"Walaalka weyn" ee ka caawinaya Arsenal iyo Arteta inay u gudbaan diilinta guusha

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Matt Spiro
- Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo
Ka dib saddex xilli ciyaareed oo isku xigta oo Premier League ah oo ay ku dhammeeysteen kaalinta labaad, Mikel Arteta wuxuu bilaabay inuu raadiyo jawaabo.
Maxaa loo baahan yahay si kooxdiisa Arsenal F.C. looga dhigo horyaal mid hanata? Kooxdu waxay u baahnayd ciyaartoy badan oo qoto dheer (depth). Sidoo kale maskaxda iyo adkaysiga kooxda waa inay noqdaan kuwo ka sii adag.
Naadigu wuu ka jawaabay taas isagoo soo iibsaday siddeed ciyaaryahan oo cusub. Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii ugu muhiimsanaa ee xagaaga yimid waxa laga yaabaa inuu ahaa mid aan la dareemin. Arteta wuxuu u jeestay mid ka mid ah saaxiibbadiisii ugu da'da weynaa ee uu si weyn u aaminsan yahay: daaficii hore ee Argentina ee u soo ciyaaray Paris Saint Germain F.C., Real Madrid C.F. iyo Manchester United F.C., oo ah Gabriel Heinze, kaas oo beddelay kaaliyihii hore Carlos Cuesta.
Arteta iyo Heinze waxay markii ugu horreysay ku kulmeen PSG sannadkii 2001, markaas oo kooxda uu maamulayay Luis Fernandez.
"Waxay ahaayeen wiilal aad u wanaagsan," ayuu yidhi Fernandez, oo Arteta kalasoo wareegay FC Barcelona Janaayo 2001, halka Heinze uu lix bilood ka dib uga yimid Real Valladolid.
"Waxay ahayd farxad inaan tababaro. Waxa ugu wanaagsan ayaa ah inaysan is beddelin. Maanta weli waa isla dadkaas: daacad ah oo shaqo badan. Markaan arko waxa ay ka qabanayaan Arsenal, aad ayaan ugu faanaa."
Waxay u muuqataa arrin aad muhiim u ah in waqtigan muhiimka ah ee xirfadda tababarenimo ee Arteta uu u jeestay qof mar PSG ugu ahaa sida "walaal weyn".
Arteta wuxuu jiray 18 sano markii uu ka tagay dalkiisa. Wuxuu dhowaan sheegay in 18-kii bilood ee uu ku qaatay Paris ay ahaayeen "khibrad aan waligeed iga bixi doonin, oo qaabaysay ciyaaryahankii aan doonayay inaan noqdo, isla markaana igu dhalisay rabitaanka inaan noqdo tababare."
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kooxdii PSG ee xilligaas waxay ahayd mid ay ka buuxaan xiddigo iyo shaqsiyaad adag. Marka laga reebo Heinze, Arteta wuxuu qolka labiska la wadaagay ciyaartoy ay ka mid yihiin Ronaldinho, Mauricio Pochettino, Jay Jay Okocha iyo Nicolas Anelka.
Bilihii ugu horreeyay waxay ahaayeen kuwo adayg ku ah Arteta oo ahaa nin xishood badan oo aamusnaan badan, inkastoo ay joogeen waalidkiis.
"Aad bay u adkayd," ayuu xasuustaa Yves Ribardiere. "Mikel wuxuu deganaa hoteel aad u fudud. Waxay ahayd jiilaal, cimiladuna qabow oo ciiro leh. Wuxuu ku jiray qol yar oo wakhti badan faaruq ah buuna haystay. Marar badan ayaan la joogay si aan u hubiyo inuusan niyad jabin."
Ciyaartoydii ku hadli jirtay Isbaanishka ee PSG ayaa sidoo kale ka caawiyay inuu la qabsado. Mauricio Pochettino, oo markaas jiray 28 sano, ayaa Arteta garab istaagay ka hor inta uusan Heinze iman.
"Mauricio wuxuu u ekaa sida aabbe," ayuu xasuustaa daaficii hore ee PSG Didier Domi. "Gabi (Heinze) wuxuu ka da' u dhawaa Mikel, sidaas darteed wuxuu u ekaa walaal."
Heinze wuxuu Arteta ka weyn yahay afar sano, balse si degdeg ah ayay isula qabsadeen.
"Waxay wada joogeen tababarka, sidoo kalena waqti ayay wada qaadan jireen bannaanka garoonka iyaga iyo qoysaskooda," ayuu xasuustaa Fernandez.
"Gabi wuxuu ahaa tartame adag oo mar walba doonayay inuu ka fiicnaado qofka ka soo horjeeda. Mikel wuxuu ahaa ciyaaryahan deggan oo aad u farsamo fiican," ayuu raaciyay Fernandez.
Edouard Cisse wuxuu sheegay in labada nin ay sidoo kale wax badan ka sinnaayeen. "Labadooduba waxay ahaayeen dad xamaasad badan oo dadaal badan," ayuu yiri Cisse. "Gabi wax walba ayuu bixin jiray, xitaa tababarka. Wuxuu rabay inuu guuleysto. Mikel wuxuu ahaa mid deggan, laakiin waa la ogaa inaan la kicin karin."
Heinze dabeecaddiisa dagaalka badan wuxuu la galay shaqada tababarenimada. Wuxuu tababare ka noqday kooxo ay ka mid yihiin Godoy Cruz, Argentinos Juniors, Velez Sarsfield iyo Newell's Old Boys, iyo sidoo kale Atlanta United FC.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waqtigan xaadirka ah ee waqooyiga London, Arteta wuxuu ka faa'iidaysanayaa xamaasadda Heinze halka Arsenal ay si fiican u ciyaarayso.
"Waxay la mid yihiin laba foolkaanno," ayuu yiri Cisse. "Mid mararka qaarkood qarxa (Arteta), iyo mid mar walba qarxa (Heinze). Mikel kuma qaylin karo ciyaartoydiisa mar kasta, sidaas darteed wuxuu u baahan yahay caawinaad. Gabi taas ayuu maalin kasta ka sameyn doonaa tababarka."
"Waa isku-darka ugu fiican," ayuu yiri Cisse. "Mikel shaqo cajiib ah ayuu qabtay, laakiin si kooxdu ugu guulaysato wuxuu u baahan yahay caawinaad. Gabi, rabitaankiisa xooggan ee guusha awgiis, wuu sameyn karaa."
Heinze, oo ahaa daafac adag oo guulo horyaal ka gaaray Faransiiska, Ingiriiska iyo Spain, isla markaana 72 kulan u saftay xulka qaranka Argentina, wuxuu si degdeg ah u helaa ixtiraamka ciyaartoyda marka ay tababarka joogaan, gaar ahaan kuwa daafaca.
Ma aha wax iska dhacay in difaaca ugu fiican Ingiriiska uu xilli ciyaareedkan sii xoogeystay.
"Gabi wuxuu u nool yahay kubadda cagta," ayuu yidhi Fernandez. "Mar walba wuxuu baranayaa ciyaarta, gaar ahaan shaqada difaacayaasha. Maanta waxaad leedahay tababare goolhayeyaal, tababare kubbadaha taagan sidoo kalena waa muhiim in qof gaar ah uu tababaro difaacayaasha."
"Mar walba waad horumarin kartaa: boos qaadashada, taakenta, iyo kubbad bixinta. Halkaas ayuu Gabi ka caawin karaa. Marka qof khibrad sidaas u weyn leh wax kuu sheego, waad dhageysaneysaa."
Arteta shaki kuma jiro inuu Heinze ku aamino hawlahaas muhiimka ah. Labadooda waxaa ka dhexeeya xiriir ka qoto dheer kubadda cagta.
"Awoodda tababare waxay ku jirtaa inuu isku hareereeyo dad uu si buuxda u aaminsan yahay," ayuu yiri Fernandez. "Mikel doorasho aad u wanaagsan ayuu sameeyay. Gabi waa daacad, waa qof run sheeg ah oo qalbi furan, Mikelna wuu ogyahay inuu maalin kasta garab istaagi doono."
Iyadoo xilli ciyaareedka Arsenal uu ku sii socdo dhammaad xiiso leh, kalsoonida ka dhexeysa labadan nin ee bannaanka garoonka ka jirta waxay noqon kartaa mid qiimo u leh sida ciyaaryahan kasta oo cusub oo la soo iibsado.










