BBC oo daaha ka qaadday carruur tacaddi galmo loogu geysto goobaha macdanta laga qodo ee Koofur Afrika

Koofur Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Mayeni Jones
    • Role, BBC News, Johannesburg

Sheekada waxaa ku jira macluumaad, laga yaabo in dadka qaar ay dhibsadaan.

Waxa ugu naxdinta badan Jonathan, oo ay soo martay lix bilood oo adag oo uu ku noolaa kana shaqeynayay godadka dhulka hoose ee macdanta laga qodo ee Koofur Afrika, waxay ahayd tacaddiga uu arkay markii loo xil saaray carruurta.

Qaar baa loo shaqaaleysiiyaa lacag jaban, balse qaar kale ayaa loo keenaay galmo uun, sida ay sheegeen dadka u ololeeya xuquuqda.

Jonathan, oo ku jira da'da 20-meeyada dambe, ayaa Koofur Afrika kasoo galay dal u dhow isagoo ku yimid ballan-qaad lacag fudud aj oo uu kaga shaqeynayo dhowr goobood oo macdanta laga qodo, oo dalal kala duwan ay iska daayeen sabab la xiriira inaysan gacasi ahaan wanaagsaneyn.

Waanu dhowreynaa ayihiia buuxa maaddaama uu ka baqayo in aargoosi uu uga yimaado burcad dembiyeed dhowr ah oo maamula goobaha macdanta laga qodo sababo la xiriira inuu warbaahinta la hadlay.

Faahfaahinta waxa ay da'yartu mudanayaan ayaa soo shaac bacay kadin geerida dhowr macdan-qode oo ku dhintay meel u dhow magaalada Stilfontein sanadkii hore markii goobta ay xireen booliiska.

Cod deggan, ayuu Jonathan ku qeexay kuleylka, saacadaha dheer iyo cunnada yar iyo hurdada oo saameysay jirkiisa.

Balse xusuuso raad ku reebay ayaa ah waxa ku dhacay carruurta da'da yar ee ku jirtay halkii uu ka shaqeynayay.

"Waxaan ku arki jiray carruurtan gudaha halka macdanta laga qodo - dhalinyaro dhab ahaantii, 15, 17 jir ah.

"Qaar kale ayaa mararka qaarkood ka faa'iidaysan jiray, waxay ahayd wax yara cabsi leh, mana aanan ku qanacsanayn."

Waxa uu sheegay in ay kufsadeen dad qaangaar ah oo macdan qodayaal ah kuwaas oo u ballan qaaday in ay siin doonaan qaar ka mid ah dahabka ay ku beddelanayaan galmada.

"Haddii ilmahaas uu u oomman yahay lacag, wuxuu qaadan doonaa khatarta."

Jonathan wuxuu qeexayaa sida carruurtu ula xiriiri lahaayeen kooxaha macdan qodayaasha si ay u ilaaliyaan laakiin "kooxdaas waxay lahaan doontaa shuruudo".

Galmada sidoo kale waxaa loo isticmaalay ciqaab ahaan haddii dhalinyaradu ay ku guul darraysteen inay dhamaystiraan hawsha kooxdooda.

Jonathan waxa uu sheegay in carruurtii ku jirtay halka macdanta laga qodo ee uu ka shaqaynayey ay dhammaantood ahaayeen ajaanib oo aanay garanayn waxa ay muteysanayeen.

Koofur Afrika

Xigashada Sawirka, AFP

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Baaraha macdanta iyo u dhaqdhaqaaqaha xuquuqda Makhotla Sefuli ayaa tan ku raacsan.

Waxa uu sheegay in kooxaha dambiilayaasha ah ay si gaar ah u beegsadaan carruurta si ay uga shaqeeyaan goobaha macdanta sharci darrada ah ee guud ahaan Koonfur Afrika.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa laga soo afduubaa dalalka dariska oo la tahriibiyaa. Waxa lagu sasabtaa ballan-qaadyo aan sal iyo raad toona lahayn oo ah in laga shaqaaleysiinayo warshadaha macdanta ee rasmiga ah.

"Baasaboorkooda waxaa lagala wareegayaa marka ay Koonfur Afrika tagaan... Waa la wada ogyahay in wiilashan yar yar lagu xadgudbo," ayuu yiri Mr Sefuli.

BBC-da ayaa la hadashay macdan qodayaal ka shaqeynayay ugu yaraan labo kale oo goobaha macdanta sharci-darrada ah, kuwaas oo noo sheegay in ay arkayeen carruur lagu dhibaateynayo godad ay ka shaqeynayeen.

Tshepo, oo aan ahayn magaciisa dhabta ah, ayaa sheegay in uu arkay rag waaweyn oo wiilal yaryar ku qasbaya in ay galmo kula sameeyaan dhulka hoostiisa.

"Mararka qaarkood, waxay u sameeyeen lacagta darteed. Qaar ka mid ah waxaa loo shaqaaleysiiyay kaliya ujeeddadaas, sababtoo ah dhiirigelinta maaliyadeed ee la iman doonta dhaqanka laga yaabo in laga ganacsado galmada dhulka hoostiisa."

Wuxuu intaas ku daray in xadgudubka uu si weyn u saameeyay carruurta.

"Waxay beddelaan hab-dhaqankooda waxayna qabaan fekrado dhanka aaminaadda la xiriira. Ma rabaan inaad u dhowaato iyaga, sababtoo ah waxay dareemayaan inaysan cidna aamini karin."

Warshadaha sharci darrada ah ee Koonfur Afrika ayaa qabsaday dunida sannadkii hore ka dib markii ay isku dhaceen booliiska iyo macdan qodayaasha goobta macdanta dahabka ee Buffelsfontein, oo u dhow magaalada Stilfontein ee gobolka Waqooyi Galbeed.

Dowladda ayaa isku dayday in ay xakameyso macdanta sharci darrada ah, taasoo ay sheegtay in dhaqaalaha Koonfur Afrika uu ku kacay $3.2bn (£2.6bn) dakhligii lumay sannadkii hore.

Waxay bilaabeen hawlgal loogu magac daray Vala Umgodi, ama godka xira, December 2023, iyagoo ballan qaaday inay mowqif adag ka qaadan doonaan burcadda.

Hawlgalka oo qayb ka ah, boolisku waxay xaddideen xaddiga raashinka iyo biyaha ee gaarayay goobta macdanta Stilfontein, sida uu wasiirku sheegay, "si ay qac uga yeerto" macdan qodayaasha sharci darrada ah. Saraakiisha ayaa sheegay in raggan ay diideen in ay soo baxaan iyagoo ka baqaya in la xiro.

Wax yar kadib waxaa soo shaac baxay muuqaal laga soo duubay gudaha miinada oo muujinaya tobanaan rag ah oo rafaadsan oo codsanaya in la badbaadiyo, iyo sidoo kale bacaha meydadka oo taxan. Ugu dambeyntii maxkamad ayaa ku amartay maamulka inay badbaadiyaan raggaas.

Dadka la soo badbaadiyay ayaa waxaa ku jiray kuwo badan oo sheegay in ay da'doodu yartahay, balse maaddaama tiro ka mid ah ay ahaayeen tahriibayaal aan wadan dukumeenti caddeynaya da'dooda, maamulka ayaa sameeyay baaritaanno caafimaad si ay qiyaas u helaan.

Iyadoo taas loo marayo, Waaxda Horumarinta Bulshada (DSD) ayaa xaqiijisay in 31 ka mid ah macdan qodayaasha Stilfontein ee la badbaadiyay laga helay inay caruur yihiin. Dhammaantood waxay ahaayeen muwaadiniin kasoo jeeda Mozambique, iyadoo bishii November, 27 ka mid ah dib loo celiyay.

Save the Children-ta Koonfur Afrika ayaa gacan ka geysatay turjumidda qaar ka mid ah waraysiyada dhex maray macdan qodayaasha da'da yar iyo shaqaalaha samatabbixinta.

"Waxay soo mareen mahadhooyin, sababtoo ah qaarkood waxay sidoo kale arkeen kuwo kale oo si xun looga faa'iidaysanayo," ayay madaxa hay'adda samafalka Gugu Xaba u sheegtay BBC.

"Dareenka ah in aysan meeshaas ka soo bixin ayaa baabi'iyay carruurtaas maskax ahaan.

"Shaqaalaha qaan-gaarka ah waxay sameyn jireen inay is qurxiyaan, iyagoo iska dhigaya inay iyaga jecel yihiin."

Waxay sheegtay in carruurta dabadeed lagu sameeyay falal galmo ah oo ay ku sameeyeen dadka waaweyn ka dibna waa la kufsanayay, maalinba maalinta ka dambeysa.

"Waxaad ogaaneysaa in qofka weyni uu seddex ama afar carruurta ka mid ah ay heysan jireen oo ay ku sameynayeen wax la mid ah."

Ms Xaba ayaa sheegtay in kooxaha macdan qodista ay askareeyaan carruurta sababtoo ah way fududdahay in la sasabto waana ka jaban yihiin.

"Carruurtu ma fahmaan marka aad tiraahdo: 'Waxaan ku siin doonaa 20 rand ($ 1; £ 0.80) maalintii." Dadka waaweyni mararka qaarkood way diidaan inay shaqeeyaan, laakiin carruurtu ma haystaan ​​ikhtiyaar, markaa way fududdahay in la isticmaalo ilmo si uu u qabto shaqada. Way fududdahay in lasoo kaxeeyo cunug cod la'aan ah si halkaas loo geeyo."

Marka laga soo tago in dhaqaale ahaan looga faa'iidaysto, waxay sheegtay in ay jiraan kooxo burcad ah oo carruurta si gaar ah ugu qora galmada.

Qaar badan oo ka mid ah macdan qodayaasha sharci darrada ah waxay ku qaataan bilo dhulka hoostiisa ah, oo dhif ah inay bannaanka u baxaan. Suuqyadu waxay ka soo baxaan dhulka hoostiisa si ay uga helaan wax kasta oo ay u baahan yihiin.

"Carruurta intooda badan waa la kala iibsadaa si loogu isticmaalo addoomo galmo ah, waxaadna haysataa nin tuug ah oo lacagta qaata, waxayna ka dhigan tahay maalin kasta ilmahan waxaa loo isticmaalaa galmo ganacsi ah."

BBC-da ayaa booliiska iyo DSD waydiisay in cid lagu soo oogi doono eedaha xadgudubka galmada. Ma aysan ka jawaabin codsiyadeenna.

Il laga soo xigtay kiisaska macdan qodayaasha Stilfontein ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah carruurta aysan dooneynin inay marag furaan.

Dhanka kale, warshadaha macdanta sharci darrada ah ayaa sii wada inay sii bullaalaan.

Iyo iyada oo lagu qiyaasay 6,000 oo goobaha macdanta ee bannaan oo suurtagal ah in la sahamiyo, waa ganacsi aan loo badnayn in uu dhammaado waqti dhow, taas oo ka tagaysa kumannaan carruur ah oo nugul.