Toddobadii Mucjiso ee Adduunka ma waxaa beddelay toddobo cusub?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobada mucjiso ee adduunka ee qaddiimiga ah waxaa diiwaangeliyay sahmiyeyaashii Giriiggii hore ee safarrada ku maray boqortooyooyinkii ka jiray dhulka ku hareereysan badda Mediterranean-ka.
Waxay soo ururiyeen liis caanbaxay oo ka kooban mucjisooyinkii qaddiimiga ahaa.
Mucjisooyinkii Qaddiimiga ahaa
1- Ahraamta Giza
2- Beerta Laalaadda ee Baabilyoon
3- Taallada Zeus ee Olympia
4- Macbadka Artemis
5- Dismaha qabriga Halicarnassus
6- Taallada Rhodes
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
7- Musawaca Alexandria
Liiskaas hore waxaa ka badbaaday oo weli taagan Ahraamta Giza oo keliya. Ahraamka oo ku taalla dalka Masar waxaa lagu sheegaa inay tahay mucjisadii ugu horreysay ee dhismaheeda la dhameystiro. Waa tan ugu faca weyn, wuxuuna dhismaheeda qaatay 23 sano.
Inta aynan u gudbin mucjisooyinka cusub ee beddelay kuwaas, aan waxyar ka iftiiminno kuwaas hore iyo waxyaabaha ay u taagan yihiin.
Beerta Laalaadda ee Baabilyoon waxay sheegaan dadka taariikhda falanqeeya inay ku oolli jirtay meel u dhow magaalada Xilla ee gobolka Baabil ee dalka Ciraaq. Waxay baaba’day qarnigii koowaad ee dhalashadii Nebi Ciise (CS) kaddib.
Taallada Zeus ee Olympia waa sanam kursi ku fadhiya, taas oo ay taariikhyahannadu sheegaan inay markii dambe ku burburtay dab weyn oo dhacday. Waxay ku oolli jirtay magaalada Olympia ee dalka Giriigga.
Macbadka Artemis wuxuu ku oolli jiray magaalada hadda loo yaqaan Selçuk ee dalka Turkiga. Waxay burburtay 401 sano dhalashadii Nebi Ciise (CS) kaddib.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Taallada Rhodes waxay astaan u ahayd guul ay magaalada dekedda leh Rhodes ee dalka Giriigga ka dagaal lagu soo qaaday iyo go’doon ay ku jirtay muddo sanad ah. Waxay ku burburtay dhul-gariir dhacay 226 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).
Musawaca Alexandria waxay ahayd musawac haga dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo doonyaha, waxayna ku taallay magaalada Alexandria ee dalka Masar. Waxay ku baaba’day saddex dhul-gariir oo isxigxigay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Toddobada mucjiso ee casriga ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2007, sahan caalami ah oo online ah ayaa la sameeyay. Waxaa looga gollahaa go’aaminta cusbooneysiinta iyo wax-ka-beddelka dhismeyaasha ama taallooyinkii lagu dari karo mucjisooyinka caalamka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Codeynta 100 milyan oo qof ayaa sababtay in lagu dhawaaqo toddobada mucjiso ee casriga ah. Waxay kala yihiin:
1- Gidaarka weyn ee Shiinaha,
2- Chichen Itza (Mexico)
3- Petra (Jordan)
4- Machu Picchu (Peru),
5- Cristo Redentor (Peru). Brazil)
6- Colosseum-ka Rome (Talyaani)
7- Taj Mahal (Hindiya).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Codeyntaas Ahraamta Giza waxay heshay xus-sharafeed.











