"Guul la'aan iyo timahii oo kusii bixi doona" Man United ma waxaa ku habsatay cuqubo?

.

Xigashada Sawirka, The United Strand

Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxa ay ahayd fikrad si fudud ku bilaabatay oo u uku baahiyey la wadaagay baraha bulshada, 493 maalmood gudahood waxa ay noqotaywax aad uga weyn sidii uu filayay fikraddii uu curinteeda lahaa.

Frank Ilett, oo sidoo kale loo yaqaan The United Strand, ayaa soo dhigay muuqaal 5-tii Oktoobar 2024, halkaas oo uu sheegay in aanay timaha madaxa xiiri doonin, illaa kooxda uu taageero ee Manchester United ay guuleysato shan ciyaarood oo xidhiidh ah.

Muqaalka dhexdiisa waxa uu lahaa codbixin uu waydiiyay dadkii koobnaa ee xilligaas ku xidhnaa bartiisa baraha bulshada, markaas oo ay filayeen in timihiisa uu jari doono mar kale: 2024, 2025 ama 2026? 27,000 jawaabood oo la helay, 90% waxay yiraahdeen 2026. Ka dib markii ay barbar dhac 1-1 ah ka heleen West Ham Talaadadii caawa, sugitaanka ayaa ah mid weli sii socdaa.

Ilett hadda waxa uu leeyahay in ka badan 2.3 milyan oo raacsan baraha bulshada waxana uu baahinayey muuqaal toos ah oo YouTube ah ciyaartan Talaadadii, taas oo mararka qaar ay daawanayeen in ka badan 100,000 qof.

Isaga oo ka hadlaya 365 maalmood ka dib markii uu bilaabay hawshan, Ilett ayaa u sheegay BBC Sport in fikradda 'guul la'aan, timaha ma jari doono' markii hore ujeedku ahaa madadaalo aan waxyeello lahayn, looguna talagalay in la wadaago "dareen wanaagsan" xilligaas oo ay taageerayaasha United ku jireen niyad jab.

"Waxaan kaliya doonayaa inaan farxad u keeno taageerayaasha kale ee Manchester United xilligan yaabka leh ee kooxda haysta," ayuu yidhi.

Sida uu sheegay Ilett, ma jirin qorshe weyn – kaliya xamaasad iyo kooxdiisii kubbadda cagta oo xaalad liidata ku jirta ayaa ku kelliftay.

"Waxaan u malaynayay inay ku dhammaan doonto saddex ama afar bilood gudahood," ayuu u sheegay BBC Sport. "Waxay ahayd inay noqoto wax iska qosol ah oo madadaalo ah ' Laakiin sidaas may noqon."

Markii ugu dambaysay ee United ay guuleysatay shan ciyaarood oo xiriir ah waxay ahayd intii u dhaxaysay Janaayo iyo Febraayo 2024.

Ilett ayaa sheegay in aanay "taasi markii hore aysan u muuqan waqti dheer markii caqabadda koxoda haysataa bilaabatay", laakiin taariikhdu waxay bixisaa casharro badan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waqtigii ugu dheeraa ee kooxdu aanay shan guulood oo xidhiidh ah helin waxay ahayd 902 maalmood, taas oo dhammaatay Janaayo 1999 – tirakoob uu Ilett sheegay inuusan rabin inuu ku sii fariisto.

"Waxaan ku bilaabay tan anigoo u malaynaya inay ahayd hoos u dhac xagga qaab ciyaareedka ah, gaar ahaan maadaama United ay ku guuleysatay FA Cup bishii Maajo. Ma aanan ogeyn inay sii xumaan karto oo ay sii socon karto muddo dheer," ayuu yidhi.

Iyadoo bilaha ay sii socdeen, caqabaddiina way is beddeshay. Waxa uu ku bilaabmay muuqaal fudud oo qosol leh wuxuu noqday calaamad muuqata oo ku saabsan dhibaatooyinka United, iyadoo timihiisa Ilett ay noqdeen xusuus toddobaadle ah oo lagu wadaago baraha bulshada.

"Timahaygu waa matalaad muuqaal ah oo muujinaysa in Man Utd aanay joogin meesha ay joogi jirtay, sidaa darteed waan fahmay sababta kooxdu aysan ila soo xidhiidhin, laakiin waxaan rajaynayaa markay sii socoto oo aan helno dareen wanaagsan in dadka kooxda ka ag dhaw, inay ila soo xidhiidhi doonaan," ayuu yidhi Ilett.

Markii ay sii kordhay dareenka, waxaa yimid lacag sameyn muuqaalladiisii ah, sii baahinta muqaallo faro badan, iyo mas'uuliyad uusan filayn.

"Maahan aniga wax igu kooban," ayuu yidhi. "Dad badan ayaa la socda. Ma joojin karo."

Ilett hadda waxa uu leeyahay wakiil ka shaqeeya dalabyada ganacsi wuxuuna la shaqeeyay shirkado waaweyn oo warbaahineed isaga oo ka faa'iidaysanaya timihiisa sii baxaya. Waxa kale oo uu leeyahay shirkad si fiican u dhisan oo maareysa codsiyada warbaahinta.

Markii la waydiiyay meesha uu rabo in timihiisa lagy jaro, Ilett ayaa u sheegay BBC Sport inay jirto hal meel oo keliya oo uu maskaxda ku hayo.

"Haddii ay ii ogolaadaan, waxay noqon lahayd wax cajiib ah inaan garoonka Old Trafford lagu jaro oo ay mid ka mid ah ciyaartoyda i jarayo ama wax la mid ah, laakiin waa inaan sugnaa waqtiga ku dhow," ayuu yidhi.