Waa maxay farqiga u dhexeeya Sunniga iyo Shiicada ee asalka u ah khilaafaadka Bariga Dhexe?

.

Xigashada Sawirka, Majid Saeedi / Getty

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Sunni iyo Shiico waa labada kooxood ee ugu waaweyn islaamka ee dunida ka jira hadda.

Sidii ay Iiraan uga falcelisay weerarradii ay ku qaadeen Israa'iil iyo Maraykanku, waxa ay keentay in ay saameyso dariskeeda, iyadoo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn u adeegsatay duqeymaha ay ka geesatay qeybo badan oo kamid dalalka dariska la ah oo u badan Sunniyiin, kuwaas oo xulufo la ah Maraykanka. Arrintaan waxa ay muujisay in xiisadaha siyaasadeed iyo diimeed ee soo jireenka ah ee Bariga Dhexe ay weli muhiim yihiin oo ay saameeyaan mowqifyada dhinacyada kala duwan ee waddamadaan.

Dadka Falanqeeya arrimahaan ayaa aaminsan in farqiga u dhexeeya labada faraca ee islaamka ay caalamad cad u tahay sida ay u adag tahay inuu hagaago xiriirka u dhexeeya labada dal ee xifaaltanka ka dhexeeyo kuwaas oo ugu waawaayn Bariga dhexe ee kala ah Iiraan iyo Sacuudiga.

Weerarradii wadajirka ahaa ee Maraykanka iyo Israa'iil ay ku qaadeen ayaa cadaadis saaray nidaamka Islaamiga ah, labada dal waxay ku jireen tartan adag oo ku saabsan cidda gobolka hoggaaminaysa. Khilaafkan oo tobannaan sano soo jiitamayay ayaa sii xoogaystay sababo la xiriira kala qaybsanaanta diimeed.

Mid kasta wuxuu raacaa farac gaar ah, Iiraan badankeeda waa Muslimiin Shiico ah, halka Sacuudigu uu yahay Sunniga ugu awood badan gobolka.

Iskahorimaadkoodu waxa kale oo uu ka muuqday colaaddii u dhexeysay Israa'iil iyo Xamaas ee Marinka Qasa, waxaana mar kale lagu arkay falcelinta dhinacyada kala duwan ee ku aaddan weerarradii Israa'iil iyo Maraykanku qaadeen kuwaas oo dilay dad badan, oo uu ka mid yahay hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee ugu sarreeyay Iiraan, Cali Khamenei.

Ka dib weerarkii lagu dilay Khamenei, Xisbullah ayaa ka aargoosatay iyagoo gantaallo iyo madaafiic ku tuuray magaalada Haifa ee Israa'iil, taasoo furtay furin cusub oo dagaalka ah. Israa'iilna waxay ku jawaabtay weerarro ay ku qaaday Xisbullah gudaha dhulka Lubnaan.

Maleeshiyada Lubnaan ee Xisbullah waa koox Shiico ah, waxayna xulafo la yihiin Iiraan, kuwaas oo muddo dheer taageerayay.

Kooxda kale ee Shiicada ah ee ka jirta gobolka waa Xuutiyiinta Yaman, kuwaas oo sidoo kale xulafo la ah Tehran. Inkastoo aysan weli si toos ah uga falcelin weerarka Iiraan, inkasta oo Maraykanka iyo Israa'iil ay ka cabsi qabaan inay mustaqbalka ku lug yeeshaan weerarro ka dhan ah maraakiibta mara marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, sida ay hore u sameeyeen.

Dhanka kale, kooxaha kasoo horjeeda Iiraan waxaa kamid ah Kurdiyiinta oo iyagana ah Sunniyiin, kuwaas oo loo arko qowmiyad aan lahayn dowladd oo ku kala daadsan Ciraaq, Turkiga iyo qeybo Iiraan kamid ah.

Kooxo mucaarad Kurdiyiin ah oo ku sugan meel ka baxsan Iiraan ayaa BBC u sheegay inay horey u diyaariyeen qorshayaal ay ku galaan Iiraan oo dhanka Dhulka ah si ay ula dagaallamaan ciidamada aayaatollaah.

Mohamed bin Salman

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Maxamed bin Salman

Kala qaybsanaanta Sunniga iyo Shiicada waxay dib ugu laabanaysaa sanadkii 632, markii uu dhintay nebi Muxammad NNKH, taas oo dhalisay muran ku saabsan cidda xaqa u leh inay hoggaamiso Muslimiinta, Kaas oo illaa iyo maanta socda.

Inkasta oo labada farac ay qarniyo badan wada noolaayeen, isla markaana ay wadaagaan caqiidooyin iyo dhaqammo badan, hadana waxay leeyihiin farqi muhiim ah oo ku saabsan caqiidada, cibaadooyinka, shuruucda, aragtiyaha diineed iyo qaab-dhismeedka hoggaanka.

Hoggaamiyayaashooda kala duwan sidoo kale waxay inta badan ku tartamaan saamaynta iyo awoodda.

Laga soo bilaabo Suuriya ilaa Lubnaan, iyadoo la sii marayo Ciraaq iyo Pakistan, colaado badan oo dhawaan dhacay ayaa muujiyay ama sii xumeeyay kala qaybsanaantan, iyagoo kala qaybiyay bulshooyin badan.

Sunni

Sunnigu waa aqlabiyadda dadka Muslimiinta ah, waxaa la qiyaasaa in qiyaastii 90% dadka rumeesan islaamka ay yihiin Musmiin yihiin, waxayna isu arkaan faraca ugu saxan dadka haysta qiyamka asalka ah ee Islaamka.

Magaca Sunni wuxuu ka yimid erayga "Ahl al-Sunna", oo macnihiisu yahay "dadka raaca dhaqanka."

Dhaqankuna wuxuu tilmaamayaa ficillada iyo dhaqamadii wan-wanaagsan ee ka yimid Nabiga Maxamed NKH.

Sidaas darteed Sunnigu waxay ixtiraamaan dhammaan nebiyada lagu xusay Qur'aanka, laakiin gaar ahaan nebi Muxammad oo loo arko nebiga ugu dambeeya.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ee ka dambeeyayna waxaa loo arkaa kuwo ku-meelgaar ah.

Sidoo kale, marka la barbardhigo Shiicada, macallimiinta iyo hoggaamiyeyaasha diinta ee Sunniga taariikh ahaan waxaa inta badan gacanta ku hayay dowladihii islaamka.

Shiicada

Ayatola Jamenei

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shiicadu waxay markii hore ahaayeen koox siyaasadeed: macnaha erayga "Shi'at Cali" waa "xisbiga Cali."

Cali oo ahaa wiilka sodoga u ahaa nebi Muxammad, NNKW, Shiicaduna waxay sheegaan in isaga iyo faraciisu ay xaq u lahaayeen hoggaaminta Muslimiinta.

Cali waxaa la dilay ka dib shirqoollo, rabshado iyo dagaallo sokeeye oo ka dhacay xilligii uu khaliifka ahaa.

Waxaa la rumeysan yahay in Xasan lagu sumeeyay amarka Mu'aawiya, khaliifkii ugu horreeyay ee ka tirsanaa boqortooyadii Umawiyiinta, halka walaalkiis Xuseen uu ku dhintay goob dagaal isaga iyo xubno badan oo qoyskiisa ka mid ah.

Shiicadu sidoo kale waxay leeyihiin heerar culimo diineed oo fasiraad joogto ah oo furan ka sameeya Islaamka.

Waxaa lagu qiyaasaa in maanta Shiicadu u dhexeeyaan 120 ilaa 170 milyan oo qof, taas oo ah qiyaastii toban meelood meel Muslimiinta dunida.

Waxay aqlabiyad ka yihiin Iiraan, Ciraaq, Baxreyn, Azerbaijan, iyo sida dadka sheegaan waxaa jira Shiico ku suga Yaman.

Laakiin sidoo kale waxaa jira bulshooyin Shiico ah oo waaweyn oo ku nool Afgaanistaan, Hindiya, Kuwayt, Lubnaan, Pakistan, Qatar, Suuriya, Turkiga, Sacuudiga, iyo Imaaraadka Carabta.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee ugu sarreeya Iiraan wuxuu lahaa saameyn ruuxi ah oo ballaaran oo ku saabsan malaayiin Shiico ah oo u arka inuu yahay dhex-dhexaadiye u dhexeeya mu'miniinta iyo Mahdiga, imaamka qarsoon ee ay rumeysan yihiin inuu soo muuqan doono qiyaamu saacaha.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Doorkee ayay kala qaybsanaanta diinta ka ciyaartay colaadaha siyaasadeed?

Dalalka ay Sunnigu xukumaan, Shiicadu inta badan waxay ka mid yihiin dadka ugu saboolsan bulshada, waxayna isku arkaan dhibbanayaal dulmi iyo takoor la kulma.

Qaar ka mid ah xagjiriinta Sunniga ayaa xitaa gaaray heer in ay muujiyaan naceybka ay Shiicada u qabaan.

Dhanka kale, Kacaankii Iiraan ee 1979 wuxuu bilaabay ajande Islaami ah oo Shiico ah oo si toos ah u caqabad ku noqday dowladaha Sunni ee muxaafidka ah, gaar ahaan kuwa Khaliijka.

Siyaasadda Tehran ee taageeridda xisbiyada iyo maleeshiyaadka Shiicada ee ka baxsan Iiraan, waxa ay dowladaha sunniga ah kaga jawaabayn in taageeraan ururada muslimiint ah ee Iiraan dibadda ka joogo.

Personas quemando bandera EEUU

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, La división determina alianzas y enemigos en Medio Oriente.

Tusaale ahaan, intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee Lubnaan, Shiicadu waxay caan ku noqdeen hawlgallada milatari ee Xisbullah.

Dhanka kale, xagjiriinta Sunniga sida Taalibaan waxay sidaas oo kale ka sameeyeen Pakistan iyo Afgaanistaan, halkaas oo ay marar badan weeraraan goobaha cibaadada ee Shiicada.

Colaadaha dhowaan ka dhacay Ciraaq iyo Suuriya sidoo kale waxay yeesheen muuqaal diimeed oo qowmiyadeed.

Dhallinyaro badan oo Sunni ah ayaa ku biiray kooxaha fallaagada si ay uga dagaallamaan dalalkaas, iyagoo soo celiyay fikraddii xagjirka ahayd ee Al-Qaacida, oo ahayd urur Sunni ku salaysan.