Maxay haweenku ugu badan yihiin shilalka dhaca?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Tijaabooyinka badbaadada baabuuryu ma waxay tixgalinayaan jirka dumarka?

Run ahaantii, tobannaan sano, shirkadaha baabuurta sameeya waxay ku tiirsanaayeen gawaari aan shqaynayn si ay u helaan cabbirka jirka ragga marka ay gaariga ku jiraan, taas oo macnaheedu yahay in natiijooyinka tijaabada shilku aanay ka tarjumayn heerka khatarta ay haweenku la kulmaan marka ay dhacaan shilalka gaadiidka.

Warbixin ay dhawaan soo saartay maamulka qaran ee badbaadada waddooyinka ee dalka Mareykanka oo la daabacay horraantii bishan ayaa lagu xaqiijiyay in haweenka ay la kulmaan khataro ka badan kuwa ragga marka ay galaan shilalka waddooyinka.

Cilmi-baadrisyo la soo ururiyey sannado badan ayaa muujinaya isbeddel naxdin leh oo ah in dumarka ay si xun u dhaawacmaan, iyo xitaa dhimasho, shilalka baabuurta oo aan waxyeello isku mid ah u geysan ragga iyo iyaga, tallaabadaas oo cadaadis ku saartay maamulka taraafikada ee rasmiga ah iyo cilmi-baarayaasha adduunka inay diiradda saaraan farqigaas oo ay isku dayaan inay fahmaan sababaha.

Sidan oo kale, Waaxda Gaadiidka ee Maraykanka ayaa bishii November ee la soo dhaafay ku dhawaaqday in la sameeyay qalabkii ugu horreeyay ee tijaabada shilka baabuurta oo si gaar ah loogu talagalay in lagu cabbiro heerka badbaadada jirka haweeneyda haddii uudhacdo shil baabuur inta ay saaran tahay kursiga darawalka, tallaabadaas oo wax badan ka beddeli doonta habkii la qaatay dhowr iyo toban sano ka hor, taas oo ku salaysan wax badan oo ku saabsan sifooyinka jirka labka ah.

Baabuurka yar ee loo isticmaalo shaybaaryada badbaadada baabuurta ayaa la ansixiyay sannadkii 1978-kii, waxaana la nashqadeeyay iyadoo lagu eegayo cabbirka qofka dhererkiisu yahay 175 sentimitir, miisaankiisuna yahay 78 kiiloogaraam.

Jirka macmalka ah ee dheddigga ee loo isticmaalo baaritaanka dheddigga, oo hadda ku socda korriin iyo baaritaan, waxaa loo yaqaan "Thor-05F." Way ka yar tahay, si sax ah ayay u matalaysaa faraqa u dhexeeya ragga iyo dumarka, oo ay ku jiraan qoorta, lafaha, lafta sinta, iyo lugaha. Waxa kale oo ay leedahay jaakad cinjir ah oo u taagan naasaha waxayna leedahay in ka badan 150 dareemayaal, sida ay sheegtay Waaxda Gaadiidka ee Maraykanka.

Tirakoobku wuxuu muujinayaa in raggu ay sannad walba ku dhintaan shilalka baabuurta in ka badan dumarka. Taas waxaa sababteeda lagu sheegay in raggu, celcelis ahaan, in ay kaxeeyaan masaafo dheer, waxayna aad ugu nugul yihiin caadooyinka halista ah ee wadista baabuurta, sida inaan la xirin suunka gaariga, xawaaraha, iyo ka xaynta baabuurka iyagoo cabsan khamri ama walxo kale.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sidaa darteed, shilalka ay ku lug leeyihiin darawallada ragga ah ayaa inta badan ka halis badan kuwa ay galaan dumarka darawallada ah.

Si kastaba ha ahaatee, daraasado dhowr ah oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay ayaa muujinaya in haweenku ay weli aad ugu dhow yihiin inay ku dhaawacmaan ama ku dhintaan shilalka marka loo eego ragga, taas oo dhalinaysa su'aalo ku saabsan sababaha kala duwanaanshahan.

Daraasad uu sameeyay Maamulka Badbaadada Wadooyinka Qaranka ee Mareykanka ayaa muujisay in haweenka ay 73 boqolkiiba ugu dhow yihiin inay ku dhaawacmaan shilalka hore marka loo eego ragga, iyo in 17 boqolkiiba ay aad ugu dhow yihiin inay ku dhintaan shilalka baabuurta.

Iyadoo cilmi-baarayaasha qaar ay u sababeynayaan kala duwanaanshiyahan ku-tiirsanaanta imtixaannada badbaadada ee baabuurta la isku daray ee loogu talagalay inay ku habboon yihiin cabbirka jirka ee ragga, kuwa kale waxay aaminsan yihiin in noocyada kala duwan ee baabuurta ay wadaan ragga iyo dumarka, iyo xaaladaha shilka laftiisa, ay sidoo kale gacan ka geysan karaan sharraxaadda farqigaas.

Dooddan waxa taageeray, ilaa xad, natiijada daraasad ay samaysay waaxdu sannadkii 2022, taas oo lagu soo gunaanaday in farqiga khatarta dhimashada ee ragga iyo dumarka darawaliinta ah ee baabuurta casriga ah uu yaraaday, taas oo ay ugu wacan tahay horumarro lagu sameeyay qaabaynta hababka badbaadada.