Sidee Garaadka Macmalka ah u ragaadin karaa maskaxdaada?

AI

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Liibaan Cabdi Warsame
    • Role, BBC Somali

Adduunyada waxay maalinba maalinta ka dambeysa ku tillaabsaneysa horumar iyo hindisooyin hor leh oo saameyn togan iyo mid tabanku leh hayaanka bulshooyinka ilbaxnimada casriga ah ku xiran. Saameyntaas oo ku xiran hadba sida loo adeegsado xumaan iyo samaan.

Aagagga ugu muhiimsan ee sanadihii ugu dambeeyey tisqaadayna waxaa ka mid ah farsamada ku saleysan aaladda kombuyuutarka ee loo yaqaan Garaadka Macmalka ama Artificial intelligence (AI), taas oo kuu ogolaaneysa in aad muddo gaaban gudaheed ku fushato hawlo markii hore kaaga baahnaa in aad wakhti iyo ciidan badan geliso.

Walow hal-abuurka Garaadka Macmilka ah sida magacaba laga dheehan karo uu ka soo maaxday maskax bini’aadam, haddana marka la eego xawaaraha uu ku furdaamiyo hawlaha la faro; dunida horumartay waxay u buuxisay kaalin mug leh, siiba suureynta muuqaallada, aqoonsiga cododka iyo shaqooyinka kale ee u baahan farshaxan iyo firfircooni sare.

Laakiin Soomaaliya oo hal-abuurka ku saleysan farsamada kumbuyuutarka uusan weli ka hanaqaadin, waxaa muuqata in aan weli si fiican loo fahmin aaladdan labo aflaha ah. Inta fahansanna waxay u badan tahay in ay adeegsato dhanka taban.

Haddaba sida uu Soomaaliya uga hirgalay hal-abuurka ku dhisan Garaadka Macmalka ah iyo halista ku gedaaman, waxay BBC ka wareysatay Xuseen Sabriye oo Cilmiga Kombuyuutarka ka dhiga Jaamacadda Jamhuuriya ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena ah Madaxa Xiriirka Shabakadda Cilmi-baarista & Waxbarashada Soomaaliyeed ee SomaliREN.

Xuseen oo ka ah bare cilmiga kombuutarka ka dhiga jaamacadda Jamhuuriya ee magaalada Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Handout

Maxaan ka naqaan Garaadka Macmalka ee hal-abuurka leh?

Xuseen ayaa sheegay in Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh (Generative Artificial Intelligence) uu yahay qeyb ka mid ah Garaadka Macmalka ah oo awood u leh in uu abuuro xogo cusub sida qoraallo, farshaxan, sawirro, codad, iyo muuqaallo. Tusaale, waxa uu awood u leeyahay in uu allifo miraha hees cusub, laxameeyo, ka dibna ku luqeeyo. Waxaa jira dhawr nuuc oo ah Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh sida ChatGPT, Bard, Midjourney, iyo DALL-E.

ChatGPT wuxuu ka mid yahay aaladaha Garaadka macmalka ah ee hal-abuur ka leh.

Xigashada Sawirka, Reuters

Sidee looga faa'ideystaa Garaadka Macmalka ah?

Dhallinyaro badan ayaa ku tiirsan Garaadka Macmalka ah, taas oo haddii si buuxda la isugu halleeyo ragaadin karta ee hal-abuurkooda maskaxeed.

Xigashada Sawirka, Abdishukri Haybe

Qoraalka sawirka, Xafsa xilkas

Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh waxaa loo kaashan karaa curinta xogaha, diyaarinta dukumiintiyada, qoridda iyo falanqaynta warbixinnada, naqshadeynta sawirrada, sameynta barnaamijyada kumbuyuutarka, saadaalinta timaadada, talabixinta, xallinta mushkiladaha, iyo in uu si otomaatig ah ugu adeego macaamiisha shirkadaha, sida uu sheegay Xuseen.

Halis intee le’eg ayuu AI u leeyahay bulshada aan baraarugsaneyn?

Madaxda Soomaaliya oo la masabitay iyadoo la adeegsanayo hal-abuurka Garaadka Macmalka ah.

Xigashada Sawirka, EPA

Maadaama Garaadka Macmalka ah lagu curin karo xogo badan waxaa la sameyn karaa in laga been-abuuro sawirka ama muuqaalka qof kale, si sumcaddiisa loo dilo, loona marin-habaabiyo bulshada. Tusaale, hadal qof kale yiri ayaa loo ekeysiin karaa codkiisa, waxaana laga sameyn karaa muuqaal been-abuur ah, taas oo keenaysa in qofka lagu nabo wax uusan dhihin.

Waxaa xusid mudan in horay hadallo been-abuur ah looga sameeyay madax ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar kale. Waxaana suuragal ah in been-abuurkaas lagu faafiyo bulshadeenna oo aan ku baraarugsaneyn farsamooyinkan casriga ah.

Haddaba iyadoo maanka lagu hayo hal-abuurka lagu sirmi karo ee Garaadka Macmalka ah, gaar ahaan cododka iyo muuqaallada loo tiriyo dadka bulshada saameynta ku leh, waxaa lamahuraan ah in aad la isaga hubiyo oo aan lagu kedsoomin. Sababtoo ah, waxaa dhici karta in si farshaxan leh loogu abuuray Garaadka Macmalka ah, taas oo hadii ay dhacdo iska-horkeeni karta bulshada, islamarkaana dhaawici karta iyo sumcadda dad aan waxba galabsan.

Maxaa ka mid ah waxyaabaha u baahan in maanka lagu hayo?

Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh waxa uu fahmi karaa, waxna u tarjumi karaa in ka badan 50 luqadood oo Af Soomaaligu ka mid yahay. waxaase xusid mudan in uusan aqoon durugsan u lahayn afkeenna, taas oo keeneysa in aan lagu wada kalsoonaan karin xogaha uu af Soomaaliga ku curiyo. Sababtuna waa in aysan badneyn xogaha Af Soomaaliga ku qoran ee interneetka ku jira, isaguna wuxuu kaydiyaa hadba xogaha lagu tababaray. Waxaana habboon in la badiyo maqaallada, warbixinnada, iyo buugaagta af Soomaaliga ku qoran ee interneedka ku keydsan, si loo kobciyo aqoonta uu Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh u leeyahay afka Soomaaliga.

.

Xigashada Sawirka, Techvivy

Qoraalka sawirka, Garaadka Macmalka ah oo dunida qabsaday

Maxaa la gudboon dadka ku tiirsan aaladaha ku shaqeeya IA?

Garaadka Macmalka ah ee hal-abuurka leh wuxuu meesha ka saari karaa baahidii loo qabay shaqaale xirfad yahan ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qofka isticmaalaya waxaa la gudboon in uusan ku tiirsanaan curinta Garaadka Macmalka ah ee Hal-abuurka leh ee uu shiilo maskaxdiisa, Garaadka Macmalka ahna ka dhigto caawiye uu kaashado wixii awooddiisa ama aqoontiisa ka baxsan.

Garaadka Macmalka ah waxa uu tixraacaa xogo horay loogu tababaray, oo ay ku jiri karaan eex, been-abuur, iyo marinhabaabin. Haddaba, waxaa habboon in qofka isticmaalaya iska xaqiiyo sugnaanta iyo saxnimada xogaha uu ka helayo Garaadka Macmalka ah.

Saameynta taban ee Garaadka Macmalka ah waxaa ka mid ah in uu suuqa ka saari karo xirfadlayaal badan, maadaama uu shaqooyinkooda hal-abuur qaban karo. Wuxuu kale oo cuuryaamin karaa hibadii qofka Alle siiyey ee uu ku adeegsan lahaa xirfadaha farshaxanka iyo maan-tuujiska ku dhisan, maadaama uu in badan isku-halleeyey hal-abuurka Garaadka Macmalka ah. Waayo is dhigashada badan waxaa laga dhaxlaa maskax-ragaad iyo in la gabo kartidii qofnimo ee xallinta caqabadaha iyo curinta hal-abuur loo aayo”.