Xiriirka Trump iyo Musk oo ku soo gabagaboobey aflagaado iyo hanjabaad

Xigashada Sawirka, EPA
Xiisada u dhaxeysa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo bilyaneerka teknolojiyadda ee Elon Musk ayaa gaartay heerkii ugu xumaa, waxaana soo afjarmay is-xulufeysigii u dhaxeeyay hoggaamiyaha ugu awoodda badan caalamka iyo ninka ugu taajirsan dunida.
In ka badan hal usbuuc, Musk waxa uu qashinka ku darayay sharciyada uu saxiixay Trump gaar ahaan hindisa-sharciyeeda- kharashaadka .
Maxaa dhacaya marka qofka ugu taajirsan iyo siyaasiga ugu awoodda badan ay isku dhacaan oo ay goradda isla galaan?
Trump wuxuu u hanjabay Musk ganacsigiisa baaxadda leh iyo qandaraasyada uu la leeyahay dawladda federaalka, kaas oo ah halbowlaha nolosha barnaamijkiisa hawada sare ee SpaceX.
"Habka ugu fudud ee aan ku badbaadin karno lacagta miisaaniyadeena, balaayiin iyo balaayiinka doolar dhan, waa in aan joojino kabka iyo qandaraasyada dawladeed ee Elon," Trump ayaa qoraalkaas soo dhigay bartiisa bulshada.
Haddii Trump u rogo mishiinka dawladda ee ka dhanka ah Musk, bilyaneerka ayaa dareemi doona xanuun. Qiimaha saamiyada Tesla ayaa hoos u dhacay 14% Khamiista.
Si kastaba ha ahaatee, maaha waddo hal dhinac ah. Musk waxa uu dhankiisa ku baaqay in Trump xilka laga xayuubiyo, waxa uu ku dhiirraday inuu ku hanjabo dhimidda maal-gelinta shirkadihiisa, waxaana uu ku hanjabay inuu dardar-gelinayo joojinta dayax-gacmeedkiisa Dragon, kaas oo Maraykanku uu ku tiirsan yahay in uu qaado cirbixiyeennada Maraykanka ah iyo sahayda uu geeyo Saldhigga Hawada Sare.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhowr saacadood ka dib, Musk wuxuu ka noqday hanjabaadii uu ku doonayay inuu hawada ka saaro dayax gacmeed muhiim ah oo SpaceX ah oo ay adeegsadaan cirbixiyeennada Mareykanka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Elon Musk waxa uu haystaa ilo aan xadidnayn oo uu kaga jawaabo, tasasi oo ay ka mid tahay in la maalgeliyo tartamayaasha kacdoonka ka dhex-wada xisbiga Jamhuuriga doorashooyinka guud iyo is-reereebka gudaha xisbiga sanadka soo socda.
Gelinkii dambe ee Khamiista, wuxuu sheegay Musk inuu tuurayo "bamka ah runta weyn" - isagoo soo jeedinaya caddayn la'aan in Trump uu ka soo muuqday faylalka aan wali la shaacin oo la xiriira nin horey loogu helay dambiyo la xiriira galmada Jeffrey Epstein.
Musk waxaa laga yaabaa inuusan ku guuleysan dagaalka ka dhanka ah dowladda Trump oo dhan, laakiin wuxuu kaga heli karaa qiimo siyaasadeed - iyo mid shaqsiyeed oo sarreeya Trump iyo xisbig Jamhuuriga.
Trump, oo laga yaabo inuu tan ka warqabo, ayaa u muuqday inuu hoos u dhigay kuleylka muranka xooggan, isaga oo iska ilaalinayay faallooyinka Musk inta lagu gudajiro xaflad lagu qabtay aqalka cad.
Way adag tahay in la qiyaaso in si sahlan hoos logu dhigo heerkulka murankii Khamiistii, si kasta oo la isugu dayo.
Aflagaadada iyo hanjabaadaha hawada la isu mariyay
Khamiistii, mar uu kula kulmay hogaamiyaha Jarmalka Xafiiska Oval, Trump wuxuu si cad uga hadlay niyad jabka uu kala kulmay Musk.
Trump ayaa sheegay, in Musk uu "waalan yahay" islamarkana laga codsaday inuu ka tago maamulka. Waxa uu sidoo kale ku hanjabay inuu jarayo qandaraasyada dowladda ee shirkadaha Musk.
Elon Musk wuxuu si degdeg ah jawaab ugu bixiyay bartiisa bulshada, X, isagoo u sii maraya taageerayaashiisa dhan 220 milyan: "Wax kastoo oo ay haataba". Waxa uu ku adkaystay in Dimuqraadiyiintu aysan ku guulaysan lahaayeen doorashadii sannadkii hore la'aantiis. "mahad-celin la'aanta ayaan la yaabanahay ," ayuu ugu jwaabay Trump.
Maalqabeenka ayaa markaas qaaday weeraro aan kala joogsi laheyn galabnimadii khamiista , waxaana ayna hadaladiisa u muuqdeen kuwa colaad xambaarsan.
Musk ayaa xitaa wuxuu soo jeediyay in Trump xil ka qaadis lagu sameeyo.

Xigashada Sawirka, Reuters
Musk iyo Trump waxay samaysteen isbahaysi xoog badan waxaa uuna bilyan-neerkan uu Trump ka caawiyay hoos u dhigista miisaaniyadda maamulka Trump.
Waxtarka iyo wax-qabadka Waaxda loo dhiibay Musk, ee loo yaqaanay Doge, ayaa noqotay mid ka mid ah sheekooyinka ugu waaweyn ee Trump 100-kii maalmood ee ugu horreeyay, maadaama ay xirtay dhammaan hay'adaha oo ay eriday kumanaan shaqaale dowladeed ah.
Waqti dheer ma aysan qaadan, ka hor inta aysan bilaabmin mala-awaalka goorta - iyo sida - labada shakhsi ee awoodda leh ay u wada-jaanqaadi karaan iyo goorta ay isku dhici doonaan.
In muddo ah, waxa ay u muuqatay in saadaashaasi ay ka baxday maanka dad badan. Trump wuxuu garab istaagay Musk xitaa markii caannimadiisa ay hoos u dhacday, maadaama uu khilaafay mas'uuliyiinta maamulka , waxa uuna furo u noqday dhowr doorasho oo muhiim ah oo dhacay horaantii sanadkan.
Khilaafka soo ifbaxay ayaa yimid ka dib markii Musk todobaadkii hore uu si rasmi ah uga tagay xilkii uu dowladda ka hayay, halkaas oo loo xilsaaray inuu xiddido kharashaadka xad-dhaafka ah ee dowladda.
Ma cadda halka uu ku soo biya shuban doono khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha Mareykanka Donold Trump iyo bilyneer Elon Musk .













