Wax uu Putin samayn jiray marka la beegsado hugaamiye ay saaxiib yihiin oo uu haatan ka gaabsaday

Xigashada Sawirka, Getty Images
28-kii Febraayo, Ali Khamenei, Hoggaamiyahii Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa lagu dilay duqeymo ay fuliyeen Israa'iil iyo Mareykanka. Maalintii xigtay, Putin wuxuu falka ku tilmaamay "argagixiso" iyo "xadgudub ba'an oo ka dhan ah dhammaan xeerarka anshaxa aadanaha iyo sharciga caalamiga ah."
Balse ma uusan sheegin cidda geysatay falka. Dhambaalka tacsida ah ee uu u diray madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian ma uusan soo hadal qaadin Mareykanka iyo Israel.
Janaayo 2025 Russia iyo Iran waxay kala saxiixdeen heshiis istiraatijiyadeed oo iskaashi ah, laakiin heshiiska kuma qasbayo Moscow inay bixiso kaalmo militari.
Bishii Juun 2025, markii Maraykanku uu duqeeyey kaabayaasha nukliyeerka ee Iran, Putin wuxuu ku tilmaamay "gardarro gebi ahaanba aan laga fiirsan oo ka dhanka ah Iran" taas oo aan lahayn "saldhig ama cudurdaar", laakiin mar kale ma uusan sheegin magaca Maraykanka.
Markii la weydiiyay waxa dhici kara haddii Mareykanka iyo Israa'iil ay dilaan Ali Khamenei, Putin wuxuu ku jawaabay: "Xitaa ma doonayo inaan ka hadlo."
Waaxda BBC Monitering ayaa baartay qoraallo ay sii daayeen Kremlin-ka iyo warbaahinta dawladda Ruushka si ay u ogaadaan hadalada guud ee Putin ka dib dhicitaankii shan ka mid ah xulafada Moscow intii u dhaxaysay 2011 iyo 2026. Halka Vladimir Putin uu magacaabay cidda ka dambaysa kiisaskii hore, kiisaskii ugu dambeeyay waxa uu ku gaabsaday hadal kooban ama wuu ka aamusay gabi ahaanba.
Qadaafi iyo Yanukovych; Si qaas ah oo shaqsi ah
Kadib dilkii Mucamar Al-Qadaafi ee Liibiya bishii Oktoobar 2011, Putin ayaa si faahfaahsan uga hadlay.
Waxa uu tilmaamay "Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka" kuwaas oo bartilmaameedsaday kolonyada Qadaafi "ciidamo shisheeye oo khaas ah oo aysan ahayn in ay meeshaas marka hore joogaan." Waxa uu dilka ku tilmaamay mid burburin "aan maxkamad xukumin ama baaritaana horay loo samayn" wuxuuna ugu yeeray qaraarkii Qaramada Midoobay ee amray in la faragaliyo dalkaas " baaqii saliibiyiinta ee casrigii dhexe".
Putin ayaa si sidaas la mid ah u hadlay ka dib markii Viktor Yanukovych laga tuuray madaxtinimada Ukraine bishii Febraayo 2014.
Shir jaraa'id oo uu qabtay March 4, 2014 ayuu ku magacaabay wasiirrada arrimaha dibadda ee Poland, Germany iyo France, kuwaasoo uu ku sheegay inay hubiyeen heshiis dhex maray dowladda iyo mucaaradka. Waxa kale oo uu si cad u sheegay inuu ka caawiyay Yanukovych inuu u baxsado jasiiradda Crimean.
Asad: Ficil iyo juuq yari
Markii uu burburay nidaamka Bashaar Al-Asad horraantii bishii December 2024, Ruushku waxa uu u qaaday Asad Moscow, laakiin Putin hadalada uu jeediyay kuma aysan jirin ama magacaabista cidii ka dambeysay burburka.
Ku dhawaad laba todobaad kadib markii uu yimid Bashaar Al-asad, Vladimir Putin ayaa saxaafada u sheegay in uusan la kulmin madaxwaynihii hore ee Suuriya tan iyo markii uu yimid. Waxa uu sidoo kale ku andacooday in "waxa ka dhacay Suuriya aysan macnaheedu ahayn guuldarada Ruushka." Saddex iyo toban bilood ka dib, Putin waxa uu ugu hambalyeynayay madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, dib u soo celinta madaxbannaanida dhuleed ee waddanka.
Maduro: Ficil la'aan, juuq la'aan
Bishii Janaayo 2026, markii ciidamada Mareykanka ay qabteen madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo loo gudbiyay Mareykanka, Putin wax hadal ah kama soo bixin.
Waxaa cambaareeyey Dmitry Medvedev, guddoomiye ku xigeenka golaha ammaanka ee Ruushka, Vasily Nebenzia, safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay, Maria Zakharova, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, iyo xubno badan oo baarlamaanka ka tirsan.
Laakiin wax war ah kama soo bixin Kremlin-ka.
Khamenei: wuu ka hadlay isaga oo aan xusin cidda geystay dilka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Si ka duwan sida xarigii Nicolas Maduro, dilka Ali Khamenei ayaa waxaa ka fal celiyay Aqalka Kremlin-ka, inkastoo Putin uu diiday in uu magac dhabo kooxihii dilka geystay.
Tani waxay ka tarjumaysaa waxa Alexander Baunov, oo ah xubin sare oo ka tirsan Xarunta Carnegie Berlin, uu ugu yeero "luuqadaha siyaasadeed ee badan" ee Ruushka: Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa loo xilsaaray inay sii deyso ereyo ka dhan ah Maraykanka, halka Kremlin-ka ay uu leeyahay siyaasad gaar ah oo ku wajahan Donald Trump.
Baunov ayaa sidoo kale sheegay in hadalka Vladimir Putin ee ku saabsan Cali Khamenei uu xitaa ka daciifsan yahay hadaladiisa aan rasmiga ahayn kadib dilkii Qassem Soleimani, taliyihii hore ee ciidamada Quds Force ee IRGC, ee lagu dilay duqeynta Mareykanka 2020. "Way tageen oo dileen jeneraal Iiraani ah, gabi ahaanba maskaxdooda ayay lumiyeen," ayuu yiri waqtigaas.
Si kastaba ha ahaatee, Putin ma uusan xusin magaca Donald Trump.
Ekaterina Kotrikadze, oo ah saxafi ku sugan dalka dibaddiisa, ayaa sheegtay in Vladimir Putin uu ku sugan yahay xaalad adag: Si cad uma weerari karo Ameerika sidii uu horay u ahaan jiray, laakiin aamusnaanta ayaa sidoo kale u muuqata calaamad daciifnimo.
"Mid mid ayaa saaxiibadiis ugu dhowaa u hoobanayaan, taasoo dhabarjab xanuun badan ku ah Putin. Laakiin kama jawaabi karo sababtoo ah Kremlin-ka ayaa weli rajeynaya inay iskaashi dhaqaale la yeelato madaxweynaha 47-aad ee Maraykanka," ayay tiri.
Falanqeeye siyaasadeed Alexander Morozov, oo tixraacaya jawaabta "taxadarka" leh ee Kremlin-ka, ayaa sheegay dagaalka Iran "wuxuu daaha ka qaaday dabeecadda duugowday ee hababka dagaalka ee Putin, wuxuuna Kremlin-ka geliyey xaalad adag."
Mid ka mid ah sababaha hadalka taxaddarka leh ee Putin ayaa laga yaabaa inay tahay inuu shakhsi ahaan dareemayo handadaada ficillada Trump.













