Maxaa sababay in kumannaan arday oo Soomaali ah ku dhacaan imtixaanka dugsiga sare ee dawlad deegaanka

Xigashada Sawirka, XAFIISKA WAXBARASHADA DDS
Wasaaradda waxbarashada ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalka 12-aad, iyadoo 36,409 arday ay ku guulaysteen inay ka gudbaan 684,205 arday oo imtixaan ka galay sannad dugsiyeedka 2024 sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Birhanu Nega.
Celceliska dhibcaha heer qaran ee ardaydu waxay ahayd 29.76 dhibcood, halka buundada ugu saraysa sanadkan ay ahayd 675 ka mid ah 700, taas oo muujinaysa heer cusub oo dalka ah.
Dhanka deegaanka Soomaalida ayaa waxay natiijada noqotay mid dad badan ka yaabisay.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dowlad Deegaanka Cabdullaahi Cabdi Aadan ayaa sheegay in wax ka badan 98% ardeydii gashay imtixaanka ay ku dhaceen.
Inkastoo guud ahaan dalka ay kala siman yihiin tirada badan ee ardayda dhacday haddana waa natiijo laga wadahadal hayo guud ahaan deegaanka.
Waxaa imtixaanka u fadhiistay deegaanka Soomaalida tiro dhan 21,000, waxa dhacay 20,964 arday.
Imtaxaanka waxaa ku baasay oo gudbay oo kali ah 261 kaliya taasi oo ah mid ay dad badan ka naxeen.
Maxaa sababay inay ardayda dhacaan

Xigashada Sawirka, XAFIISKA WAXBARASHADA DDS
Wasiirka waxbarshada Cabdullaahi Cabdi Aadan, ayaa sheegay in tirada sanadkan baastay ay ka badan tahay tii sannadkii hore, isla markaana uu kobac jiro .
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Walow markii la eego ardayda qaadatay iyo tirada gudubtay ay tiro ahaan hooseyso laakiin dhankaas isbadal ayaa ka jira, deegaan ahaan imtixaanka waxaa qaadatay 21,000 waxa marka gudubtay sanadkan boqolkiiba 2 oo u dhiganta 261 marka loo barbardhigo sannadkii hore tirada boqolkiiba oo ahayd .3%," ayuu yiri Mr Cabdullaahi.
Wasiirka waxbarshada Cabdullaahi Cabdi Aadan, oo BBC la hadlay, waxna aan ka waydiinnay sababta keentay in ardayda intaas dhan ay imtixaanka dusgiga sare ku dhacaan ayaa sheegay in ay jiraan sababo badan oo is-biirsaday
Waxaa uu farta ku fiiqay in dhibaato dhanka tayada ah iyo wacyiga oo hooseeya ay ka mid tahay sababaha keenay in ardayda ay imtixaanka ku dhacaan.
"Kolay xagga tayada waxbarshada waxaa ka jirta baahi, dhanka kale xagga wacyiga bulshada iyo u diyaargarowga ardayga naftiisu waxaa ka jira dhaliilo,". ayuu yiri wasiirka.
Mr Cabdullaahi ayaa dhanka kale carrabka ku dhuftay in baraha bulshada oo arday badan mashquuliyay iyo qishka oo la xakmaeeyay ay sidoo kale sabab u tahay in arday badan ay imtixaanka ku dhacaan.
"Ardayda inta badan arrinta baraha bulshada ayaan is leeyahay qeyb bay ka tahay iyo iyada oo hore ardayda ay ku xisaabtami jireen qish inay helaan oo markii uu qishka meesha ka baxay isku haleyntii markaas uu ardayga diyaar-garowgii loo baahnaa aanu sameynin,"ayaa intaa ku adra.
Wasiirka waxbarshada Cabdullaahi Cabdi Aadan, ayaa beeniyay eedeynta ah in si ku talagal ah ardayda imtixaanka loogu riday isaga oo sheegay in dadaal dhinacyo kala duwan loo baahan yahay si arrinta loo xaliyo.
"ku-talagalku waa in ardaygu uu imtaxaanku qaato aqoontiisa iyo kartidiisana uu ku gudbo oo anfaceysa marka in ardaygu waxbarto oo uu dadaalo waalidkana masuuliyad ayaa ka saaran nidaamka waxbarshada-na masuuliyad ayaa ka saaran, markaa waxaan is leeyahay wax ku-talagal ah ma jiro,"ayuu yir Mr Cabdullaahi .
Wasiirka waxbarshada Cabdullaahi Cabdi Aadan, ayaa xusay in wasaaradda waxbarshada deegaanka ay wado qorshayaal ay sare ugu qaadayso tayada waxbarashada taasi oo ay ak mid tahay in al helo maclimiin Soomaali ah maadaama maclimiinta inta badan imika wax ka dhiga dugsiyada ay yihiin kuwa ka soo jeeda deegaano kale.
Maclimiinta naftirkeeda, waad la socotaa maclimiinta inta badan wax ak dhigta dugsiyada sare waa maclimiin deegaanada kale ka soo jeeda marka luuqad ahaan iyo dhaqan ahaan maadaama ardaydu aysan fahmayn marka taas iyada oo aan dadaalkeeda ku jirno sidii aan u tababari lahayn maclimiin u dhalatay deegaanka iyadu naftirkeedu qeyb ayay ka tahay, ayuu yir Mr Cabdulahi.
Maxmaed Ibrahim oo ah maamulaha mid ka mid ah iskuulada deegaanka oo BBC la hadlay ayaa sabab uga dhigay in ay arday badan dhacaan dhowr arrimood oo is biirsaday iyo isabadalo dhacay sanooyinkii u dambeeyay.
Mr Maxamed ayaa xusay in imtixaanada xilligan qaabka loo soo diyaariyo ay ka duwan tahay xilligii hore, isla markaana iyada oo aan la qiimeyn aqoonta ardayga la keeno imtixaan uusan ka bixi karin.
"Qaabka imtixaanka qaran loo soo diyaariyo laguma sameeyo qiimeyn ah ardayda heerka ay gaarsiisan tahay tayadooda, marka imtixaan yara-adag oo ardayda tayadooda aan ku saleysneyn ayaa la keenaa inta badan taasi nafteeda dhibaato kale ayay noqonaysaa" ayuu yiri mr Maxamed.
"Dhanka waalidka iyo maclimiinta sidoo kale dhib ayaa ka jira, waalidka oo sidii loo baahnaa aan u dabagalayn ardayda iyo maclimiinta oo sidii loo baahnaa aan casharrada u bixin," ayuu intaa ku daray.
Waxaa uu farta ku fiiqay in xilligii hore uu jiray qish baahsan balse hadda ay adag tahay in uu baaso qof aan dhisneyn aqoon ahaan oo loo baahan yahay dadaal.
"Caqabadda koobaad waxaa weeyaan qishkii hore oo lala qabsaday, muddo 20 sano ah ayaa qish soo socday marka labo sano iyo saddex sano ma tayo ayaa lagu keeni karaa" ayuu yiri Mr Maxamed.
Ma aha markii ugu horeeysay ee ardayda dugsiyada sare ee dolwad deegaanka ay sidan oo kale ay tiro badan ugu dhacaan imtixaanka.
Guud ahaan ardeyda u fariisatay imtixaanka sanadki 2023-kii ayey wasaaraddu sheegtay in ay ahaayeen 21,787 ardey. Balse waxaa xilligaas baasay 74 arday oo kali ah.













