Sidee ku ogaan kartaa muuqaallada lagu sameeyo garaadka macmalka ah?

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Thomas Germain
- Role, BBC News
Bogagga warbaahinta bulshada waxa ka buuxa sawirro iyo muuqaallo lagu sameeyay garaadka macmalka ah kuwaas ay adag tahay in mararka qaarkood la kala saaro kuwa saxda ah iyo kuwa kale. Mid ka mid ah siyaabaha lagu garan karo in muuqaal uu been yahay waa in la fiiriyo tayada sawirka.
Waxaa laga yaabaa in lagu jahwareero kalsoonidaada marka aad la kulanto muuqaal been abuur ah. Lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa kordhay faafitaanka muuqaalada khiyaanada ah.
Marka hore, waxaan eegnaa tayada sawirka," ayuu yiri Hany Farid oo ah bare culuunta kombuyuutarka ka dhiga Jaamacadda California iyo madaxa shirkadda baadhista macluumaadka been-abuurka ah ee GetReal Security.
Laakiin sidoo kale, dadka sameeya muuqaallada AI waxay sii wadi doonaan in ay horumariyaan farsamadooda, sidaas darteed, wakhti dhow ama fog, habkan hadda lagu kala saaro muuqaallada dhabta ah iyo kuwa beenta ah waxa laga yaabaa in isbeddel weyni uu ku dhaco. Arrintani waxay dhici kartaa muddo gaaban gudaheeda ama sanooyinka soo socda.

Xigashada Sawirka, Serenity Strull/Getty Images
Farsamooyinka caanka ee lagu sameeyo muuqaallada, sida Veo ee Google iyo Sora ee OpenAI, wali waxay leeyihiin calaamado lagu ogaan karo ," ayuu yiri Farid.
Xitaa AI-ga ugu horumarsan waxa uu leeyahay cillado, gaar ahaan dhaqdhaqaaqa muuqaalka, timaha, iyo dharka. Cilladahan yar-yar way adagtahay in la fahmo, laakiin haddii muuqaalka si cad loo soo bandhigo, si fudud ayaa loo garan karaa.
Bilihii ugu dambeeyay, muuqaallada ay sameeyeen AI-ga ayaa dad badan jahwareeriyay. Muuqaalkii bisadda ee cirka isku shareeray ayaa dhowr maalmood gudahood helay daawasho ka badan 240 milyan oo daawadeyaal ah dhinaca TikTok, halka malaayiin kale ay gujiyeen caalamdda "like" ka hor inta aysan ogaannin inuu been yahay.
Muuqaalladan waxay u muuqdaan sidii in lagu duubay taleefan duug ah. Muuqaalkii bisaddu wuxuu u muuqday sidii in habeen dhexdiisa la duubay.
Falanqeeyaha ayaa sheegay in badanka muuqaalada AI-ga aysan waqti dheer lahayn: "Badankooda ma gaaraan muddada muuqaalada caadiga ah ee TikTok iyo Instagram, kuwaas oo inta badan 30 ilaa 60 ilbiriqsi ah. Laakiin badankooda oo aan baadhay waxay ahaayeen 6 ilaa 10 ilbiriqsi oo keliya."
Wuxuu intaa ku daray in samaynta muuqaalada AI-ga ay aad u qaali tahay, "taasina waa sababta ay u sameeyaan muuqaalada gaagaaban. Sidoo kale, waxaa jira calaamad hakad ah ku dhawaad daqiiqad kasta."
Fariid wuxuu sheegay in dadka sharci-darrada ku shaqaysta ay isticmaalaan muuqaalada AI-ga si ay dadka ugu khiyaameeyaan: "Haddii aan doonayo in aan qof jahwareeriyo, kaliya waxaan abuuraa muuqaal been ah, waxaan hoos u dhigaa tayada sawirka, laakiin weli waa la daawan karaa."

Xigashada Sawirka, Crédit : Serenity Strull/Getty Images
Dhibaatadu waxay tahay in isla waqtiga aad isku dayayso in aad ogaato muuqaallada been-abuurka ah, shirkadaha tiknoolajiyada ay qarash gareynayaan balaayiin doollar si ay u horumariyaan farsamooyinka garaadka macmalka ah.
"Marka muuqaal la saxo, waxaa jira calaamado lagu ogaan karo in wax laga beddelay," ayuu yiri Stamm.
Khabiirka arrimaha internet-ka, Mike Caulfield, ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan uu yahay in dadka ay beddelaan sida ay u fiirsadaan ama ay u aaminaan macluumaadka ay ka helaan internet-ka.
Raadinta khaladaadka AI ma ahan wax joogto ah, sababtoo ah shirkadaha tiknoolajiyada ayaa sidoo kale isku dayaya inay xalliyaan dhibaatooyinka haysta.













