Hindiya: Maxay dadka isdila tujaarta ugu badan yihiin?

Nin la ilmeynaya walaalkii oo isdilay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida ay sheegtay waaxda dambi baarista Hindiya (NCRB) sanadki tagay ee 2021-ka oo keli ah dalkaasi waxaa isku dilay dad ka badan 164 kun iyo 33 qof.

Afarti qof oo isdisho mid ka mid ah ayaa ah shaqaalaha muqruqmaalka halka seddexda kale ay yihiin dadka dhaqaala buuran haysta ama maalqabeenka ah.

Warbixin ay waaxda dambi baarista Hindiya soo saartay waxay ku sheegtay 25.6% dadka isdila iney yihiin dadka danyarta ah halka 74.4% ay yihiin dadka maalqabeenka oo nolosha ka quustay.

Warbixintu waxay sida oo kale sheegtay dadki isdilay 2021-ki 4,246 ka mid ah iney haween ahaayeen.

Waxyaabaha warbixinta lagu xusay waxaa ka mid ah iney dadka Hindiya isku dilo intooda badan iney yihiin dad haysta dhaqaala fiican iyo shirkado iyagu ay leeyihiin.

Dadku waxay aaminsan yihiin qofka inuu isdilo iney sanadkiba mar ku dhalato, balse xaqiiqdu sidaa waa ay ka duwan tahay.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay 793,000 oo qof oo dunida ku nool iney qudha iska jareen dadkaasina intooda badan ay rag yihiin.

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shanta dal oo ay dadka ugu badan isku dilaan waxaa ka mid ah Guyana, Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed, Sri Lanka iyo Lithuan

Dalka Britain ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dalalka dadka isdilo ay aad u yar yihiin. Hase yeeshee, isdilka ayaa wuxuu bani aadamka ku yahay halis la mid ah cudurrada dilaaga ee uu caalamka ka qayliyey.

Dalka Australia dumarka isdilo marka ragga la barbar dhigo waxay ka sarreeyaan seddex jibbaar, Mareykankana 3.5, Ruushka iyo Argentina waxay iyaguna ka sarreeyaan afar jibbaar.

Dalka Kenya laftiisa isdilka ku soo badanaya ayaa wuxuu noqday mid aad looga murgo. Dalka Itoobiyana inkasta oo tira rasmi ah aan laga haynin waxaa aad u soo badanaya wararka la xidhiidha dadka isdila. Intooda badanna waa rag.

Dalka Mareykanka oo dhibaatada isdilku ay aad ugu badan tahay ayaa wuxuu aasaasay 'sanduuq' ka hortaga isdilka.

Kuxigeenka madaxa sanduuqa Jeal Harcuv wuxuu yiri "Laga billaabo marki aan billaawnay inaan xogta isdilka uruurinno marweliba wuxuu farqi aad u weyn u dhaxeeyaa tirada ragga iyo dumarka isdilo".

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shanta dal oo ay dadka ugu badan isku dilaan waxaa ka mid ah Guyana, Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed, Sri Lanka iyo Lithuan

Arrinta dadka isdilo ama qudha iska jaro ayaa waxay noqotay mid waddama badan aad looga hadal hayo, sababaha ugu muhiimsan ee isdilka in la darsana waxaa ku gudban caqabado aad u badan.

Tirada ragga iyo dumarka ee dunida ku sii kala fogaaneysana waxay ka mid ah waxyaabaha murugti sii badinayo.

Dumarka laftooda wey isku dayaan iney isdilaan ama qudha iska jaraan balse dalka Mareykanka tirada ragga iyo dumarka isku dayo iney isdilaan farqi badan uma dhaxeeyo hase yeeshee ragga habka ay u doorbidaan iney iisu dilaan ayaa ah mid arxan la'aan ah.

Waxaa sida oo kale dhibaatadaasi sii huriyey siyaabaha qofka uu isku dilo oo si fudud lagu helayo. 10-ka qof ee dalka Mareykanka hubka haysata 6 ka mid ah waa rag taasoo la fahmi karo waxa ka dhalan kara.