Waa kuma ‘kawaanlaha’ ay isku halleyneyso Manchester United?

Ciyaartoyda iyo tababareyaasha Manchester United

Xigashada Sawirka, Getty Images

Manchester United ayaa oggolaatay heshiis ay kooxda Ajax ugala soo wareegayso daafaca Ajax dambe Lisandro Martinez, kaasoo lagu naaneeso 'Kawaanlaha Amsterdam'. Haddaba maxay filan karaan?

Xiddigan u dhashay Argentina ee 24 jirka ah ayaa kooxda Ajax kula guuleystay labo horyaal oo Nederland ah saddex sano gudaheed intii uu hoggaaminayay Erik ten Hag. Wuxuu ahaa ciyaaryahanka sanadka ka hor intii uusan macallinkiisa u soo raacin garoonka Old Trafford.

Inkastoo uu dhirir ahaan yahay 5 fiit iyo 9 inji, haddana wuxuu ku guuleystay teestooyin (madax xagga hawada ah) ka badan kuwa Harry Maguire xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna ku guuleystay kubbada in ka badan daafac kasta oo United ah.

Qiimeynta iyo tirakoobyada laga hayo qaab-ciyaareedka Martinez aad ayay u wanaagsan yihiin, marka la barbardhigo saaxiibbadiisa cusub ee uu ugu imaanayo United. Inkastoo horyaalka uu ka soo ciyaaray ee Eredivisie Holland uu kaalinta toddobaad uga jiro qiimeynta Uefa.

Xilli-ciyaareedkii hore oo dhan wuxuu ku qaatay daafaca dhexe ee gadaale laakiin labadiisii xilli-ciyaareed ee ugu horreysay ee Ajax, kaddib markii uu sanadkii 2019 ka soo dhaqaaqay Argentina, wuxuu ka soo muuqday labada door ee daafaca garabka iyo khadka daafaca ee gadaale.

Dhanka qiimeynta, Martinez wuu ka sare-maray difaacyada kale ee United marka loo eego baasaska uu bixiyay 90-kii daqiiqaba, baasaskii uu gaarsiiyay qeybta hore ee garoonka, madax-ku-laadka, dhexda iyo kubad heysashada uu ku guuleystay xilli-ciyaareedkii hore. Wuxuu sidoo kale ku guuleystay jallaafooyin iyo goysmooyin ka badan daafacyada dhexe ee United.

Martinez wuxuu toddobo inji ka gaaban yahay Maguire, sidaas oo ay tahayna wuxuu kubadda hawada laga soo dabo dheer yahay Maguire. Martinez wuxuu madaxa kubbadda la helay 80 jeer, halka Maguire uu haysto 75.

Khabiirka kubbada cagta Holland ee James Rowe ayaa yiri: “Martinez waxa uu wacdaro ka dhigay Amsterdam tan iyo markii uu Ajax uga soo biiray dhanka kooxda Defensa y Justicia. Cagaha ayuu dhulka si wanaagsan ula helay, isagoo ka mid ahaa kooxdii 2-0 uga badisay PSV 2019.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Waxaa isla markiiba soo baxday deggenaantiisa uu kubbada ku deggan yahay, isagoo isku kalsoon marka uu dhexda u joogo difaaca iyo baasaskiisa.

"Amsterdam runtii waxay noqotay guriga labaad ee Martinez, hubaal ma fududa inaad ka gudubto Koonfurta Ameerika una gudubto kubbadda cagta Holland iyo dhammaan kala duwanaashiyaha dhaqameed ee ay taas la timaado garoonka inta lagu jiro iyo bannaankiisaba. Waxaa kale oo ay ku dambeysay inuu dalkiisa u saftay kulankiisii ​​ugu horreeyay ee Venezuela 2019.

“Waxa uu ka tagayaa Ajax isaga oo madaxiisa kor u haya, isagoo ku guuleystay labo koob oo Eredivisie ah iyo hal koob oo Dutch ah – iyo jacaylka taageereyaasha Ajax.

“Arrinta ugu weyn ee uu ugu biirayo United waxay noqon doontaa Ten Hag, oo mar walba u muujin jiray kalsooni. Ten Hag wuxuu jecel yahay ciyaartoydiisa inay xal la yimaadaan inta ay garoonka ku jiraan mar walba si ay u helaan fursadda ugu fiican ee uu ku guuleysiga ciyaaraha, isaguna wuxuu helayaa daafac dhexe oo sidaas samayn doona.

"Qaar ayaa laga yaabaa inay tilmaamaan gaabnidiisa, laakiin si dhaqso ah ayuu ula qabsan doonaa Premier League, wuuna ku raaxaysan doonaa tartanka.

“Waan hubaa ka daafac ahaan inuu awood u yeelan doono heer kooxeed iyo heer caalami”.

Martinez ayaa ku lug lahaa afar gool (hal gool iyo saddex caawin), taas oo ah tiro ka badan mid kasta oo ka mid ah daafacyada United.

Iyadoo lagu naaneyso ‘kawaanle’ ayuu haddana qaatay kaliya lix jaale 36 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkii hore. Wuu ka jaalle yar yahay Luke Shaw (11) iyo Maguire (9) iyo sidoo kale Diogo Dalot. Raphael Varane hal mar oo kaliya ayuu jaalle qaatay.

Xigashooyin lagu daabacay Mirror bishaan, Martinez wuxuu yiri: "Waxaa la igu yeeraa carnicero – kawaanlaha - Amsterdam. Annaga haddii aan reer Argentine nahay waxaan wax walba u sameynaa si xamaasad leh. Marka aan garoonka galo waxaan u dagaallamaa kubbad kasta, haddii ay noqoto inaan meyd ka dul tallaabsado waan sameeyaa.

"Waxaan rabaa in aan ku guuleysto xaalad kasta oo konton konton ah.”

Booskee ayuu ku habboonaan doonaa safka United?

Lisandro Martinez

Xigashada Sawirka, Getty Images

Martinez ayaa noqonaya mid ka mid ah lix daafac dhexe oo waaweyn oo Old Trafford ku sugan, waxaana ku weheliya kabtanka Maguire, Varane, Victor Lindelof, Eric Bailly iyo Phil Jones oo inta badan dhaawacan.

Imaatinka Martinez waxaa laga yaabaa in uu sababo isku shaandhayn lagu sameeyo ciyaartoyda dambe, oo uu ku jiro kabtanka. Ten Hag ayaa doorbidaya shaxda 4-3-3, sidaas darteed waxaa loo badinayaa kaliya inay boosas u bannaanaadaan labo daafac dhexe.

“Waxaa durba caddaanaysa in ficillada ay ka muhiimsan yihiin erayada lagu hadlo marka loo eego sida uu wax u fikiro Ten Hag," ayuu yiri Simon Stone oo ka howlgala BBC Sport.

“Wax badan kama uusan hadlin Maguire, wuxuu xaqiijiyay in uu sii ahaan doono kabtanka, laakiin dhab ahaantii ma uusan sharraxin taas sababteeda iyo tayada uu ka arko Maguire intaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu durba sameeyay isbeddel tilmaamaya waxa soo socda.

“Dhammaan waqtigiisii ​​Old Trafford, Maguire waxa uu ka ciyaaray dhanka bidix ee laba daafac, inta badan Lindelof ayaa midig ka ciyaara.

Lisandro Martinez waa daafac bidix ah. Halkaas ayuu uga soo ciyaaray Ten Hag xilligii Ajax. Waxay u eg tahay inuu toos uga mid noqon doono safka joogtada ah ee United.