Barre oo BBC da uga warramay sida isaga oo 'dhaqtar ah' uu ugu fariistay imtixaanka dugsiga sare

Barre

Xigashada Sawirka, SNTV

Warbixin uu baahiyay talafishinka qaranka Soomaaliya ayaa hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, taas oo ku saabsaneed nin da’ dhexaad ah oo ka mid noqday ardeyda sanadkaan u fariistay imtixaan dugsiga saree e Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ninkaasi yahay dhaqtar, ganacsade iyo sida uu isaguba afkiisa ka sheegay aabe caruurtiisu dhigato fasalka sideedaad.

Su’aasha ugu badan ee dadku isku waydiiyeen baraha bulshada ayaa ah, side buu dhaqtar u noqday qof aan dhameysan dugsiga sare oo imtixaankii uu uga gudbi lahaa hadda uuna galaya.

Barre

Xigashada Sawirka, SNTV

Waa kuma ninkaan?

Ninkan waa Barre Jimcaale, 38 jir ku nool magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dawlad goboleedka Galmudug.

Waa shaqaale caafimaad, oo ka hawl gala magaalada Dhuusamareeb, isaga oo leh xaas iyo caruur, sidoo kale waxa uu masuul ka yahay noloshaha hooyadiis iyo qaar ka mid ah walaalihiis.

Markii uu yaraa ma uusan helin waxbarasho maadi ah sida uu BBC da u sheegay, balse wuxuu bartay quraanka oo aabihiis u dhigi jiray markii hore, markii dambana uu ka dhameeyay macallin dugsi ku haystay Deegan kale ku yaalla gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu raacday kitaabada diiniga ah oo waqti badan ku bixiyay noloshiisa.

Kadib waxa uu noqday nin reer leh, waxaana uu sheegay in ay mashquuliyeen waayaha nolosha oo uu galay shaqooyin uu biil uga raadiyo caruutiisa.

Meelo badan oo ay ka mid tahay Muqdisho ayuu sheegay in uu waqtiyo ku soo qaatay.

Marka laga soo tago xirfadiisa iyo ardeynimadiisa waxaa kale oo ay kaalin ku leeyahay barnaamij lagu magacaabo ‘Walaal Afuri’ kaas oo xilliyada biha Ramadan lagu afuriyo dadka danyarta ah.

Waxa kale oo uu yayay u dhaqdhaqaaqe arimaha waxbarashada.

Ardey

Xigashada Sawirka, SNTV

Siduu dhaqtar u noqday isaga oo aan dugsi sare dhamayn?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Barre oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in uusan ahayn dhaqtar, balse warka ku saabsan dhaqtarnimadiisa uu yahay mid ku baahay si khalad ah.

“Anigu xarun caafimaad ayaan ka shaqeeyaa, laakiin dhaqaatiirta kama mid ihi,” ayuu BBC da u sheegay Barre oo ka hadlay warka ku saabsan dhaqtarnimadiisa.

“Waxaan joogaa qaybta farmashiyaha, waxaanan ka mid ahay shaqaalaha farmashiga jooga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Barre waxa uu sheegay in muddo uu ka shaqaynayay shaqada iibinta dawooyinka, marar kala duwanna uu tababro ku saabsan gargaarka degdeg ah iyo iibinta dawooyinka ka qaatay hay’adda laanqayrta cas, sidaas darteedna uu yahay nin caawiya bulshadiisa, qadarina kaga helay shaqadaas caawinta.

Barre wuxuu BBC da u sheegay in uu ad waligiis u jeclaa waxbarashada, taasina ay ku qasabtay in uu iskuul ku biro sideed sano ka hor.

“Intii aan iskuulka ku jiray iyo ka horba waxaan lacagta waxbarashada jaamacadda ka bixi jiray dad kale,” ayuu yiri Barre oo ka sheekeynayay sida uu u garab istaago dadka doonaya in ay waxbartaan.

Inkasta oo meelo badan dunida ah ay la wadaagaan, hadana Soomaaliya, gaar ahaan gobolka uu ku barbaaray Barre ayaa bulshada dhexdeeda waxaa ceeb looga arkaa in qofku isaga oo wayn oo aado ama wax ka dhigto iskuulada ay aadaan ardeyda da’da yar.

Sidaas daraadeed ayuu sheegay Barre in uu doonayay in uu tusaale u noqdo dad badan oo isaga da’diisa ah, oo aan wali dhameysan waxbarashada iskuulka.

In uu jabiyo xaydaanbka ceebta eek u gadaaman arrinkaan, ayuu sheegay in ay muhiimad wayn isaga u leedahay.

Barre waxa uu maanta ku jiraa imtixaanka, isaga oo u fariistay laba ka mid ah maadooyinka imtixaanka oo kala ah Bayoloji iyo fiisigis.

Inuu aad ugu faraxsan yahay heerka uu maanta taagan yahay ayuu si niyadsan leh u sheegay Barre oo BBC da u waramayay.

“In aan u fariisto imtixaankii fasalka 12 aad, waxaan uga mahad celinayaa Ilaahii dadaalkaas I waafajiyay,” ayuu yiri Barre.