Doorashada Koonfur Afrika: Ma guuleysan doonaa xisbiga ANC mise loollan adag ayuu la kulmi doonaa?

Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ol'olaha doorashada Koonfur Afrika

Iyadoo la adeegsanayo hal kudhigga ah ‘’waa guuleysanaynaa’’ ayuu xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika waxa uu soo gabagabeeyay isu soo bixiisii ugu dambeeyay ee ol’olaha doorashada Sabtidii, isagoo haysta rikoorka ah in todobo jeer oo xiriirra uu talada wadankaas qabtay.

Laakiin waxay u muuqataa in xisbigu sidii hore aanu u guuleysan doonin doorashadan.

Marka laga reebo boorrarka tayadoodu liidato iyo garamada ay xirnaayeen, taageerayaasha xisbigu waxay ku guuldareysteen in ay buuxiyaan garoonka kubadda cagta ee taariikhiga ah ee magaalada Soweto oo kuraastiisu dhan tahay 90,000 oo kursi.

Ra’yi ururinta doorashada ayaa sheegeysa in xisbiga ANC uu weyn doono aqlabiyaddiisa barlamaanka markii ugu horreysay tan iyo markii uu soo dhammaaday xukunkii caddaanka laga tirada badan yahay 30 sano kahor, iyagoo cod bixiyayaashu taasi uga jawaab celinaya musuqa baahay ee dawladda dhexdeeda ka jiraiyo shaqo la’aanta heerkeedii ugu sareysay gaartay.

Sidaas oo ay tahayna, marka la eego tirada ka qayb galay isu soo baxa oo u dhaxeysay 60,000 illaa 70,00 ayaa ahayd mid lala yaabo, wuxuna Mr Ramaphosa uu uga dhawaaqay in xisbigiisu u diyaarsan yahay ‘’guul la taaban karo’’ doorashada Arbacada dhacaysa.

Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, Nomsa Maseko/BBC

Qoraalka sawirka, ANC iyo hogaamiyaheedii hore ayaa ku loolami doona doorashada

Qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga ANC ayaa watay naxashyada xisibiyada mucaaradka oo uu ku jiro kii uu sameystay dhawaan Madaxweynihii hore Jacob Zuma ee Mkhonto weSizwe.

‘’Zuma waa khaa’in weyn,’’ sidaa waxa BBC-da u sheegtay Manelisi Zulu.

82 jirkan horey u soo noqday Madaxweynaha ayaa dhabarka ka wareemay xisbiga ANC markii uu isaga baxay bishii Diiseembar, kuna dhawaaqay in uu sameystay xisbi kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Manelisi Zulu waxay sheegtay in xisbiga Zuma aanu wax mustaqbal ah lahayn ‘’maanta waxan qaban doonaa tacsidiisa. 29 May, ayaana aasi doonaa.’’

Ra’yi ururinta doorashada ayaa bixisay sawirro kala duwan, waxay sheegaysaa in xisbiga MK uu heli karo codad u dhaxeeya 8% iyo 13% doorashada guud, taasoo ka hor istaagi doonta ANC in ay aqlabiyad ku yeelato barlamaanka.

Waxa suurtagal ah in xisbigu noqdo kan ugu weyn gobolka uu ka soo jeedo Zuma ee KwaZulu-Natal, soona gabagabeyso aqlabiyaddii badanayd ee uu muddaba ku lahaa xisbiga ANC.

Isagoo taa og ayuu Mr Ramaphosa waxa u weerar afka ah ku qaaday ninka uu bedalay isagoon magac dhabin.

‘’Kuwii awoodi waayay in uu xisbiga ANC cusboonaysiiyo ayaa naga tagay,’’ ayuu yiri.

Ramaphosa ayaa intaa ku daray in lacagtii la xaday intii xukunka la joogay – waa eray bixinta ay isticmaalayaan muwaadiniinta reer koonfur Afrika si ay u qeexaan musuqii weynaa ee dhacay xiligii Zuma – waxa soo celinaya hay’addaha sharci fulinta – iyo isku dayo ‘’khayaano’’ iyo burburin waaxyaha canshuuraha oo la ‘’joojiyay.’’

Ramaphosa waxa kale oo uu intaa ku daray ‘’dadku waxay noo sheegeen in ANC uu yahay ururkoodii. Waxay noo sheegeen in ay jecel yihiin ANC. Waxay noo sheegeen in aanay ogaalan doonin in ururkooda ay xadaan dambiilayaal iyo kuwa ka soo horjeeda kacaanka.’’

Laakiin Madaxweynaha laftigiisa ayaa la kulmay fadeexad weyn 2022-kii, kaddib markii ay soo baxday in lacag gaaraysa $580,000 oo kaasha uu ku qarsaday beertiisa ciyaarta, markii dambena lacagtaasi ay dhaceen koox burcad ah.

Koox khubarro sharciga ah ayaa loo magacaabay in ay daadihiyaan dacwad xil ka qaadis lagu sameyn lahaa Ramaphosa, laakiin xisbiga ANC ayaa hor istaagay isagoo ka faa’ideysanaya aqlabiyadda uu ku leeyahay barlamaanka.

Mr Ramaphosa ayaa iska diiday in uu wax qalad ah sameeyay, halka baritaano kala duwan la furay – waxana ku jiray mid uu sameeyay dacwad oogaha guud ee Koonfur Afrika – waana lagu bari yeelay. Si kastaba ha ahaatee, boolisku illaa hadda daaha kama rogin natiijada ka soo baxday baaristooda.

Intii uu socday isu soo baxa weyn, taageerayaasha xisbiga ANC waxay meesha ka saareen eedeymaha la xiriirra lacag dhaqidda ee ka dhanka ah madaxweynaha.

‘’Waxay ahayd faji loo dhigay Mr Ramaphosa si uu ugu muuqdo qof xun. Isagu waa madaxweynihii ugu wanagaasanaa ee aan helno,’’ ayay BBC-da u sheegtay Thando Matidza oo ku adkeysatay in uu xididdada u siibi doono musuq xisbiga gudihiisa ka jira.

Koonfur Afrika

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa doonaya in mar labaad la doorto

Ra’yi ururin la daabacay bishii hore ayaa muujinaysa in musuq maasuqu yahay arinta labaad ee ugu weyn ee ay welwelka ka qabaan dadka Koonfur Afrika, marka laga soo tago maqnaanshaha korontada oo marrarka qaarkood uga tagta guryaha iyo goobaha ganacsiga koronto la’aan muddo 12 saacadood ah maalintii.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto koronto go’day ku dhawaad labo bilood oo xiriirra illaa hadda, taasoo keentay in dadka dhinaca aan wanaagsaneyn wax ka eega ay ku sheegaan mid xisbiga ANC ku doonayo in uu indhaha uga leexyo dadka inta ol’olaha doorashada uu socdo – marka doorashadu dhamaatana ay go’i doonto korantadu.

Ramaphosa ayaa sheegay in hadda xarumaha korontada ‘’si wanaagsan loo dayactiray’’, iyo ‘’shaqo wanaagsan’’ oo la qabtay si loola falgalo dhibaatada dhinaca tamarta ah oo la ‘’dhameystiri doono’’ muddo xileedka soo socda ee ANC.

In kastoo dhibaatooyin badan ay wajahayso Koonfur Afrika – sidoo kale waxa jira biyo yari iyo xaaladda wadooyinka iyo kuwa tareenada oo sii xumaanaya – laakiin ANC waxay baaqi ku sii ahaan doontaa xisbiga ugu weyn, xitaa haddii uu ku guuldareysto in uu ka gudbo 50%.