Elon Musk: Lix hadal oo dadka ka yaabiyay oo ka soo yeeray ninka hadda iibsaday Twitter

Elon Musk

Xigashada Sawirka, Getty Images

La wareegitaanka Elon Musk ee Twitter-ka ayaa sababay dood joogto ah oo ku saabsan mustaqbalka madashan - xitaa dawladda Maraykanku waxay muujisay "walaaca ku saabsan awoodda ay leeyihiin warbaahinta bulshada ee waaweyn".

Laakin la wareegitaanka Musk ee goobtan oo ay ku baxday lacag $44 bilyan ah ayaa sidoo kale iftiimisay "taariikhdiisa wax kusoo qoridda twitter-ka" taas oo muran abuuri jirtey markaa kasta oo uu wax soo qoro bilyaneerkan ku dhashay Koonfur Afrika.

A montage of Elon Musk's Twitter account and the Twitter logo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tan iyo markii uu kusoo biiray masraxan 2009, Musk wuxuu inta badan naftiisa soo jiidanayay dhibaato joogto ah, muddo ka badan hal mar ayuuna la kulmay tallaabo sharci ah.

Halkan waxaa ah dib u eegis qaar ka mid ah ama qoraalladii ugu muranka badnaa ee uu Twitter-ka soo dhigay milkiilaha cusub ee Twitter.

Nin Qaab daran

Cave diver Vernon Unsworth posing with a medal awarded to him by the British government in 2019 for his role in the Thai school boys rescue

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sannadkii 2019, Elon Musk waxa uu wajahay maxkamad sumcad dil ah ka dib markii uu qoraal uu Twitter-ka ku soo qoray ugu yeedhay ninka biyaha quusa British-ka ah ee Vernon Unsworth "nin qaab daran" qoraalkaas oo markiiba la tirtiray.

Unsworth waxa uu caan ka noqday caalamka sanad ka hor ka dib markii uu hoggaamiyey dadaalkii lagu badbaadinayay 12 wiil oo da'yar oo ku go'doonsanaa god dhulka hoostiisa ah oo ku yaal Thailand.

Musk waxa uu isku dayay in uu gacan ka geysto hawlgalkaas waxa uuna rabay in uu ku deeqo markab yar.

Taa beddelkeeda, waxa uu dagaal ereyo ah kula galay Unsworth baraha bulshada ka dib markii quusiyaha godku uu diiday dalabkaas, isaga oo ku tilmaamay "buuq raadiye".

Faallooyinka Musk ka dib, Unsworth waxa uu ku dacwayeeyay sumcad-dil, isaga oo ka raadinaya 190 milyan oo doolar Musk, laakiin maxkamad Los Angeles ah, ayaa xukuntay xukun u danaynaya ganacsadaha.

Falcelintiisii Covid-19

Elon Musk wearing a face mask

Xigashada Sawirka, Getty Images

Markii lagu dhawaaqay 'Covid-19' inuu yahay masiibo bishii Maarso 2020, Elon Musk kama uusan fiirsan ereyadiisa markii uu dhaleeceeyay tillaabooyinka sida bandawga - waxa uuna xitaa ugu yeedhay "doqonniimo".

Mid ka mid ah qoraalladiisa ugu caansan ee ku saabsan mowduucaas, oo la soo baahiyey 30-kii Juun sanadkan, Musk wuxuu su'aal ka keenay shuruudaha lagu go'aaminayo haddii qof u dhintay cudurka 'coronavirus' iyo inkale.

In kasta oo la tallaalay, ganacsaduhu wuxuu si cad uga soo horjeestay amarrada tallaalka wuxuuna ka cadhooday ururada Yuhuudda isagoo isbarbar dhigaya Ra'iisul Wasaaraha Kanada Justin Trudeau iyo Adolph Hitler intii lagu jiray mudaaharaadyadii baabuurleyda Kanada ee ka soo horjeeday tallaalka khasabka ah.

Ballansashadiisii Putin

President Putin with the Russian judo team in 2019

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jiray falcelino badan oo xamaasad leh oo ka yimid shakhsiyaadka caanka ah duullaanka Ruushka ee Ukraine, laakiin Elon Musk wuxuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu caansan.

14-kii Maarso, ganacsadahan ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in uu kula loolamayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin dagaal.

"Halkan waxaan Vladimir Putin kula tartamayaa hal dagaal. Sharadku waa Ukraine haddaan guulaysto."

Eedayntii madaxweynaha Maraykanka

President Joe Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Elon Musk waxa uu hantidiisa ka helay ganacsiyo kala duwan oo ay ka mid tahay shirkadda farsamaysa baabuurta korontada ee Tesla, taas oo noqotay hormuudka ganacsiga.

Bishii Janaayo ee la soo dhaafay, bilyaneerka ayaa u muuqday inuu ka xanaaqay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku saabsanaa soo saarista gawaarida korontada ku shaqeysa ee Mareykanka, kaasoo aan Tesla lagu soo hadal qaadin iyo kuwa la tartamaya.

"Biden waa boombale qoyan oo qaab bini'aadmi ah," ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray 27-kii Janaayo.

Dhaawaciddiisii shirkadda Tesla

Elon Musk near a Tesla electric vehicle

Xigashada Sawirka, Getty Images

Elon Musk ayaa dhowr jeer dhibaato kala kulmay saamilayda Tesla iyaga oo uga mahadcelinaya faallooyinka uu ka sameeyay Twitter-ka, kuwaas oo saameeyey lacagtii shirkadda.

Bishii Nofembar ee la soo dhaafay, saamiyada Tesla ayaa hoos u dhacay ku dhawaad ​​5% ka dib markii ganacsadaha uu sameeyay ra'yiururin Twitter ah oo ku saabsan in uu iibinayo qayb ka mid ah saamigiisa shirkadda - sida xaqiiqda ah, 58% xisaabaadka 3.5m ee u codeeyay ayaa u sheegay inuu iibiyo..

Bishii Maajo 2020, Musk waxa uu sababay rabshado intaas ka badan kadib markii uu bartiisa twitterka soo dhigay in uu u malaynayay in saamiyada shirkadu ay "aad u sarreeyeen".Faallada ayaa $14bn ka tirtirtay qiimaha suuqa ee Tesla.

Kii u danbeeyeyna waxa uu ahaa kaftankiisii Coca-Cola

Coca leaves

Xigashada Sawirka, Getty Images

Muranki ugu dambeeysay ee Elon Musk ee Twitter-ka, ayaa yimid ka dib markii uu iibsaday shirkaddan isaga oo abuuray buuq.

28-kii Abriil waxa uu si kaftan ah ugu dhawaaqay qorshe uu ku iibsanayo Coca-Cola si uu kookayn ugu daro cabbitaanka ugu caansan adduunka.

Cabitaanka asalka ah, oo uu ikhtiraacay 1885-kii farmashiistaha Mareykanka ee John Pemberton, waxaa ku jiray oo laga soosaaray caleenta kookaha, xilligaasi kookeynta waxay ahayd mid sharci ah oo qayb ka ah daawooyinka, sida uu sheegay machadka Qaranka ee Xad-gudubka Daroogada ee Mareykanka.

Walaxdaas, si kastaba ha ahaatee, ayaa markii dambe laga saaray cabitaanka kuma ay jirin tan iyo 1929.

Halka qaar ka mid ah taageerayaasha Musk ee 87.4m ay si wanaagsan uga falceliyeen qoraalkaas, qaar kalena waxay dhaleeceeyeen waxa ay u arkeen tixraac daroogo.

Tani ma ahayn markii ugu horeysay ee ganacsadaha uu dhex galo waxyaabo sharci darro ah. Waxa uu si la arkayo ah mar u cabbay marijuana wareysi muuqaal ah oo uu la yeeshay weriye Joe Rogan sanaddii 2018.

Waxaa muqlakaasi looga duubay California wakhtigaas, halkaas oo daroogada ay tahay mid sharci ah laakiin dadka dhaleeceynaya ayaa ku dooday in aysan ahayn muuqaal wanaagsan.