Maxay Iran u beegsaneysaa magaalada istaraatiijiga ah ee Heifa ee ku taalla Israel?

Heifa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Harinder Mishra, oo ah saxafi sare iyo khabiir ku xeel dheer arrimaha Israa'iil, oo hadda ku sugan magaalada Jerusalem, ayaa sharraxaad ka bixiyey muhiimadda ay Haifa leedahay, mar uu waraysi siinayey wariyaha BBC-da laanteeda Hindiya, waxa uu yiri: "Haifa waa magaalada saddexaad ee ugu weyn Israa'iil, magaaladan oo ku taalla waqooyiga Israa'iil, aad bay muhiim ugu tahay marka la eego tirade dadka iyo dhaqaalahaba.

"Shirkadaha tiknoolajiyada sare ayaa sidoo kale dagan magaalada. Hadday tahay Microsoft, Google ama Intel, dhammaan shirkadaha tignoolajiyada waxay xafiisyo ku leeyihiin Haifa," ayuu raaciyay.

"Haifa waxay sidoo kale hoy u tahay warshadda saliidda ee ugu weyn Israel, taas oo ka dhigaysa doorka dhaqaalaha magaalada xitaa mid aad muhiim u ah," ayuu yiri Mishra.

Iran waxay xaqiijisay weerar ay ku qaaday warshada saliidda

Isniintii, BBC waxay xaqiijisay muuqaal muujinaya qiiq ka baxaya warshadda saliidda ee Haifa.

Muuqaalka ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka baxaya goobta ay ku taallo warshadda saliidda sifeysa ee ugu weyn Israa'iil, taasoo muujineysa in muuqaalka la duubay kaddib weerarradii Iiraan.

Kadib waxay raadisay muuqaalo kale oo dhowr meel oo kala duwan laga kala duubay waxaana la barbar dhigay sawirro kale, BBC waxay xaqiijisay in warshadda sifaynta la weeraray.

Ka dib waxa ay BBC du isbarbar dhig ku sameeyay muuqaalada muhiimka ah ee la soo aruuriyay iyo sawirada Google Earth iyo muuqaaladii hore ee aagga laga duubay.

Sida ay ku warramayso warbaahinta Israa'iil, shirkadda Bazan Group oo ah shirkad sifaysa saliidda Israa'iil, ayaa ku dhawaaqday in ay gantaallada Iran ay beegsadeen xilli habeen ah, kuwaas oo waxyeello u geystay dhuumaha qaada shidaalka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kooxda ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in dhaq-dhaqaaqii warshada sifeynta uu wali socdo, balse qeybo kamid ah goobta la xiray.

Marka laga soo tago inay tahay warshad saliid sifaysa, Haifa sidoo kale waa dekedda ugu weyn ee Israa'iil, taas oo kordhinaysa muhiimadda magaalada dhinacyo badan.

"Dekedda Haifa waa mid aad muhiim ah, alaab badan ayaa soo mara oo laga dhoofiyaa lagana soo dajiyaa, haddii aan ka eegno dhinaca taariikhda, xiriirkii ugu horreeyay ee Israa'iil ay la yeelato dunida dibadda waxay ahayd magaaladan," ayuu yiri Harinder Mishra.

Dekedda Haifa waxa la wareegay kooxda Indian Adani Group sannadkii 2023. Mulkiilaha shirkadda Gautam Adani, oo xidhiidh dhow la leh ra'iisal wasaaraha Hindiya Narendra Modi, isla markaana ka mid ah dadka ugu qanisan qaaradda Aasiya, ayaa leh boqolkiiba 70 saamiga dekedda, halka boqolkiiba 30 ka soo hadhayna ay leeyihiin koox ganacsi oo Israa'iili ah.

"Magaaladan, oo ay ku nool yihiin qiyaastii afar boqol oo kun, waxaa loo yaqaanaa mid tusaale u ah wada noolaanshaha," ayuu yiri Harinder Mishra, oo ah saxafi sare iyo khabiir ku takhasusay arrimaha Israel.

Wuxuu intaas ku daray: "Halkan waxaa jooga dad Carab ah oo aad u tiro badan, oo ay ku jiraan Muslimiin iyo Masiixiyiin, sidoo kale waxaa jira goob diimeed Baha'i ah."

Haifa sidoo kale waxay hoy u tahay Xarunta Adduunka ee Baha'I oo ah xarunta Dhaxalka Adduunka ee UNESCO.

Maxaa loo beegsaday Tel Aviv iyo Haifa oo kaliya?

Su'aashaan oo la waydiiyay Harinder Mishra ayaa waxa uu ku jawaabay: "Waxay ila tahay in Iran ay beegsanayso magaalooyinka istaraatiijiyad ahaan iyo dhaqaale ahaanba muhiimka ah, Qudus lama weerarin ilaa maantadan la joogo sababtoo ah waa meel barakeysan oo diimo badan ilaashadaan."

Waxa uu intaa ku daray in inta badan gantaalada Iran ay ku dhaceen goobo ay dad degan yihiin, waxaanu yiri: "Ciidanka Israa'iil waxay sheegeen in inta badan gantaalada la qabtay, laakiin toban ilaa laba iyo toban gantaal ayaa ku dhacay xaafado la deggan yahay, waxayna geysteen khasaare xooggan."

Waxa uu sidoo kale sheegay in magaalooyinka sida Haifa iyo Tel Aviv ay dad badan ku nool yihiin "waxaa loo arkaa laf dhabarta dhaqaalaha Israel."

"Qudus sidoo kale waa meel aad u dad badan, laakiin waxaa ku yaalla goobo diimeed, markaa malaha Iran ma aysan beegsan," ayuu yiri Harinder Mishra, oo ah saxafi sare iyo khabiir ku takhasusay arrimaha Israel.