Hub nuucee ah ayaa saaran Markabka la dul dhigay Iran ee laga baqayo in uu weeraro?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markabkaan dagaalka oo leh dhabe ay diyaaraduhu ku cararaan ayaa waxaa saaran diyaaradaha dagaalka nuuca loo yaqaano F-35 iyo F/A-18 Hornet , sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AP.
Markabka USS Abraham Lincoln iyo saddex markab oo kale oo dagaal ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan Bariga dhexe iyaga oo wada kumanaan askarta Maraykanka ah.
Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay in markabka uu ku hubaysan yahay gantaalo kala duwan oo uu ka mid yahay gantaalka lagu magacaabo NATO Sea Sparrow iyo nidaamka difaaca gantaalaha.
Markabkaan dhirirkiisu yahay 332 mitir ee USS Abraham Lincoln ayaa xambaarsan hubka loo yaqaano Phalanx kaa oo awooda in uu weeraro maraakiib kale.
PhalanX ayaa ah hub uu hago nidaam computer oo ku shaqeeya raadaar.
Markabka ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu ku rakiban yahay habka gantaalaha ee loo yaqaan RAM.
USS Abraham Lincoln, oo ah mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee ugu waaweyn Maraykanka, ayaa ku qalabaysan hub kale oo badan iyo nidaamka raadaarka.
Tiknoolajiyada AN/SLQ-25A Nixie waxaa loogu talagalay in lagu khiyaaneeyo maraakiibta quusa ee isku dayaya inay la socdaan markabka.
Nidaamyada raadaarka ayaa sidoo kale caawiya si ay u baaraan xaaladaha u dhow, la socodka hawada, iyo in la hubiyo in gantaaladu ay ku toosan yihiin bartilmaameedka.
Markabka USS Abraham Lincoln waxa uu ku safri karaa xawaare dhan 60 kilomitir saacadiiba, waxana uu qaadi karaa celcelis ahaan 5,600 oo qof, sida uu sheegay website-ka ciidamada badda ee Maraykanka CMNO.
Maraykanku ma weerari doonaa Iran?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mareykanka oo heysta ciidamada 1-aad ee adduunka ayaa muujiyay in uu weerari karo Iran.
Waxaa xusid mudan in ciidamada cirka Mareykanka ay bishii June ee sanadkii hore weerar ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka ee Iran, howlgalkaas oo lagu magacaabo 'Midnight Hammer'.
In ka badan 100 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa la soo daad-gureeyay xilligaas, waxaana diyaaradda B-2 ay ka soo duushay Mareykanka iyada oo xambaarsaneed bam si toos ah loo hago 'Bunker Buster'.
Su'aasha hadda taagan ayaa ah in Maraykanku uu mar kale weerari karo Iran.
Madaxweyne Donald Trump, oo qaaday tallaabo ka dhan ah Venezuela, ayaa tilmaamay in Iran "waqtigiisii gabaabsi yahay" uuna rajeynayo inay si dhaqso ah "u imaan doonto miiska wada xaajoodka" ee ku saabsan barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Waxa uu mar sii horeysay yiri, "Waxaan u sheegay in ay wadahadlaan oo ay heshiiyaan, laakiin ma aysan imaan," ka dib duqeyntii bishii June ee la soo dhaafay.
Maraykanka ayaa waxa ka joogaa ilaa 50,000 oo askari iyo hub aad u badan oo ku jira xeryo ciidan oo ku yaala bariga dhexe.
10,000 oo ka mid ah ciidamadaas waxay ku sugan yihiin Saldhigga Diyaaradaha ee Al-Udeid ee dalka Qatar. Mareykanka ayaa sidoo kale saldhigyo ciidan ku leh Jordan, Saudi Arabia, Oman, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta.












