Sideebuu Soomaalida u sameeynayaa mamnuucida safarka ee Mareykanku soo rogay?

Trump

Mamnuucidan ayaa qeyb ka ah dadaal lagu joojinayo muhaajiriinta dalal uu madaxweyne Trump u arko in si weyn ay argagixiso u joogaan.

Waxaa jira dalal kale sida Burundi, Cuba, Laos, Sierra Leone, Togo, Turkmenistan iyo Venezuela kuwaas oo muwaadiniintooda aysan Mareykanka ku imaan karin dal ku gal dalxiis iyo mid ardaynimo.

Xayiraadan waxay kaloo saameyn ku yeelatay dalalka aan laheyn habab ay ku baaraan muwaadiniitooda u safraya Mareykanka hadii ay hore dalkaasi waqti ka badan fiisahooda joogeen.

Waxaa jira shuruudo ku xiran oo hadii ay buuxiyaan u fasaxaya in ay Mareykanka galaan dadka u dhashay dalalka xayiraada la saaray.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay xayiraadan saameyneso. Markii ay soo baxday si degdeg ah ayey uga jawaabeen, waxayna ballanqaadeen in ay wax ka qabanayaan caqabadaha jira.

Sida laga soo xigtay mamulka Trump waxay ku sheegeen sababta liiska ay ugu dareen Soomaaliya in aysan laheyn nidaam dhexe oo si fiican u hubin kara dadka safra iyo in dalka uu yahay meel ay argagixiso deggan tahay.

"Soomaaliya waxay qiimeyneysaa xiriirka soo jireenka ee kala dhexeeya Mareykanka, waxayna diyaar u tahay in ay la gasho wadahadal wax looga qabanayo walaaca la soo jeediyay" ayuu yiri safiirka Soomalaiya u fadhiya Mareykanka Daahir Xasan Cabdi.

Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in liiska dib u eegis lagu sameyn doono, waxaana suuragal ah in lagu daro dalal kale oo dheeri ah. Waa markii labaad uu maamulka Trump soo saaro amar dalal gaar ah looga mamnuucayo in ay dadkooda u soo safraan Mareykanka.

Sanadkii 2017-kii, markii koowaad uu xafiiska yimaaday, ayuu amar kan ka la mid ah soo saaray kaas oo dalal qaar ah dadkooda loogu mamnuucayo in ay yimaadan Mareykanka.

Aqalka Cad waxay ku sheegeen "xayiraadan in ay tahay mid macquul ah" oo ka ilaalineysa dadweynaha Mareykanka khataraha kaga imaanaya dalalka shisheeye.

Kuwa dhaliila siyaasadan ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid lagu "mamnuucayo Muslimiinta" maadama toddo dal oo liiska ku jira ay yihiin dalal Muslimiintu ku badan yihiin, isla markiiba dacwad ayey ka geeyeen dhammaan maxkamadaha Mareykanka

Jawaabta laga bixiyay

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ururka Midowga Afrika oo ay xubno ka yihiin 55 dal ayaa ugu baaqay Mareykanka in ay la yeeshaan wadahadalo miro-dhal ah dalalka ay walaaca ka muujiyeen.

Waxay ka dalbadeen Mareykanka in uu u isticmaalo xaqa uu u leeyahay ilaalinta xuduudahiisa iyo amniga muwaadiniitiisa si dheelitiran oo ku saleysan cadeymo taas oo ka turjumeysa iskaashiga soo jireenka ah ee kala dhexeeya qaarada Afrika.

Qoraalka oo la soo dhigay barta facbook ee midowga Afrika ayey dad badan fariimo jawab u qoreen. Kuwa badan ayaa dhaliilay. Qof watay magaca Musarika ayaa sidan yiri

"Markii la weeraray Libya, ururka waa aamusnaa, waxna ma sameyn. Halkii ay Afrika ka difaaci lahaayeen, waxa uga mudan booqashada Mareykanka" ayuu yiri

Sidoo kale hay'adda caalamiga ee xuquuqda aadanaha Amnesty qeybta Mareykanka ayaa ku tilmaantay go'aanka "mid kala soocid ah, cunsurinimo iyo naxariis daro ay ku jirto", hay'ada ayaa ku tilmaantay tallaabo kale uu qaaday madaxweynaha taas oo looga horjeedo soogalootiga laguna ciqaabayo.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool Muqdisho oo aan weydiinay sida ay u arkaan tallaabadan cusub uu Mareykanka qaaday ayaa muujiyay in ay ka xun yihiin.

"Aniga waxaan dhihi lahaa Trump, iska daa faquuqa aad faquuqeysid Soomaali, Soomaali caalamka ayey ka mid tahay, waana ka fileyneynay hadana kow uma ahan markii horeba sidaa ayuu u faquuqay" ayuu yiri Cabdullaahi Rooble Axmed.

Sidoo kale Qaasim Xaaji Maxamed oo ka mid ah dadweynihii aan la hadlay ayaa u arka in ay keeneyso dhibaatooyin badan.

"Saameyn ayey keeni kartaa, waxaa laga yabaa in dadka Soomaaliyeed ay culeyso la kulmaan, xag amni, mid dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed ayey nagu leeyahay"

Tallaabadan ugu dambeysay ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah.

Go'aanka lagu hakinayo dib-u-dejinta qaxootiga ee Mareykanka ayaa u muuqda mid quus galiyay dad badan oo Soomaali ku jirto, kuwaas oo riyo ay in muddo ah ku taami jireen laga kala dhantaalay.

Xayiraadii uu Trump soo ragay muddo xileedkiisa hore dadkii ay saameysay waxaa ka mid ahaa qaxootiga Soomaalida ee ku jiray xeryaha Kenya. Fardowsa Maxamud Cismaan waxay ka mid aheyd dadkii ay saameysay, waxayna ku nooleyd xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaas oo degaan u ahayd tan iyo markii reerkeedu ka soo qaxeen magaalada Kismaayo sannadkii 1991.