

Waa ninka ugu taajirsan Ameerikaanka madow, wuxuuna wax ka aasaasay shirkad weyn oo tiknoloojiyada ka shaqaysa, taasoo ay tan iyo 1990 macaamiil u yihiin Shirkado ay ka mid yihiin Citi iyo Verizon.

Guddoomiye ayuu ka yahay shirkadaas, waxaana u shaqeeya ilaa 10,000 oo shaqaale ah, auadoo soo xaraysa dakhli $20 Bilyan gaaraya sannad kasta.

3. Robert F Smith

Hantidiisa: $10.8 Bilyan

Isha hantidiisa: Ganacsiga hal abuurka leh

Dalka: Maraykanka

Smith ayaa kula wareegay ilaa $100 Bilyan gaaraya, kaasoo ka kooban (hanti iyo maamul) Vista Equity Partners oo ah hay'adda ugu weyn ee qof madow ah u leeyahay ee samaysay maalgelinta Maraykanka sannadkii 2000.

Shirkadda ayaa weli shaqaysa, waxaana u shaqeeya ilaa 700 oo qof, ayadoo ka shaqaysatamaalgashiga, gaar ahaan barnaamijyada Software-ka.

Alex Karp

Xigashada Sawirka, X

4. Alexander Karp

Hantida $10.8 Bilyan

Isha hantidiisa: Shirkadaha gaarka ah

Dalka: Maraykanka

Karp wuxuu wax ka aasaasay, guddoomiyena uu ka yahay Palantir Technologies oo ah shirkad ka shaqaysa tiknoloojiga iyo xogta kombiyuutarrada.

Macaamiisheeda waxaa ka mid ah FBI, Waaxda difaaca Maraykanka, iyo qaybo kale oo ka mid ah xukuumadda Maraykanka.

5. Mike Adenuga

Hantidiisa: $6.8 Bilyan

Isha hantidiisa: ISgaarsiinta iyo shidaalka

Dalka: Nayjeeriya

Adenuga ayaa waxaa u suurto galay inuu sameeyo $1 Bilyan oo doollar markii uu 26 sano jiray.

Dhaqaalihiisa ayaa kor u soo kacay wixii markaas aka dambeeyey ilaa uu ka mid noqday maalqabeennada Afrika ugu taajirsan.

Wuxuu leeyahay shirkadda telefoonnada moaylka ee Globacom iyo Conoil oo ah shirkad shidaalka baarta.

6. Abdulsamad Rabiu

Hantidiisa: $5.1 Bilyan

Isha hantidiisa: Shamiinto iyo sokor.

Dalka: Nayjeeriya

Abdulsamad Rabiu waa aasaasaha BUA Group, oo ah shirkado isu tegey oo ka shaqeeya wax soo saarka shamiintada, sifaynta sokorta iyo hantida ama guurtada ah.

Wuxuu aasaasay shirkadda 1988, ilaa haddana isaga ayaa guddoomiye ka ah.

Wuxuu si gaar ah u taageeraa qaybaha waxbarashada, caafimaadka iyo horumarinta mashaariicda bulshada ee Afrika.

7. Patrice Motsepe

Hantidiisa: $3 Bilyan

Isha hantidiisa: Macdanta

Dalka: Koofur Afrika

Motsepe waa aasaasaha iyo guddoomiyaha African Rainbow minerals oo ah shirkad ka shaqaynsa macdan qodidda, hawshaasna ka qabata Koofur Afrika iyo Malaysia.

Ninkan ayaa sannadkii 2008 wuxuu noqday qofkii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee ka mid noqda liiska Bilyaneerrada adduunka

Dadka kale ee bilyaneerrada ah ee ka soo jeeda dadka madow waxaa ka mid ah Oprah Winfrey oo lacag badan ka samaysay barnaamijyada TVga.

Cayaartoyga LeBron James ee kubadda kolayg acayara, iy fanaaniinta Jay Z iyo Rihanna ayaa iyaguna ka mid ah dadka madow ee bilyaneerrada ah.