Arday mise basaasiin? Dhallinyarada Shiinaha ee ku dhex haftay siyaasadaha Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xiao Chen waxay u tagtay qunsuliyadda Mareykanka ee magaalda Shanghai subaxnimadii Khamiista, saacado un ka dib markii Washington ku dhawaaqday go'aan qallafsan oo ay ku burisey dal-ku-galka ardayda Shiinaha ee waxbarashada u doonanaya Mareykanka.
22 jirkan ayaa ballan ka haysatay qunsuliyadda, waxayna u socotay gobolka Michigan si ay u soo barato cilmiga isgaarsiinta. Laakiin sheeko kooban ka dib waxaa la siiyey diidmo qayaxan, loomana sheegin sababta.
"Waxaan noqday mid jahawareersan oo sidii qori daad wato hadba gebi dhacleyneysa," ayey tiri Xiao oo cabbiray meehannowgii iyo hubanti la'aantii ay dareentay markii loo sheegay in codsigeeda la diddey.
Maadaama ay horay gacanta ugu haysatay warqaddii aqbalaadda jaamacadda, Xiao waxay la ahayd in ay ka bedbaaddey xayiraadda lagu soo rogey ardayda shisheeye, laakiin mar quraya ayey yididiiladii ay qabtay hawada ku bidday.
Markii hore,tillaabada maamulka Donald Trump waxaa loo qaatay mid ku kooban jaamacadda Havard oo xarig-joogsi ka dhexeeyey Aqalka Cad. Laakiin markii ndambe amarka lagu xayiray ardayda shisheeye wuxuu noqday mid ku baahay jaamcadaha Mareykanka oo idil.
Si haddaba ay uga jibo-gaarto yoolkeeda, Xiao Chen waxaa u diyaarsan qorshe labaad. "Haddii aan ka quusto fiisaha. Waxay u badan tahay in aan hal sano u gambado. Ka dibna waxaan eego doonaa bal in ay xaaladdu ka soo reyso sannadka dambe."
Xiao oo sii hadleysey waxay intaas ku dartay in dal-ku-gal oo keliya uusan weli ku filleyn in mareykanka la aado. Sababtoo ah ardaygu isagoo fiise wata sugan ayaa haddana "garoomada diyaaradaha lagu joojin karaa. Runtii waa mid u wada daran ardayda Shiinaha, haddana u kala daran".
Todobaad baas ayey u ahayd ardayda shisheeyaha ah ee wax ka barta Shiina, haba ugu sii darnaadeen kuwa Shiinaha oo tiradooda lagu qiyaaso 280,000 oo arday, ku waas oo dalkooda si gaar ah loogu beegdsaday suyaasaddan cusub ee taliska Trump shaaciyey.
Xoghayaha Amniga Gudaha Mareykanka Kristi Noem ayaa ku eedeeye jaamacadda Harvard in ay "ku daaban tahay Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ka taliya".
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio ayaa isna dhankiisa sheegay in tillaabada ka dhanka ah ardayda Shiinaha ee wax ka barta Mareykanka si gaar ah loogu beegsan doono "kuwa xiriirka la leh Xisbiga Shuuciga ah amase barta cilmi halis ku noqonka danaha Mareykanka".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Tillaabadan ayaa saameyn karta tiro badano oo ka mid ah ardayda, maadaama Xisbiga Shuuciga ay xubno ka yihiin qaybaha bulshada Shiinaha oo dhan, sida mas'uuliyiin, ganacsato, fannaaniin iyo xitaa dadka magaca leh.
Dowladda Shiinaha ayaa go'aanka mareykanka ee lagu beegsanayo muwaadiniinteeda ku tilmaantay " fal ku dhisan faquuq siyaasadeysan," waxayna Wasaaradeeda Arrimaha Dibeddu cabasho rasmi ah u gudbisey Mareykanka.
Waxaa jirey xilli Shiinuhu Mareykanka u diri jirey tirada ugu badan ee ardayda ka timaadda dibedda. Laakiin taasi hadda hoos ayey u dhacday, taas oo ay ugu wacan tahay xiriirka labada dal ee sii xumaanaya. Waxaana xusid mudan in Washington ay maanta wajahayo Shiine ka awood badan sidii hore. Gaara haan dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada casriga ah.
Si kastaba ha ahaatee Trump kuma cusba xarij-jiidka kala dhexeeya Shiinaha oo 2020-kii ayuu soo billaabay xayiraadda ardayda iyo cilmi-baareyaasha Shiinaha, taas oo uu ku micneeyey mid lagu ilaalinayo siraha dhaqaale ii Mareykanka.













