Maxay tahay cunaqabataynta cusub ee la saaray Iiraan?

.

Xigashada Sawirka, EPA

Dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa ku dhawaaqay cunaqabatayn hor leh oo lagu soo rogayo Iiraan ka dib markii ay Ruushka siisay gantaallada balaastikada ah, kuwaas oo loo isticmaalo Ukraine.

Tallaabooyinkan cusub, ayaa lagu dhawaaqay xilli Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken uu booqasho ku imaanayo London.

Waxaana ay arrintani ka mid tahay xannibaado la saarayo awoodda shirkadda Iran Air ay ku tagi karto UK iyo Yurub.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in gantaallada Iiraan loo adeegsaday in lagu garaaco bartilmaameedyada rayidka ee Ukraine.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK David Lammy ayaa sheegay in shirkadda duullimaadka ee Iiraan ay calaamad u tahay "kor u kaca khatarta ah" waxaana dalkaasi u oggolaaday Ruushka "inuu huriyo duullaanka sharci darrada ah ee Ukraine".

Iiraan waa in ay joojisaa ku taageeridda [madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin] ee weerarrada bahalnimada ah ee uu ku hayo dal dimuqraadi ah oo madaxbannaan," ayuu Mr Lammy ku daray.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sidoo kale bogaadiyay tallaabooyinkan, isaga oo sheegay in gantaallada loo adeegsaday in lagu duqeeyo bartilmaameedyada rayidka ee Ukraine ka dib ay ahaayeen kuwo laga keenay Tehran.

Waxa uu intaa ku daray in shaqaalaha Ruushku ay tababarro ka heleen ciidammada Iran, tababaradaas oo ku saabsanaa sida ugu habboon ee loo isticmaalo gantaalladan.

Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sidoo kale ku dhawaaqay cunaqabateyn gaar ah oo lagu soo rogay dhowr qof oo muhiim ah oo ay ku sheegtay inay si weyn ugu lug lahaayeen saadka gantaallada, oo uu ku jiro Brig Gen Seyed Hamzeh Ghalandari oo u dhashay Iran oo isagu maamula bixiyana ammaradda wax soo saarka difaaca ee waddanku uu ugu dhoofiyo saaxiibadiisa caalamka.

Shan markab oo kuwa xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Ruushka ayaa iyana sida oo kale lagu soo rogay cunaqabatayn, iyaga oo loo haysto in ay sahaydaas militari ka soo qaadeen dalka Iiraan, inkasta oo ay UK sheegtay in digniinno isdaba joog ah ay ka bixiyeen hawlahan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xidhiidhka labada dal ee Ruushka iyo Iiraan, ayaa haatan waxaa kusoo kordhay iskaashi difaac oo dhammaystiran, sida uu sheegay Maraykanku.

Ruushka ayaa waxa uu siinayaa taageero militari oo aan horay loo arag dowladda Iiraan, ayuu yiri afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, John Kirby.

Dowladda Maraykanka ayaa waxey heshay warbixinno sheegaya in labada dal ay ka fikirayaan, inay si wadajir ah u soo saaraan diyaaradaha wax gumaada, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Iskaashiga u dhexeeya Ruushka iyo Iran, ayaa si weyn usoo shaac baxay dhawaan, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inay weerarradeeda u adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.

Iiraan ayaa markii hore beenisay inay wax diyaarad ah u dirtay Ruushka, balse markii dambe waxay qiratay inay siisay qaar, ka hor inta aan lagu qaadin duullaanka dalka Ukraine.

Ukraine ayaa waxay ku eedaysay Iran inay siisay Ruushka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee "Kamikaze" ee loo adeegsaday weeraro xiriir ah, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof 17kii Oktoobar.

Iiraan ayaa markii hore beenisay arrintan, laakiin markii dambe waxay qiratay inay "tiro xaddidan" u dirtay Ruushka "bilo kahor" inta aanu bilaaban duullaanka lagu ekeeyey dalka Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in arrintaasi ay been tahay, isla markaana Ukraine ay soo riday ku dhawaad 10 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran.