Daawo cusub oo horudhac ah oo suurtagal ay tahay in lagu daaweeyo baralayska ka dhasha qoorta jabta

Kooxda caafimaad ee hindistay teknolojigan ayaa raadinaya fasax sharciyadeed oo ay ku daaweyn karaan dadka baralayska noqda gudaha isbitaalada Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kooxda caafimaad ee hindistay teknolojigan ayaa raadinaya fasax sharciyadeed oo ay ku daaweyn karaan dadka baralayska noqda gudaha isbitaalada Maraykanka.

Melanie Reid waxay muddaba ka cabanaysay dhibaato ka haysatay gacanteeda bidix kaddib markii ay qoorta ka jabtay shil ku saabsan faras ay ka dhacday 14 sano kahor.

Hadda waxa u suurta gashay in gacanteeda bidix u isticmaasho kuna rogrogto taleefankeeda caaqilka ah, isla markaana ay isaga furto suunka gaariga, kaddib markii daaweyn cusub oo horudhac ah lagu sameeyay iyadoo la isticmaalayo aalad leh danabyo koronto.

Waxa la rumeysan yahay in daaweyntan la isticmaalay danabyada korontada oo ay barbar socoto daaweyn dabiici ah ay soo celisay dhaqdhaqaaqa shakhsiyaad baralays noqoday kaas oo ka dhashay qoorta hoosteeda oo ay ka Jabeen. Waxayna muujinaysaa cilmi baaris lagu sameeyay illaa 60 bukaan in 43 kamid ah ay soo hagaagtay adeegsiga gacmahooda.

Kooxda caafimaad ee hindistay teknolojigan ayaa raadinaya fasax sharciyadeed oo ay ku daaweyn karaan dadka baralayska noqda gudaha isbitaalada Maraykanka.

Adeegsiga habkan daaweynta ah ayaa la isticmaalayaa aalad leh danabyo koronto oo lagu dhajiyay halka xanuunku ka jiro. Danabyo koronto oo xoog leh waxay horumarin karaan qulqulka maskaxeed ee fariimaha u diraya gacanta, iyagoo u sii marsiinaya neerfaha. Laakiin xaaladda Melanie, fariimaha maskaxdu u diraysay gacmaha daciif ayay ahaayeen sababo la xiriirra dhaawaca dhabarka ka gaaray.

Melanie Reid
Qoraalka sawirka, Melanie Reid mar kale ayay gacanteeda bidix adeegsatay kaddib 14 sano markii ay qoorta ka jabtay

Melanie oo ah weriye 67 jir u shaqeysa wargeyska The Times of London ayaa noqonaysa bukaankii ugu horreeyay ee farsamadan cusub lagu dayo.

Waxana marki hore adkaa in ay dhaqdhaqaajiso gacmaheeda iyo faraheeda, gaar ahaan gacanteeda bidix gabi ahaanba. Muddo labo bilood ah ayaa lagu xirayay aaladdan wadata danabyada korontada, waxana u dheeraa daaweyn dabiiici ah oo balaaran.

Waxay daaha ka rogtay in tani ka caawisay wax xoogaa ama joogta ah in ay horumar sameyso dhaqdhaqaaqa gacanteeda, taasoo wax weyn ka badashay nolosheeda maalin laha ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

BBC-da ayay u sheegtay ‘’waxa ii suurtagashay in suulka gacantayda bidix isaga furo suunka gaariga, waxana aaminsanahay in aan awoodo in aan ku qaadi karo koob kafee ah, waxan ku qaadi karaa waxyaabo yaryar.’’

In kastoo inta badan dadkii tijaabada lagu sameeyay ay xaaladdoodu soo wanaagsanaatay haddana waxa mustaxiila in aan niraahno illaa hadda, muddo intee la eg ayay sii socon kartaa soo hagaagiddan, marka bukaanku aanu wadan aaladdan danabeysan iyo sida danabyada korontada iyo jimicsiga jireed ay uga sii qayb qaadan karaan horumarkan.

Professor Robert Brownstone oo ah dhakhtar qaliin iyo macalin cilmiga neerfaha ka dhiga Jaamacadda College London, isla markaana aan ku jirin cilmi baaristan ayaa yiri ‘’marka aad qof ku sameynayso daraasad, dareen badan aad siineyso bilo dhawr ah, waxa jiraya xoogaa horumar ah.’’

Waxa uu sharaxay marka laga soo tago jimicsiga jir ahaaneed ee bukaanka loo sameynayo, dareenka rajada iyo taageerada ka imaanaysa kooxda la daaweynayo ayaa sameyn karta farqi.

Habka daaweynta korontada
Qoraalka sawirka, Waxa suurtagal ah in habkan daaweynta korontada uu gacan ka gaysto dhaqdhaqaaqa gacanta

Melanie waxay sheegtay in arimaha qaar kaliya ay gacanteeda ku sameyn karto marka ay shidan tahay aaladda ku rakiban ee bixinaysa danabyada koronto, sida marka ay wajiga mayranayso iyo qaadista alaabaha laakiin waxay dareentay in habka daaweyntan ay xoojisay awoodeeda.

Waxay intaa ku dartay ‘’ma awoodo inaan u celiyo dhammaan horumarka aan sameeyay aalada wadata danbayda korontada ee la igu rakibay laakiin waxan dareemayaa in ay soo dadajisay horumarkaas, siina xoojisay’’.

Melanie waxay rumeysan tahay in dhaawacyada laf dhabarta aanay mucjiso ku jirin laakiin aaladdan ay awooddo in qofka baralayska noqda u ogolaato in uu gacantiisa kor u qaado oo cuntada afkiisa galiyo ama uu cabitaan kor u qaato, taas oo mustaqbalkiisa wax ka badali doonta.

Aaladdan danabeysan waxa horey loogu adeegsaday dadka baralayska ku noqday dhawaacyada dhabarka ka soo gaaray si ay uga caawiso in ay markale socdaan.

Waxay muujisay in bukaannada qaba dhawaacyada laf dhabarta ay xaaladdoodu soo hagaagto kaddib dhaawaca gaaray. Bukaanadda loo xushay daraasaddan waxay isku jiraan kuwo shilku ku dhacay sanad kahor, iyo kuwa uu qabsaday 34 sano kahor, waxana yaraa amaba aan jirin horumar muuqda oo ku yimid xaaladahooda kaddib daaweynta hore.

Mariel Purcell oo ah agaasimaha waaxda cilmi baarista iyo hal abuurka dhaawacyada laf dhabarta ee jaamacadda Queen Elizabeth ee Glasgow ayaa daaweyneysay Melanie tan iyo markii ay shilka gashay 14 sano kahor.

Iyada iyo unugeeda ayaa lagu martiqaaday in ay ka qayb qaataan cilmi baaristan maadaama ay yihiin hormuudka xarumaha daraasaddan oo kale sameeya.

Waxay sheegtay in horumarkan oo kale aanay horey u arkin, gaar ahaan bukaanadda mudda dheer xanuunsanaa.

‘’Hadda, ma jirto daawo ama aalad la meel mariyay oo faa’iido caafimaad u leh bukaanka,’’ ayay tiri.

Danabyada Korontada
Qoraalka sawirka, Danabyada korontada ayaa xoojinaya fariimaha maskaxdu u dirayso nerfayaasha, waxayna ka caawisaa dadka baralayska noqday in dhaqdhaqaaq sameeyaan

Aaladdan danabeysan waa horumarkii ugu dambeeyay ee ay sameysay kooxdan reer Swiss oo uu hoggaaminayay Professor Gregoire Courtin oo ka tirsan shaybaarka daraasaadka caafimaadka ee Lausanne.

Illaa hadda kooxdan waxay ka caawiyeen illaa 26 bukaan oo qabay dhaawacyo laf dhabarta ah, wixii qoorta ka hooseeya in ay dib u socdaan, iyagoo adeegsanaya aaladdo qaliin lagula rakibay laf dhabarta, laakiin wali aaladdan waxay ku jirtaa tijaabo sheybaar.

Habkan cusub oo aan u baahneyn wax qaliina ayaa sidoo kale ah dadaalkii ugu horreeyay ee kooxdan daawo ugu helayaan dadka qoorta ka jaba, kuwaas oo lumiya awooda ay gacmahooda ku dhaqdhaqaajin karaan.