‘Magaalo dahabi ah oo luntay’ oo laga helay Masar oo muujinaysa nolosha boqorradii faraacinada ee hore

A new archaeological discovery is seen in Luxor, Egypt

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Magaalada qadiimiga ayaa laga helay meel u dhaw meel u dhaw mid ka mid ah taallooyinka aadka loo yaqaan ee Masar

Soo helista magaaladan 3,000 ee sano jirka ah ee ku dhex aasantay ciida waddanka Masar ayaa helitaankeeda loogu riyaaqay inay tahay mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee la gaaray tan iyo helitaankii qabrigii Boqor Tutankhamun.

Ninka ku caan baxay taariikhda Masar, Zahi Hawass, ayaa Khamiistii shaaciyay helitaanka "magaalada dahabka ee luntay" ee laga helay meesha u dhaw magaalada Uqsur.

Wuxuu sheegay in baaritaankaas lagu soo helay magaaladii ugu weyneyd ee qadiimi ah, ee loo yaqaanay Aten, weligeedna aan laga soo helin waddanka Masar.

Waxaa lagu soo helay usbuucyo uun gudahood markii qoditaankeeda la bilaabay bishii Sibteembar 2020.

Magaalada oo taariikh ahaa la dhisay xilli ku beegnaa xukunkii Amenhotep III, kaas oo ka mid ahaa faraaciintii ugu xoogga badnaa dalka Masar, kaas oo dalkaas xukumi jiray 1391 ilaa 1353 BC.

Magaalada waxaa sii waday in ay adeegsadaan Faraaciintii Ay iyo Tutankhamun, oo qabrigooda ku dhow laga helay Dooxada Boqortooyada oo uu ku taqasusay taariikhaha taariikhiga ah ee Ingiriiska Howard Carter sanadkii 1922.

Betsy Brian, oo ah borofisar ku takhasustay cilmiga Egptology ee jaamacadda Johns Hopkins University ee Baltimore, Mareykanka ayaa ayaa sheegtay"daahfurka magaaladan luntay waa daahfurka labaad ee ugu muhiimsan ee laga helay qabriga Tutankhamun."

Waxay intaasi raacisay "Magaaladuwaxay na siineysaa aragti yar oo ku saabsan noloshii Masriyiintii hore" waqtigaas oo boqortooyadu ay ahayd mida ugu taajirsan.

A new archaeological discovery is seen in Egypt

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waxaa goobta laga helay farshaxan qaali ah, taas oo u dhaw dooxada Boqorrada
A wide shot of an ancient city found near Luxor in Egypt

Xigashada Sawirka, Dr Zahi Hawass on Facebook

Qoraalka sawirka, Magaalada ayaa waxaa la rumaysan yahay in la sameeyay xilli ku beegnaa xukunkii Amenhotep III, kaas oo ka mid ah raggii ugu xukun adkaa faraacinadii Masar

Qoditaankan ayaa waxa uu daaha ka rogay tiro badan oo ah waxyaabihii qadiimiga ahaa ee la helay, sida dahabka, dhoobada midabbada leh, canbaarrada duqsada beenta ah iyo lebennada dhoobada leh ee lagu xidhayo Amenhotep III.

Kooxdu waxay ka bilaabeen qoditaanka daanta galbeed ee magaalada Luxor oo ah meel u dhow Dooxada Boqortooyada, qiyaastii 500 km (300 mayl) koonfurta caasimada Qaahira.

"Toddobaadyo gudahood, kooxda si layaab leh, waxay u soo saareen bulukeetiyo dhoobo ah oo laga arkay jihooyinka oo dhan," Dr Hawass ayaa ku yiri bayaankiisa.

"Waxa ay daah fureen wuxuu ahaa goob magaalo weyn oo xaaladdeeda badbaadin ku wanaagsan, oo leh ku dhowaad derbiyo dhameystiran, iyo qolal ay ka buuxaan aaladihii nolol maalmeedka."

Map: A map showing where Luxor is in Egypt.
Presentational white space
Dr Hawass looking at the sarcophagus of Tutankhamun

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dr Hawass, oo lagu sawiray waxyaabaha taariikhiga ah ee la helay

Hadda, toddobo bilood ka dib markii ay qodistu bilaabantay, dhowr aag ama xaafado ayaa la helay, oo ay ku jiraan, deegaammo kale.

"Hawlgallo badan oo ajnabi ah ayaa ragaadiyay magaaladan waligoodna ma helin," ayuu yiri Dr Hawass, wasiir hore oo ka mid ah waxyaabaha qadiimiga ah.

Waxa uu sheegay in ay sii socoto howsha qadiimiga ah kooxdiisuna ay "rajeyneyso in ay soo bandhigaan qabuuro lama taabtaan ah2.

A picture of a scarab beetle amulet found near Luxor

Xigashada Sawirka, Zahi Hawass on Facebook

Archaeological discoveries are seen in Luxor, Egypt

Xigashada Sawirka, Reuters

1px transparent line

Masar waxay dooneysaa inay horumariso hiddaheeda qadiimiga ah si ay dib ugu soo nooleyso waaxdeeda dalxiiska, ka dib sanado badan oo qalalaase siyaasadeed iyo carqalado uu sababay cudurka faafa ee coronavirus.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Masar waxay soo qaaday haraadiga saldanadihii hore ee dalkooda iyagoo soo marsiiyay Qaahira iyagoo soo maray hab socod taariikhi ah.

Daawashadii quruxda badneyd ayaa lagu arkay 18 boqor iyo afar boqoradood - oo laga soo daabulay Matxafka cusub ee Masaarida kaas oo masaafo 5 km u jira ki hore.

Amenhotep III iyo xaaskiisa Queen Tiye ayaa ka mid ahaa meydadka loo wareejiyay goobta nasashada cusub.