Nin noolaa xilligii Fircoon oo codkiisa dib loo sameeyay

Qoraalka Muuqaalka, Dhageysi qeyb yar oo ka mid ah codka Nesyamun ee dib loo soo saaray oo xaraf-xaraf ah.

Seynisyahanno ayaa fuliyay wixii uu ku haminayay nin xilligii Fircoon ku noolaa Masar - Waxay dib u soo saareen codkiisa iyagoo adeegsanaya qalab macmal ah oo lagu sameeyo xididada codka ee ka soo baxo ee dhuunta.

Codkii Nesyamun ayaa dib loo dhageystay isagoo xarfo keli ah, taas oo ahayd sida wax kala googo'an.

Ninkaas wuxuu noolaa xilligii qalalaasaha siyaasadeed ee Fircoon-kii loo garanayay Ramses XI, muddadii u dhexeysay 1099 iyo 1069 BC oo hadda la qiyaasayo in laga joogo 3,000 oo sano.

Nesyamun wuxuu ahaa wadaadkii Thebes, waxaana loo maleynayaa inuu doonayay in cod adag oo dheer uu yeesho si uu howshiisa u guto sida inuu heeso.

Markii Nesyamun uu dhintay, halkaas ayey howshiisa hadalka ku dhamaatay. Hadda, 3,000 oo sano ka dib, koox cilmi baarayaal ah ayaa isku deyay in ay dib u soo celiyaan.

Waxay adeegsadaan qalab 3D ah oo dib cod ugu daabacaya qalab dhexdiisa iyadoo la adeegsanayo xididada hadalka ee Nesyamun oo si deggan loo cabiray.

Iyadoo la adeegsanayo meesha uu codka ka soo baxo oo lagu xiray qalab macmal ah oo codka dhuunta ka soo saara, ayey sidoo kale isku texeen ereyo la mid ah kuwii uu adeegsaday Nesyamun.

The two halves of 3-D printed Nesyamun's

Xigashada Sawirka, Scientific Reports

Qoraalka sawirka, Meeshan macmaulka ah ee ah meesha uu codka ka soo baxo ee Nesyamun oo laba loo qeybiyay, laguna sameeyay daabacadda casriga ah ee 3D

Waxaa la rumeysan yahay in mashruucan uu yahay midkii ugu horreeyay ee dib loogu soo celiyo codka qof dhintay, iyadoo la adeegsanayo caaqilka macmalka ah. Waxay Cilmi Baarayaasha filayaan in mustaqbalka ay adeegsanayaan kumbuyuutaro lagu sameynayo jumlado dhameystiran oo laga helay codka Nesyamun.

Cilmi Baarista - oo ay sameeyeen khubaro ka socotay jaamacadaha Royal Holloway, London, York iyo madxafka Leeds - waxaa Khamiistii lagu daabacay joornaalka ka warrama arrimaha Seyniska.

Farsamada dib u soo celinta codka "Waxay ina siisay fursad gaar ah oo aan ku maqalno qof mar hore dhintay", ayuu yiri Joann Fletcher oo wax ka qoray cilmi baaristan, kaas oo ka tirsan Jaamacadda York.

John Schofield, oo sidoo kale ka tirsan jaamacadda York, wuxuu BBC u sheegay in "hammigii" Nesyamun uu ahaa in markale codkiisa la maqlo, taas oo qeyb ka ahayd wixii uu aaminsanaa.

"Waxaa lagu qoray naxashkii lagu aasay - waxay ahayd arrintii uu doonayay," ayuu yiri Schofield. "Qeyb ahaan, waxaa ku dadaalnay inaan hammigaas rumeyno."

Sideey ku soo celiyeen codka Nesyamun?

Marka aadanaha laga hadlayo dhuunta waxay leedahay meel uu codka soo maro oo hadal caadi ah ka dhiga. codkaas wuxuu ka soo baxaa qeybta hoose ee dhuunta - waxaana inta badan loo garanayaa sanduuqa codka. Balse waxaan maqalnaa oo keli ah markuu carabka soo gaaro.

Codka laga soo saaray dhuunta Nesyamun, waxaa dib loo geliyay qalabka daabacadda casriga ah ee 3D.

Nesyamun's mummified remains being lifted out of a coffin at Leeds City Museum

Xigashada Sawirka, Leeds Museums and Galleries

Qoraalka sawirka, Haraaga lafaha Nesyamun waxaa lagu soo bandhigay madxafka Leeds ee UK.

Balse, hannaanka dib u soo celinta codka waxaa la sameyn karaa oo keli ah marka uu qofka haraagiisa is haysto weli, ayna adagtahay qeybta uu codka soo maro.

Arrina Nesyamun marka la eego, haraaga meydkiisa si weyn ayaa loo ilaaliyay, wuuna is haystaa, kooxdana waxay arrintaas ku xaqiijiyeen iyagoo adeegsanaya qalabka caafimaadka ee CT scanner yaallo cisbitaalka Leeds.

Tallaabada middan xigta waxay seynisyahannada u tahay in ay "adeegsadaan kombuyuutar si jumlado dhameystiran ay uga dhigaan ereyada laga soo saaray meesha uu codkiisa ka soo baxo", sida uu sheegay Prof Schofield.

Kumuu ahaa Nesyamun?

Nesyamun wuxuu ahaa wadaadkii macbad ku yaallay Amun ee ku yaallay meesha loo garanayay Karnak ee Thebes (oo hadda loo bixiyay Luxor).

Nesyamun being scanned at a hospital in Leeds

Xigashada Sawirka, Leeds Museums and Galleries

Qoraalka sawirka, Nesyamun wuxuu wadaad ka ahaa macbadkii Karnak, ee xilligii hore loo garanayay Thebes

Cilmi baaris ayaa muujineysa in Nesyamun uu u dhintay ilko xanuun iyo xasaasiyad. Waxaa loo maleynayaa in isagoo ku jiray da'dii 50-meeyada uu dhintay ka dib xasaasid xun oo ku kcday.

Nesyamun wuxuu muhiim u yahay taariikhda fog. Baaritaanka seyniska ee lagu sameeyay haraaga meydkiisa wuxuu gacan weyn ka geystay fahamka taariikhda fog ee Masar.

Meydiisa waxaa lagu soo bandhigay madxafk Leeds City ee dalka Britain.