Wararkii ugu dambeeyay ee toogasho ka dhacday dugsi ku yaalla Minneapolis

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Ana Faguy
- Role, BBC News
FBI-da Maraykanka oo ayaa baadhaysa toogasho ka dhacday iskuul ku yaalla Minneapolis oo ay ku dhinteen 2 caruur ah, 17 kalena ay ku dhaawacmeen. Waa dhacdo lagu tilmaamay dambi nacayb ka dhan ah Catholic-ga, sida ay sheegtay FBI-du.
"FBI-du waxay u baadhaysaa toogashadan oo ah fal argagixisanimo gudaha ah iyo dembi nacayb oo ka dhan ah Catholic-ga," ayaa uu yidhi Agaasimaha FBI-da Kash Patel oo qoraal uu soo dhigay barta X.
Labada carruurta ah ee dhintay ayaa da'doodu kala ahayd 8 iyo 10 jir, waxaanay geeriyoodeen markii uu ninka weerarka soo qaaday uu rasaas kaga furay daaqadaha Kaniisad ku taalla magaaladaasi, Subaxnimadii Arbacada xilli ay carruurtu dabaaldegyo samaynayeen.
Ninka weerarka geystay oo ku dhintay isla goobta ayaa sheegaya in uu is dilay, ayaa mar dambe booliisku waxay magaciisa ku sheegeen Robin Westman oo 23 jir ah.
Baadari Leo XIV, oo ah baadarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah ayaa ka mid ahaa dadka tacsida u diray eheellada dadkii dhacdadaasi ku waxyeeloobay, isagoo sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka dhacay.
Taliyaha Bilayska oo la yidhaahdo, Brian O'Hara oo isna la hadlay warfidiyeenka ayaa yidhi: "Tani waxay ahayd fal ula kac ah oo lagula kacay carruur aan waxba galabsan iyo dadka kale ee cibaadaysanaya."
"Arxan-darrada iyo rasaasta fulaynimada ah ee lagu riday kaniisad ay caruur ka buuxaan waa wax aan la fahmi karin," ayuu yidhi.
Mar wax laga weyddiiyey hadalka Patel, waxa uu sheegay in Waaxda Bilayska Minneapolis ay hormuud ka tahay baadhitaanka iyagoo taageero ka helaya hay'adaha federaalka – ayna ka daba tagi doonaan caddeymaha meel kasta oo ay la gasho.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Maamulka ayaan weli soo saarin sababta rasmiga ee loo malaynaayo in uu weerarka ay ku riixday ninkaasi.
Booliisku ayaa la sheegay in ay heleen wicitaanno toogasho wax yar ka hor 08:00-dii suabaxnimo, wakhtiga maxaliga ah, maalintii Arbacada.
Ninka weerarka geystay ayaa ku soo dhawaaday dhanka kaniisadda oo uu ku dhex yaallo iskuul sidoo kale waxa uu tobannaan xabadood ka riday daaqadaha isaga oo adeegsanaya laba qori iyo Bastoolad. Booliska ayaa sidoo kale goobta ka helay bam qiiq ah.
Saraakiisha ayaa baadhaya in ay rasaastu ay ka dhacday gudaha kaniisadda iyo in ay ahayd mid bannaanka dhismaha ka soo dhacaysay, iyagoo xusay in aan wax rasaas ah laga helin gudaha.
"Waxaan maqlayay dhawaqa rasaasta" PJ Mudd, oo ku nool meel u dhow kaniisadda subaxnimadii Arbacada, ayaa u sheegay Wall Street Journal. "Waxa markiiba igu soo dhacay in waxa socdaa ay toogasho ahayd."
Waxa uu sheegay in uu u orday dhinaca kaniisadda oo uu ku arkay saddex qasnadaha rasaasta ah oo ah oo dhulka yaalla.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Image
Wiil 10 sano jir ah oo ka badbaaday weerarka ayaa u sheegay CBS ee wada shaqayn ay la dhaxayso WCCO in saaxiibkii uu ka badbaadiyay rasaasta dhacday.
"Waxaan kala fadhinnay laba kursi oo ka fog daaqadda dhalada ah," ayuu yidhi. "Saaxiibkay, Victor, ayaa i badbaadiyay, sababta oo ah dhulka ayuu igu legday, laakiin isag jug ayaa soo gaadhay."
Kaniisadda Annunciation, oo ku taal xaafadda koonfurta Minneapolis, waxay wax u bartaa ardayda da'doodu u dhaxayso 5 ilaa 14 sano.
Hooyada dhashay ninka weerarka geystay, Mary Grace Westman, ayaa hore uga shaqaynaysay dugsiga, sida lagu sheegay wargays yar oo dugsiga ka soo baxa, sannadkii 2016. Qoraal la soo dhigay Facebook ayaa lagu sheegay in ay ka fadhiisatay shaqada sannadkii 2021-ka.
Booliisku waxay heleen qoraal la muddeeyay oo ah in Westman uu ku daabacay internetka xilliga toogashada.
Badhasaabka Tim Walz ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump iyo kooxdiisu ay muujiyeen "tacsi mug weyn" oo muujinaysa sida ay uga xun yihiin, islamarkaana ay gargaar u fidiyeen.
Waxa uu sheegay in xaaladdu ay tahay "hadda mid caadi ah, isaga oo intaa ku daray in uu rajaynayo in tan oo kale aanay dhici doonin mustaqablaka.
Trump ayaa markii dambe sheegay in calanka Mareykanka ee sudhan Aqalka Cad hoos loo dhigi doono si murugada loo la qaybsado dhibbanayaasha.











